Waxba Xirsi-yow ha soo hangalaysane


 


Wax badan ayuu qalinku ka maagay inaan dhinac ula baxo wasiir ka tirsan dawlada Dhukkan ee uu hogaanka ka yahay madaxweyne Axmed-siiraanyo maanta se inankan Xirsi ee dabaylaha bari sitaan ayaan doonayaa inaan runta warbaahinta u mariyo.

Xirsi waxa aan leeyahay hadii Adeerkaa kuu sameeyay xil aan jirin oo aan distoori iyo sharci mid naba ahayn,kaana yeelay, kaa maanaan aqbalin inaad sidaad doonto ugu tomato xeerarka iyo d astoorka dalka u yaala.Waxba kolba madax dhaqameedyo aad qadhiidh u laabtay ha soo fadhii sin tv-yada oo haw yeedhin aragti shacabka marin habaabinaysee,hana soo hangalaysane ku dh aqaaq oo fuli ula jeedadaada, waxay ka cabto aynu aragnee.

Waxba siyaasiyiintan ruug cadaaga ah ee kaaga lexo-jeclada badan dalka ha ku tilmaamin gole d alka ku soo kordhaye waxaad la soo hangalaysanayso waa la garanayaaye waa lagaaga fadhiy aa.Wada-tashi iyo toosin waa laba eray oo si mug leh aad u garanaysid,ururo siyaasadeed oo m aanta u beratamaya inay ka mid noqdaan 3da xisbi qaran ee distoorku ogolyahay ma jiraan, ma na jiro xisbi siyaasadeed oo codsaday inuu ku kordho 3da xisbi qaran ee dalka ka jira,manaanay codsan inay ku kordhayaan golayaasha dalka ka jira,dawladaad ka tirsantahay,komishanka qar anka iyo gudidan ina-ciyaale midna umay gudbin codsi lagu diiwaan geliyo balse waxay golaha wa datashiga iyo toosintu ku dhawaaqeen in talo laysugu yimaado xaaladaha murugsan ee maanta dalka ka taagan.Waxaanay dawladan dhukkan u soo bandhigeen eedaymo iyo talooyin ka kooba n 16ban qodob,waxaana laydiinka fadhiyay inaad si caafimaad qabta uga jawaabtaan.

Taana xaq ayay u leeyihiin,waa muwaadiniyiintii kuu suurta gelisay kursiga xaaraanta ah ee adee rkaa kugu fadhiisiyay.Waa distoori inuu daljire kastaaba talo iyo toosinba soo jeediyo ee waxa nidaamka dalkan ka baxsan oo aan distoori ahayn mansabka aad maanta u adeegsanaysid cidii juuq tidhaa.Waxay ahayd inaad ilaahay iyo shacabkan wanaagsan ee dulqaadka badan ugu mah ad-naqdo.

Hadaba waxba odayaal kolba hadla oo daadifeeya golaha wada-tashiga iyo toosinta ha odhane, halkaad u muraad leedahay saw maaha xadhiga ka soo yeedhay xubno golaha dhexe ee Kulmiy e,saw hirkaad ku ordaysaa maaha gudoomiyaha xisbiga ucid,gudoomiyaha xaqsoor,mujaahid Dh egaweyne iyo Eng.Maxamed Xaashi. Xirsi-yow hal maad yeeli,maad jogsan waxan iskaa tusay,u malayn maayo inaad dhego u leedahay.

Waxaynu eegi doonaa markay timaado ta aanu kaa horjoognaa ee bal ka soo dhex hadal Cusm aan-fanax,ina-ciyaale,soona kaxayso
RRU-da aad maatida u adeegsato.



Waxa aan ku soo afjarayaa:

Allahayow yaa yidhaa , nalama daaree dooji reera

Dulmi iyo wiil nagu durduriya, horaanu u diidnee jooji daan-daansiga

Dagaal mooyee ma naqaan, darajooyinka nololeeda

Ma doonyaad ku rare, daarahan dhaadheer.

 

 



Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL