Website-Yada Riyaale Taageera Ama Dowlada Maxay U Daabici Waayen Xuska Shuhaadada S.N.M Ee 17 Oktobar?‏

 


Dhamanba Saxaafada Somaliland Ayaa Si aan Hagar Lahayn u soo ban dhigtay  xus ka maalintaa Shuhaadada SNM, Gaar ahaan waxaa Si xilkas-nimo ku jirto u soo  gudb iyay Website yada Somaliland ....

Waxaan Salamayaa Inta Dareenka Iyo damiirka Somaliland-nimo leh, Inta U damqata Somaliland Inta ka soo Horjeeda Musuqmaasaqa Hanti Boobka Horumar La'aanta  B iyo La'aanta Caafimaad La'aanta Waddo La'aant Doorasho La'aanta Citiraaf  La'aa nta Dhaqaalo La'aanta Waxbarasho La'aanta Shaqo La'aanta Dastuur Jabinta iyo Ku Tartanka Boobista Hantida Ummada.

Intaasi Waa Salaan Iyo Arar.


Waxaa Shalay oo Taariikhdu ahayd 17 Aktobar 2oo9 Ku beegnayd 25 guuradii  daga alkii Burco Duuray ay iskaga Horyimaadeen Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre Iyo  Uru rkii Dhaqdhaqaaqa Waniga Somaliyeed S.N.M, Dagaalkaas oo ay ku heshiideen in ku dhow 30 Muhaajid Tiro Kalena ay ku dhaawacantay dhamantood Rabi Naxariistii Jano haka waraabiyo Amin amin.

Waxaa Maalintaa Shihiiday Mujaahid Marxuum Maxamed Xaashi Diriye(Lixle)oo ahaa Hogaamiyihii Dagaalkaa Burco Duuray Mar labaad alle haw naxariisto dhamantood aamiin.


Hadaba Maalinta 17 Aktobar ayaa waxaa loo aqoonsan yahay maalinta Shuhaadada SNM waxaana sanad walba maalintaasi xus iyo duco loo sameeyaa mujaahidiintii ku nafwaayay maalintaa iyo dagaalkaas. Shalayna waxay ahayd maalintii Shuhaadada SNM Waxaana Xus ka dhacay Magaalda Hargeysa taas oo si wayn loo soo  abaabu lay looguna duceeyey Mujaahidiintii SNM iyo Shihiideyaashii oo dhan waxaa  dhaman ba ka soo qayb galay xuskaasi shalay ka dhacay Beerta Xoriyada ee magaalada  Ha rgeysa intii ka noolayd ururkii SNM ogoomihii ay ka tageen mujaahidiintu naaxadii SNM Siyaasiyiiin iyo dhamanba Bulsho waynta Somaliland.Waxaana Sidoo Kale laga Xusay maalintan Dhamanba Gobolada Dalka.


Dhamanba Saxaafada Somaliland Ayaa Si aan Hagar Lahayn u soo ban dhigtay  xu ska maalintaa Shuhaadada SNM, Gaar ahaan waxaa Si xilkas-nimo ku jirto u soo  gud biyay Website yada Somaliland marka laga reebo kuwo Dowlada, waxaa kale oo ay Qurbajooga Somaliland iyo dhamanba Bulshada Somaliland u soo gudbiyeen  Sawira dii mujaahidiinta meeshii Dagaalku ka dhacay Calankii SNM taariikhdii maalintaasi iyo wixii dhacay oo maqal iyo muuqaal ba leh.


Waxaa Layaab iyo Filanwaa fajac iyo amakaag ah in aan maalintaasi laga xusin ama lagu qorin lagu soo hadal qaadin la daabicin dhamanba Websiye-yada Dowladu  maa musho ee weliba cashuurta Shacabka laga guro dadka Qora mushaharka loo siiyo Website'yada aan lagu daabicin ama lagala qashaafay waxaa ka mid ah Qaar  mada xtooyada laga qoro Waxana ka mid ah .

1-Harowo.com
2-
Qarannews.com
3-
Somalilandnation.com
4-
Zaylac.com


Afartan ayaan ka soo qaadan Karaa Mareegaha Sida layaabka leh u taageera Md DAAHIR RIYALE, ee hadana aan xuska snm soo hadal qaadin hadaba waxaan is waxay diiyay su'aalahan?


1-Tolow Mareegahani ma Riyaale ayay taageersan yihiin Somaliland na waxba kama gelin?

2-Tolow Mareegahani Miyaanay Ogayn Haddii aan SNM jirin In aan Riyaale Kursiga Fuuleen?

3-Tolow Mareegahani Riyaale iyo Somaliland keebay Jecel yihiin?
4-Tolow Haddii Website-yadii Hantida Qaranka Lagu maamulayey loo diidday Xuska snm Taasi ma waxay ka dhigan tahay Saxafada gaarka loo leeyahay ayaa muwadiin ah kuwo Dowladuna waa Cadow?

5- Ma dhici Kartaa In RIYAALE iyo cidda Taageertaaba Inta Ay kursiga ku Fadhiyaa Somaliland Yihiin Sidaa Darteedna aan Waxba ka Gelin Taariikhda iyo xuska SNM?


Waxaa Xusid iyo Bogaadin Mudan Iddaacad VOA Qayteeda afka SOMALIGA oo  Xus ka shuhaadada SNM si toosa shalay markii ugu horaysay looga siidaayay Waxaanan u soo Jeedinayaa Hanbalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin.

Waxaan Filayaa Qof kasta oo SOMALILANDER ahi Dareenkaa aan muujiyay waa ila qabaa bal aan is waydiiino sababta.



Somaliland Guul iyo Gobonimo






Cali kayse Kabadhe

AMSTERDAM
Calikayse@live.com