Ogaysiis: Shirwaynihii West London Somaliland Community

 


Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu reer Somaliland ogaysiinaya a in uu qaban doonoo shirwaynihii ururka bishan December 11-keeda kuna qaban doono Harlington Community School, Hayes, Pinkwell lane, Ub3 1PB.

Ururku wuxu shirwaynaha kusoo bandhiggi doonaa wax qabadkii iyo xisaabaadkii sanadka 2010-2011-ka, waxaana lagu dooran doonaa gudida ururka haggi doonta sanadka 2011-2012. Sidoo kale waxa lagusoo bandhiggi doonaa qorshaha dhaw iyo ka fog-ba ee urur ja aliyadeedka.

Waxaanu ka codsanayna xubnaha jaaliyada, siiba cidda kasoo bixi karta hawshan, inay is kusoo sharaxdo gudida xubnaheeda kala duwan oo markaa soo gudbiso CV-giisa/geeda iyo qoraal kooban oo ka hadlaya nolosha uu soo maray musharaxu. Waraaqda musharax-nimada lagu gudbinayo iyo waxa laga rabbo xubnaha gudida waxaad ka helli kartaa xarun ta urur jaaliyadeedka ee 80 East Avenue ku taala.

Wakhtiga: 4-ta galabnimo ilaa iyo 8-da fiidnimo

Wixi faahfaahin ah waxaad kalasoo xidhiidha West London Somaliland Community
0208 848 1180 / 07870515334 amma: wlondonsomalilanders@gmail.com


 

 


West London Somaliland Community