XUKUUMADDA KULMIYE IYO WARBAAHINTA MADAXABANNAAN
Astaamaha gaarka u aha xukuumadaha u xuubsiibtay keli
talisnimada ayey ka mid tahay cabudhinta iyo
cagajuglaynta hawlwadeenada warbaahinta xorta ah iyo
muwaadiniinta rayidka ah ee hadba dhaliilaha iyo
goldaloolooyinka maamulka jira ummadda u iftiimiya. Bani
Aaadamka haddii la isku dayo in la cabudh iyo oo xaqa uu
u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa gaarka ah, ha noqoto
maqal, muuqaal, amase qoraal, fa aii’dada keli ah ee laga
dheefsadaana waa gadood dadweyne iyo xukuumadii jirtey
oo hawada ka baxd a.
Waxa habboon xukuumadda maanta talada Somaliland heysaa
in ay ku cibro qaadato waaga cusub ee Waqooyiga Afrika
ka bilaabay iyo sida uu u saameeyey dalalka Bariga Dhexe
iyo Afrika inteeda kale. Iyadoona wax dhegaha Madaxweyne
Zein Caalbidiin Bin Cali dhegihiisa wax soo jiita laga
sanqadhin, dhe ngid iyo shaabuug midna loola tegin ayuu
saqdhexe dayuurad ka halabsaday dalkii uu seddex iyo
labaa tanka sannadood ka talinayey! Madaxweyneyaal badan
oo kursiga laga fujin kari waayey ayaa hadda hurdadii
ledi la’!
Laga soo bilaabo sannadkii 2002 markii ururadii
siyaasadeed u tartmameen doorashadii deeganada, ay aa
Xisbiga Kulmiye wuxu ku eedayn jiray xukuumaddii jirtay
in ay warbaahintii madaxbannaanayd cabu dhin ku hayso;
xuquuqdii Aaadamaha lagu tuntay; distoorkii dalka iyo
xeerarkii ka farcamayey la baal maray. Xisbiga Kulmiye
iyo Xukuumadda jirta waxan leeyahay: Maanta maxaydun
odhay? Tabaha aad adeegsanaysaan qarnigii ina dhaafay
ayaa lagaga soo hayaamaye, idina ma tan ayaad la soo
guuxays een?
Marka aan u soo noqdo xadhiga Tafatiraha Wargeyska
Waaheen, Md. Maxamuud Cabdi Jaamaca, waxa cad in Xeer
Ilaaliyaha iyo Garsooruhuba toos u baal mareen Distoorka
Qaranka qodobkiisa 32 iyo Xee rka Saxaafadda ee
Tirsigiisu yahay 27/2004, Qodobkiisa tobnaad (10),
faqradda lixaad (6) ee tilmaama ysa xadgudubyada ka
dhanka ah warbaahinta in lagula dhaqmo XEERKA MADANIGA.
Meela kagama jirto xeerka saxaafadda in la adeegsado
XEERKA CIQAABTA ee ka soo farcamay Xeer Ciqaabeedkii
Baaniya alka (Indian Penal Code) e ay dhaqan gelisey
Xukuumaddii Cabdirezaaq Catoosh Wasiirka Gudaha ka ah a,
ka afgambi dhicisoobay bishii December 10th 1961.
Sida adduunweynuhu u dhaqmo, dembiyada loo yaqaana
sumcad dil (defamation), aflagaado (slander) iyo wixii
la mid ah waxa lagu kal baxaa maxkamad madani ah; haddii
dembiga weriyaha lagu soo oogay cadaado, waxa markaa
weriyaha dhuyuca loo geliyaa ganaax iyo magdhow culus;
hase ahaatee dacwe ysanaha maxkamada gudeheeda haad
biidhi inta lagu jebiyo xabsiga looma taxaabo. Waxa
sidan u dha qmi jirtey dowladdii Afweyne Siyaad Barre,
iyana halkay ku dambeysey isu sheegi mayno. Hadaba iyaba
waa cibaaro adduune, ma tubtii ayeynu maanta halabsannay
oo hab dhaqankeedii ayaa inagu soo dux aya? Tafatiraha
Waaheen, Md. Maxamuud Cabdi Jaamac, sida qareenkiisu
caddeeyey, dacwaddaa loo heystey caddaymaheedii wuu soo
bandhigay, waxa se cad in aanu Garsoore Cali Suudi
Diiriye oo keli ku ahaa dhegeysiga dacwadda Tafatiraha
markay Garsoorayaashii kale ee Maxakamdda Gobolka
Hargeysa diideen in ay dhegeystaan dacwadda; taasina waa
mid toos u baalmarsan xeerka maxkamada, waxan ay
sharciyadda xukunka lagu riday Maxamuud Cabdi Jaamac ka
dhigaysaa waxba kama jiraan.
Sidaa darteedna waxa qumman in Tifatiraha Waaheen iyo
Boqor Raabi labadaba xoriyaddooda sida ugu dhakhsaha
badan loogu soo celiyo.
Waxa kale oo iyana mucjisad kale ah in Garsoore Cali
Suudi Diiriye uu abaal marin dallacaad ah ku helay sida
uu dacwadda u fuliyey. Arrintani waxay dib inoo
xasuusinaysaa, horraantii lixdameeyadii intaan da lka
Kiiniya madaxbannaanidiisa helin, ayaa niman asal ahaan
Somali ah oo ay ka mid ahaayeen Adan Ca bdillaahi Nuur
“Gabyow” iyo nin lagu naanaysi jirey ma tukade oo
booliska Kiiniya ka mid ah, kacdoonkii gobanimadoonka
dalkaasna fal dembiyeedyo ka galey, ayaa dhinaca Somalia
u soo tallaabay. Ma Tuke wuxu ku biiray Ciidankii
Boliska Somalia. Xiliga waxa Taliye Ciidanka Booliska ka
aha Maxamed Abshir “H aamaan.” Waxay dhacday in lixdii
biloodba Ma Tukade hal xidig ah la dallacsiiyo. Nin
Wasiiraraddii Xuku umaddaa ka mid ahaa ayaa yidhi:
“Dallacaadu dhakhso badana ma xidigtii Ma Tukadaa.?”
Dugsiga iyo dayaxu ma isku toosanyihiin?
Xiligii Xisbiga Kulmiye ahaa mucaarid waxaynu maqli
jirney iyadoo la leeyahay Xisbiga UDUB iyo
hogga ankiisaba wuxu habaar kaga dhacay milgihii
hadalka!! Waa tahay wadaad wadadii caddayd cagta
saar nay: Madax dhaqmeedku wuxu huwanyahay cumaamad uu
wakiil cid ugu yahay; waa shakhsi la karaa meeyey oo
sharaf iyo maamuus mutaystay; waa hoggaan beeleed.
Milgaha hadalka ku wajahan madax dhaqmeedna ma geyo in
lagu tilmaamo: “ SODOH DOCDII INANTEEDA LAGU
DHIRBAAXAY.” Inta af Soom ali Ilaahay innagu mannaystay,
halqabsi kan dhaama miyaa suugaanteena laga waayey?
Boqor Raabi waxan leeyahay hadalkaa xaal iyo raali gelin
ayaa lagaa siiyey.
Waxan ku soo gunaanadayaa: Saxaafada iyo xoriyatul
qowlku waa tiirka afraad ee dowladnimo. Xiligii xkuumadi
dhowrilahayd afka bani Aadamka waxa ka soo yeedha iyo
wargeysyadu waxay qoraan waa laga soo gudbay ee Xisbul
xaakimku ha la qabsado halka dunidu marayso. Xukun
qarqoosh iyo xabsi la isu taxaabaana kalsooni ummadeed
laguma kasbade’. Xukuumadda talada dalka haysaa iyadooni
lix bil ood u buuxsamin hadday sidan u dhaqanto, shan
sannadood ka dib halkaynu ku dambeyn?
|