“Ninkii Aabahay Dilay Ee La ii Diray Inaan Soo Dilo Markii La Yidhi
Haadduu Dagan Yahay Waxaan Ka Yeelay…
Hargeysa, April 26, 2011 (TNN) - Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe)
oo ah Xubinta ugu da’da weyn labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland
ayaa socdaalka Madaxweyne Axmed Max amed Maxamuud (Siillaanyo) ku
joogo dalalka Khaliijka ku tilmaamay Safar wax ku ool ah, ugu-na qaa
bay Boqorada dalalka Khaliijka in Somaliland Ictiraafkeeda ay
hormood u noqdaan isaga oo tilmaam ay, in Bulshada reer Somaliland
ay qayb laxaad leh ka qaateen taaba-galinta Boqoradii ugu
horeey ay ee dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo kula taliyay Boqor Cismaan Aw
Maxamuud (Buur-madaw) inuu ka fiirsado eedaha uu Caafimaadka
Madaxweynaha ceebaha ka dhigayo, ugu-na baaqay Hogaan dhaq ameedka
in hadaladoodu hufnaadaan.
Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo
Shalay Wargeyska Haatuf la yeeshay, kaas oo uu sidoo kale kaga
hadlay arrimo la xidhiidha qisooyinkii Naanaysta loogu bixiyay
waayihii ugu layaabka badnaa ee soo maray, xidhiidhada Dawladaha
Djibouti, Ethiopia iyo Xeerka Isgaadhsiinta Wakiiladu ansixiyeen.
Xaaji Cabdi Waraabe oo ugu horayn ka hadlaya socdaalka Madaxweynaha
ee Imaaraadka Carabta iyo Kuwait, waxa uu yidhi “Safarkaa
Madaxweynuhu ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta waanu soo
dhaweynaynaa, Madaxda dalkaasi siday u qaabileena waanu ku
hambalyaynaynaa, dalka Kuwait ee uu ku sii jeeda-na khayr baanu uga
rajaynaynaa inuu kala soo guryo noqdo, waxaan qabaa inuu Safarkaasi
Madaxweynuhu guulo wax ku ool ah kala iman doono, Ninka Safarka
Madaxweynaha daca ayado Raqiis ah ka fidinayaa-na waa Nin aqoon
gaaban, wixii uu kala hadlay Madaxda Imaaraad-ka na waxna uma
dhaafin waxna muu dhimin, Boqorada dalkaasi Sucuudiga-na labadaba
waan ka weyn ahay oo 100 Nin oo reer Somaliland ah ayaa Boqor
Cabdicasiis Maamulka la qabsaday, waxaanu ka eegaynay dalalkaasi
Carabta inay Ictiraafka Somaliland noogu soo horeeyaan, Diin,
Dadnimo iyo Hiil baanu walaalo ku nahay oo ay juqa-juqaynta naga
daayaan”
Xaaji Cabdi Waraabe oo aanu weydiinay aragtidiisa ku wajahan Xeerka
Isgaadhsiinta ee Golaha Wak iiladu soo ansixiyeen in Golahooda
Guurtida loo soo gudbiyay, waxa uu yidhi “Kolka Xeerkaasi Isgaa
dhsiintu na hor yimaado ayaanu ka hadli doonaa, balase hadda ka hor
dhici maayo”.
Mar aanu weydiinay aragtidiisa ku wajahan eedo Boqor-Buur Madow u
jeediyay Caafimaadka Mada xweynaha u jeediyay, waxa uu yidhi
“Boqor Buur-madowe hadal adag-na wuu odhan, hadal dabacsa na wuu
odhan, Madaxweynuhu wuu xanuusan karaa oo bini’aadam, anigoo Xaaji
Cabdiya ayaa Xanu un iyo Gabow i hayaa, qof kastaa-na wuu dhimanayaa
laakiin se in Xanuun la isku ceebeeyo waa ar rin khaldan, Ninka
Hogaan dhaqameedka ahna waxa loo baahan yahay inuu ka fogaado
hadalada a an munaasibka ahayn ee Milgihiisa wax u dhimaya, laakiin
se Ninba wuxuu odhanayo Caqligiisa ayuu nbay la noqotaa,
waxaan se muhiim ah in Hogaan dhaqameedku ay Xishoodaan”.
Xaaji Cabdi oo ka hadlaya doorashada Madaxtinimada oo markii
saddexaad loo doortay Madaxweyn aha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle,
waxa u yidhi “Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle
hambalayaan u dirayaa, dalkiisii buu Sharaf u yeelay Ilaahay-na
Cimrigiisa ha raajiyo, Ninka Ismaaciil Cumar Geelle fogeeyaa-na waa
Nimaan Dawladnimo doonayn, qoladaa Eritrea-yana barigii dhaweyto ee
dalkaasi ay soo weerareena waxaan ceeb ahayn kamay qaadan, Hogaan
dhaqameedkayaga So maliland barigii ay Eritrea Xornimadooda
doonayeen waxaanu kala Shaqaynay markii ay Xornimada qaateen
ayuunbay Djibouti iyo Somaliland colaad u qaadeen, Madaxweyne Geelle
Shantii Soomaaliy eed ayaa Askar u wada ah oo Nin ka Ciidan badani
ma jiro, haddii Eritrea soo weerarto”.
Xaaji C/kariim oo aanu weydiinay go’aanadii uu ka qaatay beri markii
isaga iyo Rag kale loo diray i nay u soo aaran Nin Aaabihii dilay,
waxa uu yidhi “Aabahy oo la dilay anigoo yar ayaa la Shiray, Shi
rkii waxa lagu go’aamiyay inaan u soo aaro Aabahay oo Ninkii dilay
aan soo dilo laba Nin baa la igu daray, Aabahay waxa dhashay Ina
Nuur Maxamed, Ninka la yidhi soo dil-na waa ina Guuleed Maxa med, ka
dib habeenkii-baanu Kambalka reerka u sii fadhiisanay isagoo socda
ayuu noo yimid wuu na Salaamay Darmooyin buu noo soo dhigay, Dab-na
wuu noo Shiday dabadeed Roobaa soo da’ay oo waxa uu na soo galiyay
Aqal Soomaali laba Daryaale ah oo weyn, labadii Nin ee kale ayuu
Hargo dus ha ka saaray si daroorinta Biyaha ay iskaga xigsiiyaan
anigana Masale cusub ayuu dusha iga saaray oo barigii hore
Shiraaq-yo iyo Baco dusha laga saaro Aqalada may jirin, dabeeto
markii Roobkii qaa day ee Xoolihii la dareeriyay ayay Tahar
Cabdilaahi iyo Gahayr Cabdi oo ila socday ay yidhaah-deen ina kiciya
hadduu dagan yahaye, dabeeto waxaan ku idhi arinkaasi waan ka noqday
Qorigii-na Xaba dii waan ka saaray dabeeto waxaan ku idhi Ninka
Daroorin ii quudhi waayay ayaan aniguna Xabad u quudhaa xaasha,
intaa ka dib labadii Nin ee i la socday weyn naxeen waxaanay
yidhaahdeen Shirkii la inaga soo diray ayaa xumaa inaga aqbalnayna
weynu qaldanayn, waanan kugu raacnay adigana Ilaahay baa ku
waafajiyay ayay igu yidhaahdeen, intaa ka dib Wankii na loo qalay
Habeenkii ayaanu ku Cashaynay, reerkii baanu iska seexanay, dabadeed
Aroonimadki ayuu nagu yidhi haddii Geel baa di doonaysaan maxaydun
Subaxdii u Kalihi weydeen, dabadeed waxaan ku idhi Awoow Geel maanu
doonayne……………
La soco……
Source: Haatuf
|