WAR MURTIYEED


 

 



Xaasha’e Nagama Suuroowdo In Aanu Abaal Laawayaal Idinku Noqono

Qaynuunku waa udub dhexaad
haduu dheeliyo sharcigu
qaranku wuu dhaawacmaa,
dhibtuna saameynta guud
bulshada dhinac kama martee
dhegtoodey wada dishaa
dhamaan ka sinaade ceeb
dhaliisha cid gaari male.
Maxeey noqon!!!


Door intee le’eg ayuu sharcigu kaga jiraa dhismaha bulshada?

Waa mawduuca maanta aan doonayo inaan ku soo qaato maqaalkan oo aan ku sharxi doono dhacdo todobaadkii aynu ka soo gudubnay ka dhalisay bulshada dhexdeeda is maandhaaf & muran xoogan arrinkaas oo aan ahayn ban ka dhalad balse ay daadihinayaan masuuliuiin qa ran oo aan is leeyahay ma jirto aqoon daro ka haysa sharciga balse dano gaar ahaaneed la ga leeyahay bulshadana lagu kala faquuqayo loona baahan yahey in loola noqdo waaqica dh abta ah oo ah waxa distoorka JSL kaqabo.


Arrinkani wuxuu u baahanyahey in si cad ummada loogu bandhigo dhibta uu keeni karo & ca waaqibka ka dhalan karaa nooca uu yahey & saameynta uu innagu yeelan karo baalmarka s harciga la baal maraa waxaana muhiim ah in laga sameeyo dood cilmiyeedyo ay goob jog ka yihiin sharci yaqaano & xeel dheerayaal khibrad u leh sharciga & Qawaaniinta.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “MIDIGTU BIDIXDA IS MOOGAAN BEY U GOOYSAA” wax a kale oo ay tidhaahdaa “SI XUN WAX U SHEEG SIXIR KA DARAN” waxaa baryahan warbaahi nta ka socdey arrin ka hadlaaya in kooto loo xidho Haweenka & Dadka laga tirade badan ya hay, waxa sidoo kaletodobaadkii hore la horkeenay fadhi ka mid ah fadhiyadii golaha wakiila da qoraal ka hadlaya isla mawduucan aan kor ku soo sheegnay qoraalkaas oo uu shirgudoon ku golahu u qaybiyay mudanayaa sha golaha kana soo baxey gudi hoosaad ka mida gudi hoo saad yada golaha fadhigii fadhigaa xigeyna shir gudoonku uu u soo qadimey in goluhu u cod eeyo dood adag kadib waxa mudanayaashu dib ugu celiyeen sife waafaqsan xeer hoosaadk a golaha & Dastuurka JSL, iyagoo u cuskadey arrimahan soo
socda:

1. Mawduucan oo aan ku jirin ajandihii kalfadhigan ee gokuhu ansixiyay (Xeer ahaan)


2. Kumuu Iman Mooshin soo jeedin ka dhashey golaha si waafaqsan

Dastuurka & Xeer Hoosaadka golaha kaasi oo ay soo jeedintiisa awood u leeyihii ugu yaraan 11 Mudane

3. Muu ahayn mashruuc sharci oo ka yimid Madaxweynaha JSL.

4. Sida uu dhigayo qodobka 128aad ee Dastuurka JSL Faqradiisa 2aad oo u dhigan sidan: Xeerkasta oo aan waaafaqsanayn Distoorka & Xeerarka dalka waa waxba kama jiraan.
Hadaba marka ay sidaa tahey goluhu wuxuu asiibey in aan xeerkani waafaqsaneyn, meelna kaga soo aroorin qodobka ay saldhiga uga dhigeen gudi hoosaadku kuna sababaynayeen qo dobka 36aad ee ay u cuskadeen kaas oo u dhigan sidan hoos ku qoran:

QODOBKA 36AAD

XUQUUQDA HAWEENKA

1. Xuquuqda xoriyaadka & waajibaadka Dastuurku xaqiijiyay, haweenku raga waa ay ula si manyihiin, Wixii shareecada Islaamku midkood u gaaryeeshay mooyaane.

2. Xukuumadu waa in ay dhiiri gelisaa xeerna ka soo saartaa,xaqa ay Haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqanada aan shareecada waafaqsanayn ee wax yeelada u leh jidhko oda & damiirkooda.

3. Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, maamulaan, kormeeraan, adeegsa daan, gudbim karaan,si shareecada waafaqsan.

4. Si sare loogu qaado aqoonta & dakhliga Haweenka & waliba daeyeelka qoyska, Haweenk u waxay xaq u leeyihiin in loo fidiyo waxbarashada dhaqaalaha qoyska iyo in loo furo dugsi yada farsamada & xirfadaha gaarka ah iyo kuwa waxbarashada dadka waaweeyn.

Sidaa awgeed qodobkan meelna kagama soo arooro nuxurka lagu maqaarsaarayo, oo ah ko oto loo xidho haweenka & dadka laga tirade badan yahey, waxase uu qodobkani si toosa u ga hadlayaa daryeelka, kor uqaadida nolosha trtirida dhaqanada waxyeelada ku ah hawee nka jidh ahaan & damiir ahaan, wuxuu sidoo kale ka hadlayaa xaqa ay u leeyihiin in ay hanti yeeshaan kuna tasarufi karaan si waafaqsan shareecada Islaamka, isla markaana wuxuu u jidaynayaa xaqa ay u leeyihiin in kor loo qaado aqoontooda xirfadeed, & guud ahaan kor u qaadida nolosha qaoyska, sidaa si lamid ah wuxuu qodobkani u jideeyay iney dhamaan xuqu uqaha kale kala simanyihiin Raga Wixii shareecadu u kala khaas yeeshay mooyaane, waxaa nu qodobkani khaas u yahey Haweenka JSL oo kaliya, sidaa darteed waa qas & jaha waree rin ula kac ah oo loogu talo galey in bulshada la iskaga horkeeno, laguna xalaashado talaab ooyin lagu minjo xaabinayo Distoorkii lafdhabarta u ahaa ilaalinta xuquuqda muwaadiniin ta JSL& jiritaanka qarannimada JSL oo uu saldhig u yahay Distoorku.

Sidaa si lamid ah marka laga hadlayo qodobada xaquuqda muwaadiniintu leeyihiin waa kuwo aan mugdi ku jirin, Dastuuurkuna wuxuu siinayaa dhamaan muwaadiniinta JSL xuquuq siman & Cadaalad sharciga hortiisa ah aniga oo daliishanaya qodobada la xidhiidha xuquuqda muw a adiniinta JSL & xaqa doorashada taas oo Dastuurka JSL u damaanad qaadayo waana ku wansoo Socda:

MABAADI’DA GUUD

QODOBKA 8AAD

SINAANTA MUWAADINIINTA

1. Muwaadiniinta Soomaaliland iyadoon lagu kala saareeyn Midabka, Qabiilka, Dhakashada, L uuqada, Lab & Dhedig, Hantida, Mudnaanta,Afkaarta, IWM, waxay sharciga hortiiisa ku lee yihiin xuquuq iyo waajibaad siman.


2. Kala sareynta & takoorka ku saleysan isirka, abtirsiga, dhalashada, iyo deegaanku, waa reeban yihiin, isla markaana barnaamijyada lagu cidhib tirayo daqanada xun-xun ee soo jire enka ah waa waajib qaran.

3. Ajaanibka dalka Soomaaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortiiisa ku leee yihiin xuquuq & waajibaad la siman tan muwaadiniinta oo ay ka reebantahey xuquuqda siyaasiga ah ee m uwaadiniinta u gaarka ah.

Waxa kaloon diirada saareynaa sida uu distoorku u sugey, caddeynta & daliilka aan cidina majara habaabin Karin waxaana ka marag kacaya qodobkan soo socda:


QODOBKA22AAD DST JSL

XUQUUQDA SIYAASADEED,DHAQAALE, BULSHO, & XAQA DOORASHADA

1. Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed, Dhaqa ale, bulsho iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Distoorka.

2. Muwwadin kastoo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahey in la do orto, waxna uu doorto.

Waxa sidoo kale distoorku u ogolyahay muwaadiniinta JSL sida ku cad qosobka 23aad faqra diisa 3aad in muwaadiniintu xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururo Siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka.

Sida ku cad qodobka 9aad ee Distoorka JSLfaqrada koobaad “ nidaamka siyaasadeed ee JSL waxa saldhig u ah Nabad, Talo wadaag , Dimuqraadiyad & hanaanka xisbiyada badan”. Faqrada 2aad ee qodobkan oou dhigan sidan “Tirade xisbiyada qaranka JSL kama badnaan karaan sabex xisbi”. Waxaa reeban. Faqrada 3aad ee qodobkan oo u dhigan sidan “ iyadoo xeer gaar ahi nidaamin doono sida xisbi siyaasi ah loo furan karo waxa reeban in xisbi lagu dhiso Gobolaysi ama qabyaalad”.

Waa waajib distoori ah xilka & waajibaadka golaha wakiiladu kaas oo ah Xeer Dejin & ilaalin ta sharciga waxaaney wakiil uga yihiin shacabkii soo doortay sida magacooda ku cad in ay wakiil uga yihiin muwaadiniinta ilaalinta xuquuqdooda & waajibaadka Distoorku jideeyay xad gudub kasta oo ku yimaada dhaqan gekinta Distoorka & xeerarka ka farcama waa waajib sa aran in golahani ilaaliyo mana banana awoodaha uu sharcigu u kala xadidey ee sadexda wa axood ee qaranka iney gacan qudha isugu tagaan mansabkuna maaha in sidii la doono loo d higo, waxa se dhawrsooonaanta mas’uuliyadeed ku saleysan tahey sida Distoorka & xeerar ka ka farcamey u jideeyeen.

Sidaa awgeed ma banaana in masuul ka mid ah goleyaasha qaranka oo si badheedha u mayd haama xaraf ka mid ah distoorka & xeerarka ka farcama isagoo u dhigaya danaysi siyaasad eed isla markaana aan la gabamaynin meel kadhaca karaamadii qarannimada ee ummadani lahayd uu baaqi ku sii ahaado mansabka hogaamineed ee qaranka darajaduu doono ha hay ee. Sidoo kale urur & xisbi kasta oo ku xad gudba ama si khaldan u turjuma xuquuqda muwa adiniinta oo aan xeer hoosaadkiisu ku sanbanaaneeyn xaqa distoorku jideeyay ee dawladu u damaanad qaadey ama dhismihiisa ku saleeyay waxyaabaha distoorku reebay ee aan kor ku soo sheegney waa xaaraan in lagu sii baxnaaniyo in uu baraten hogaamineed ku galo sifo kh ilaafsan distoorka & Sharciga wadanka u degsan, waa waajibdistooriya in ururada & axsaab ta siyaasadu u sinaadaan hamtida ummada sida moodka warbaahinta,& agab kastoo qaran ku leeyahay.


Waxa ayaan daro ah iyadoo haweeenka Soomaaliland Distoorku siiyay xuquuq la siman ta ra gga iyadoo aaney banaaneeyn muwaadiniinta in loo kala saaro Lab & Dhedig, isir, midab, luu qad, afkaartooda IWM in ay masuuliyiinta qaranku ha noqdo Madaxweynaha, Mudanyaasha Baarlamaanka &waaxda Fulinta, ay maanta arrin xaalad abuur ah oo bulshada la iskaga hor keenayo isla markaana la isku dhufanayo Haweenka Soomaaliland ee Sharafta leh & goloha Wakiilada ay ka shaqeeyaan arrintaa iyada ah waxay sababi kartaa fawdad iyo jahawreer aanu qarankani ka soo waaqsan. Sidaa darteed waxaan ka digayaa hadey tahay xukuumad & hadey tahey xubno ka tirsan sherci dejinta axsaab & urruro dabada ka riixaya gabood fa lka & xad gudubka Distoorka qaranka iyo xeerarka ka farcamay in ay ka waantoobaan dibin daabyada iyo minjaxaabinta nidaamka qaran ee dawladnimadeenu ku dhisantahey waxaana haboon in ay ixtiraamaan sharciga & distoorka ekeeyay xuquuqda muwaadiniinta midnimada & jiritaanka qarankan Soomaaliland.

Haweenka sharafta leh ee JSL ee aan cidina gudi Karin xuquuqda lama taabtaanka ah ee ay leeyihiin waxaan si maamuus & sharafi ku dheehantahay ugu gudbinayaa in golahani (Wakiil ada) uu yahay kii codka ugu badan aad sii seen sida hagar la’aanta ah aad u soo doorateen
guure & galab carrowba aad dhexda marada ugu xidhateen xaasha’e nagama suuroowdo in aanu abaal laaweyaal idinku noqono xaqiinana aasno, xurmo iyo xusuus aan gudhayn baa nagu leedihiin Soomaaliduse waxay ku maahmaahdaa “hubsiimo halbaa la siistaa” golahana sharaftiisa maaha waxaad u soo igmateen inuu ku jowr falo xubinkastoo naga mida Hooyo
ayaa dhashey, waa u dhaxdeen, waa la dhalateen, sadex jeer ayaa sida Rasuulku SCW uu sheegay ubadka aanu dhalney nagaga xaq yeelateen , kuwwanu dhaarta u marney inaanu sinaan ku maamulo ayaad kamid tihiin, waxaad noo igmateen inaanu idiin ilaalino Distoorka & xeerarka ka farcama ilaalinona xuquuqdiina. Wax distoorku idiin jideeyay kama saari karno idinkaman duudsiyi karno wax aanu idiin jidyna idiinma ibaaxeeyn karno sidaa darteed idinka iyo walaalahayaga kale ee la idinku lamaaneeyay eela leeyahey waa la idinka tiro badan yah ayba wuxuu distoorku inoo wada jideeyay xaq aynu dhamaanteeen ka simanahay mana jirto meel ama qodobo sheegaya in cid gaara kuraas KOOTO AH loo xidho golha wakiiladu wuxuu diyaar u yahay in uu si is qancin leh iyo si faham buuxa inaynu ku gunaanadno dareenka ina soo kala dhex galey ee gacan ku rimiska ah.


Bulshada reer Soomaalilaand ururka qreenada iyo cid kasta oo ehel u ah sharciga waxa aan u ku soo dhaweyneynaa iney nagala qayb qaataan isla markaana doorkooda ka ciyaaraan arrinkan oo aan u arko fidmo abuur maraga ugu haboona waxa ah ehelka sharciga, sidaa aw geed waa in aad xil iska saartaan arinkan oo ah mid dhantaali kara midnimada qaranka iyo wada jirkiisa. Waxaan dhamaanteen u rajeynayaa Guul, Midnimo, iyo wada jir.Barbarkey ka baxdaa waa bakeylo qaleen.

GUUL & GOBANIMO

WA BILLAAHI TAWFIIQ
 

 


Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Telephone: 4168889
Hargeisa/Somaliland