Ilaahay dartii ku caawi Hooyo Xabiiba Jaamac Caynaashe, oo haysata inamo ay dhashay oo xaga maskaxda ka xanuunsanaya.
 



 

Wareysigii Timacade News ka qaaday Hooyo Xabiiba Jaamac Caynaashe

 


Hargeysa (TNN)-Weriyaha Timacade News ee magaalada Hargeysa,Guuleed Muxumed Ibrahim (G uuleed Yare), ayaa booqosho ugu tegay Hooyo Xabiiba Jaamac Caynaashe, si uu ugu kuur galo xaalada ay ku sugan yihiin iyada iyo saddexda wiil ee  ay dhashay , oo dhammaantood maskax da ka xanuunsanaya.

Xabiiba Jaamac Caynaashe,waa Hooyo haysata Sadex inamood oo maskaxda ka buka ayaa ka co dsatay Dadwaynaha Muslimiinta Ah Inay Illaahay Dartii U Soo Caawiyaan Bisha Barakaysan Ee R amadaan oo aynu ku Jirno dabayaaqadeedii, aaxaanay Hooyadani sheegtay in Ilaahay iyo uma da muslimiinta ah mooyaane aanay cidkale Oo ay wax kasugayaa Jirin.

Hooyo Xabiiba Jaamac waxa ay ka warantay xaalada Sadexdan inamood ee ay dhashay oo dh amaantood Maskaxda ka Xanuunsan aya Kuwaasi Oo Kala Ah Cali Muxumed Kaahin Oo 50 Jir Ah, Maxamed Muxumed Kaahin oo 49 Jir Ah Iyo Idiris Muxumed Kaahin Oo 45 Jir Ah iyada oo noo she egtay in ay inamada qaarkood mar mar iyaga oo Qaawan guriga ka baxaan.

Sidoo Kale Xabiiba Jaamac Caynaashe waxa ay sheegtay in ay dhibaato badani ka haysato dar yeelka Nololeed Ee Inamadan Isla Markaana Wax Kasta Oo Deeq Ah Oo Soo Gaadhaa Ay Nolosha Qoyskan Wax Weyn Ka Tari Doonaan, Waxaanay Dhamaan Umadda Muslimiinta Ah Ka Codsatay Inay Kala Qayb Galaan Daawaynta Inamadan Xaga Maskaxda Ka Buka, Waxa Kale Oo Ay Intaasi Ku Dartay In Aanay Haysan Hoy Hagaagsan Oo Ay Roobabka Kaga Gabadaan Sida Ka Muuqata Muuqaalkan.

Xabiiba  waxay intaasi ku dartay in ay qoyskani Illaahay inta ka sokaysa ay sugayaan dadka Muslimiinta ah ee Gargaarka u fidiya iyada Oo Aad Uga Mahadnaqday Dadkii Hore Usoo Caawiyey ee ka damqaday dhibaatada Haysata Masaakiintan oo ubaahan Garga ar Bani aadanimo.

Sidoo kale Siraad Maxamuud Cawad ,oo sheegtay inay ilaahay dartii uun u caawinayso oo aanay ehel iyo qaraabo toona ahayn qoy skan dhibaataysan ayaa sheegtay inay u hayaan lacag dhan $10,000 Oo Dollar iyo dheeraad Iyada oo sheegtay lacagtaasi inay ug u talo galeen in Guri loogu dhiso balse lacagtaasi ay u deeqi wayday wax guri loogu dhiso.

 


Wixii aad Ilaahay dartii ugu caawin karto ugu hagaaji


Dahabshiil Account: D-27418
Telephone #: 00-252-2-4403307
Hargeysa Somaliland

 

 



Weriye Guuleed Muxumed Ibrahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland