Xaflad casho sharaf  ah  oo loogu wan qalay Hay'adda Samo Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF) oo lagu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska

 

 

Aqoon yahanada sare ee Hodan Cabdi Cali,kana mid ah Gudida Fulinta ee TWF ,oo iyadu soo aba abushay ,iskuna  soo  duba riday casho sharaftan ,ayaa marti sharaftii  uga mahad celisay .......

 

London (TNN)-Waxaa maalintii Sabtida, 7 July,2012,xaflad casho sharaf ah, oo si weyn loo soo agaasimay ,looguna wan qalayay Hay'adda Samo Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF) , lagu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska.Casho sharafta, oo ay isku soo dubba riday,soo na abaabushay aqoon yahanada sare ee Hodan Cabdi Cali ,kana mid ah Gudida Fulinta ee Hay'a da Samo Falka ee Tog-wajaale Foundation ,ayaa marti sharaftii uga mahad celis ay sida ay uga soo jawaabeen marti qaadkii ,kana hadashay  sidii looga wada hawl geli lahaa horumarinta deg aanka  iyo ballaadhinta wax qabadka Hay'adda Samo Falka ee  TWF.

Kulankaas,waxaa  lagu lafo guray qorshaha dhaw iyo ka fog ee Hayadda Samo Falka ee Tog-waj aale Foundation (TWF),waxaana halkaa hadallo aad u qiimo badan ka soo jeediyey Guddoomiya ha TWF ee carriga Ingisriiska , Dr. Xuseen Muxumed  Nuur, kuna dheeraaday aasaaskii Hay'adda Samo Falka  , ugana mahad celiyey Eng. Moham ed Ali Muse , the Founder and the Chairman of the Charity.

Dr . Xuseen Muxumed Nuur,wuxu ka warramay xidhiidhka ay la sameeyeen aqoon yahanka,Dh akhaatiirta iyo odayaasha degaanka ,iskuna af garteen sidii gacmaha laysku qabsan lahaa gud aha iyo dibadaba,layskuna kaashan lahaa.

Wanaqalkii loo sameeyey Hay'adda Samo Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),wuxuu  ku soo gabo gaboobay jawi aad u qurux badan, niyad sami iyo ray rayn.

 

 


Timacade News Desk
London , UK