Burco:Xafladdii Furitaanka Samesterka Cusub ee Jamacadda Burco + Hadaladi Abwan Gariye, Hadraawi, Guddomiyasha Jamacadaha Cam uud,Hargaysa iyo Nugaal, iyo Lafagurki Xumaanta Qabyaaladda

 


Burco (TNN)- Madal ilyartu Is qabatay oo si baaxad leh ay u soo camireen, siyaasiin, abwaano, aqoonyahano, culi mo awdiin, saraakiil, salaadiin, haween iyo ardayda jaamacadda Burco ayaa xalay lagu qabtay hoolka weyn ee Jaa macadda Burco.


Munasibaddan oo ahayd Furitaanka Samesterka 3aad ee kulliyada Bussines ka iyo IT ga ee jamacadda Burco ayaa halku dhiggeedu ahaa "DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE" Iyadoo halkudhiga habeenkan iyo munaasibadduna ay si toos ah isu waafaqsanaayeen, halkudhigan xalay ayaa ahaa Beyd ka mid ah Suugaantii iyo Gabayadii abwaankii weynaa alle ha u naxariistee C/laahi Suldan Timcade.


Munasibadda waxa si weyn loogu faaqiday lagagana sheekeeyey dhibaatooyinka iyo faaido darrada ay leedahay Qabyaaladdu, waxaana ka hadalkeeda soo qaatay qof kasta oo soo hor istaaga Dadka laguna so dhoweyo  microph oneka, culimada oo kaga hadlaye dhinaca quraanka iyo axaadiista, abwaanada oo kaga hadlayey suugaan iyo  guu baabo, aqoonyahanada oo kaga hadlayey qaabab khibradaysan oo aqooni ku dheehantahay, siyaasiinta oo kaga hadlayey dhinaca siyaasadda iyo dhismayaasha Dawladdaha, tusaalayaal na u soo qaatay siyaabaha aduunku u shaqeeyo iyo Koox majaajilaystayaal ah oo u soo Bandhigtay qaab muuqaal ah, khasaaraha ka dhasha  Qabyaala dda iyo u aayitaanka Ardayda iyo dhalinyarada.


Ugu horayn Sh.Faysal Ali Farah oo ka mid ah Culimo awdiinka Waaweyn ee Somaliland ayaa aad ugu dheeraaday dhibta ay qabyaaladdu leedahay, waxaanu Tusalayaal u soo qaatay ayaadka quraanka ah ee uu ilaahay ku leeyahay "waxaan idinka abuurnay Dad iyo Beelo si aad isugu garataan" sidoo kale Sheekhu wuxu sheegay in aayaadkii quraanka ahaa ee munaasibadda lagu furay iyo halkudhiga madashu ay is leeyihiin ciddii aad u dhuuxday aayaadka la akhriyeyna ay waxa badan dareemayso, sheekhu wuxu ku waaniyey ardayda iyo Bulshada qaybaheda kala Duwan ee laga dheeraado waxyaabaha aay Diinta iyo Dadnimada midna ku fiicnayn oo la qaato kitaabka ilaahay, isago Tusaale kale u soo qaatay isla aayaddii hore kelimaadkeda u danbeeya oo uuilaahay ku leeyahay "cidda ilaahay agtiisa idiinku karaamo badan waa cidda alle ka cabsigu ku badanyahay".


G/kuxigeenka Jamacadda Burco Sh,ismaciil Carraale ayaa isna Munaasibada kelmado kooban ka jeediyey, waxaanu Tilmaamay in ay martida culus ee caawa fadhida isugu yeedheen in cid waliba aragtidooda ka dhiibaato Qabyaaladda, waxaanu sheegay prof Carraale in sammester walba ay sidan oo kale halkudhig ugu samayn doonaan, samesterkan oo bilaabmay Badhtamihii Bishii hore ee March na ay u soo xuleen Halkudhiggan caawa.
Intaa Kadib waxa munasibadda Dhextaal looga dhigay Majaajilo aad u qosl badnayd oo dhammaanba Dadkii Hoolka soo camiray ee nocyada kala duwan isugu jirey ay qosol mar qudha afka isku dari waayeen, iyadoo Nuxurka Majaajiladaasina uu ahaa faaido darrooyinka iyo halaaga ay keento qabyaaladdu, iyadoo xubnaha Riwaayadda jilayey ay u soo Bandhigeen si masraxiyadaysan.


Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa isaguna Madasha ka hadlay Cod dheer na ku yidhi "waar Caloosha ina wada taagan oo waynu is ognee caloosha socodsiiya oo ilaahbaan idinku dhaarshee caloosha iska sii daaya" iyadoo Madashu isu Badashay Jawi Xamaasad iyo kaftan badan la isla galay, wuxu sheegay Abwaan Gaariye inu In ka badan 40 sannadood Suugaan nooc walba leh ay tirinayeen isaga iyo abwaanka weyn ee Hadraawi, weligoodna aanay Gabay Qabyaaladaysan Tirin, sidoo kale qabyaaladdu inaanay faaido lahayn ee dadka is dhex galkooda iyo wax wada cunkoodu uu wacanyahay ay uu tusaale u soo qaatay Sxb tinimada Qotoda dheer ee ka dhaxaysa isaga iyo Abwaan Hadraawi, wuxu sheegay in abwaan Hadraawi iyo isagu ay kala yihiin H/Awal iyo H/jeclo haddana aan la dhex marin oo ay yihiin sxbo isku qoys ah.


Abwaanka weyn ee Maxmed Ibrahin Warsame Hadrawi ayaa isaguna madasha soo istaagay kalana hadlay Boqolaal Dadweyne ah oo isugu yimi xalay Hoolka weyn ee jaamcadda, wuxuu ka sheekeyey Abwaanku xumaanta ay leedahay Qabyaaladdu iyo faaidada aqoonta iyo cilmiga, wuxuna sheegay abwaanku inu halkudhigyo badan ka sameyey qabyaaladda iyo aqoonta, Abwaanku wuxu ku nuuxnuuxsaday in Qabyaaladdu Tahay Cudur soomaalida oo dhan ay wadaagaan, sido kale Abwanku wuxu shegay in Dadka ay isaga khaldameen Hawlahoodii oo Dadku wada siyaasi yahay, wada sheekh yahay, wada suldaan iyo caaqil yahay ,wax walba la wada yahay, waxaanu yidhi "Qof walba hawshiisa ha loo daayo, oo waa inu jiraa Qof siyaasi la yidhaa oo Bahashaas loogu soo hagaago oo shaqadiisu tahay, lakin haddi dadkoo dhami wada siyaasiin noqdaan dee bahashu dhadhan ma yeelanayso" ayu yidhi Abwaanku.


Waxa iyaguna Dhinacooda ka hadlay kaalinta iyo muhiimadda waxbarashada iyo aqoontu ay leeyihin wakhtigan Guddomiyasha Jamacadaha Camuud Saleban Axmed Guled, Hargaysa Musa Abdi Elmi, Burco Prof: C/raxman Jamac Ducale, iyo Nugaal Prof: C/risaaq Lafoole ,waxayna Dhamaantood sheegeen in la kala saaro Goobaha Aqoonta iyo cilmiga iyo cudurkan soomalida haysta ee Qabyaaladda la yidhaa,iyagoo xusay in si yar aan lagu suulin karin balse laga bilaabo oo la isku dayo in Goobaha aqoonta iyo cilmiga xoog looga ilaaliyo oo gaadh laga hayo inaanay bahashaasi soo gelin, irridana laga celiyo, Guddomiyaha Jamacadda Nugaal Prod C/risaq aya isagu si gaar ah u sheegay in Bahashaasi ay mar kaba xidhay Jamacadda, iyadoo bu yidhi Sumcad xumo ka xumi aanay jirin jaamacad Xidhantay waxay ugu danbayntii kula Taliyeen Masuuliyinta kala duwan ee Madasha fadhida iyo Maamulka Jamacadda Burco in messege ka iyo Barnaamijka Caaawa aan lagu ekayn Jamacaddan oo keliye ee la fangareeyo oo maal loo huro sidii loo gaadhsiin lahaa Barnaamijkani Jaamacadaha Dalka oo dhan iyo Gobolada Dalka oo dhan.

Aqoonyahano ay ka mid yihiin iyagun Guddomiyaha Shirkadda Telesom ee G/Togdheer Maxmuud ibraahin, Guddomiyaha Komishanka Ladagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, Sarkaal ka socday Guddiga Doorashooyinka Qaranka C/fatax ibraahin xuseen, ayaa iyaguna Dhammaantood ka hadlay Heerka Jaamacadaha Somaliland iyo Aqoonta imminka ka jirta Somailand iyo meelaha ay waxbarashadu marayso, waxayna xuseen in Dadka iyo Dalkaba ay u wanaagsantahay in waxa aan danteenu ku jirin laga koro oo laga weynaado, waxay aqoonayahanadi Tusaalayaal u soo Qaateen waxyaabo Badan oo adduun weynuhu uu ku eego dalalka Soo koraya, iyado ay kow ka tahay Aqoontu, Goob aqooneed weliba Jaamacad ah in Qabyaalad lagu dhex sheegsheego oo macalimiinta wax ka dhigta mid walba qabiilkiisala ogaanadana inay Arrin xun tahay ayay ka dhwajiyeen aqoonyahanadani.


Guddomiyaha Gobolka Togdheer Yasin Muxumed Cabdi,Guddomiyaha BOD ka Jamacadda Burco Maxmud Adan Dheri ayaa iyaguna aad ugu Mahadnaqay Una Hambalyeyey Martisharafta iyo Masuuliyinta Culculus ee ka so Kicintintay Gobolada iyo Degmooyinka Kala Duwan, isago si gaar ahna uga mahadceliyey Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Zamsam Cabdi Adan ka qaybqaadashada Munasibaddani, waxay sheegeen saraakiishani in Jaamacadda Burco ay maanta Marayso heer ay jaamacadaha kale ee waaweyn ee somaliland kula tartanto, maadama hawlaheedu ay si xawli ah u shaqayso, dhowaanna ay furantahay.


Mid ka mid ah Macalimiinta Ajaanibka ah ee wax ka dhiga Jamacada Burco, isla markaasna u dhashay Dalka Ireland ayaa iyasoo ku hadlay afsoomaali, sheegay inu jecelyahay Luqadda Soomaliga inu bartona uu aad u rabo, wuxu sido kale xusay in sanad iyo Badh uu joogay Dalka Somaliland wax badanna uu ka fahmay luqadda iyo dhaqamada Bulshada Reer Somaliland, isago ka dhawaajiyey inu hore ula soo shaqeyey Jamacadda Hargaysa.
Ugu danbayntii Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo munaasibadda Soo xidhay ayaa aad ugu hambalayaysay Ardayda iyo Maamulka Jamacadda Burco,kuna ammaantay dadaalka ay sameeyeen, waxa keliye ay wasiirku kula dardaarantay ardayda in aqoonta ay baranaayaan ay mar walba ka hor mariyan Diinta iyo alle ka cabsiga, waxkastana waxa fure u ah bay tidhi ku dhaqanka Diinta islamka iyo akhlaaqda, Marwo Zamsam waxa Shahaado sharaf ay komishanka Doorashoyinku u cuskadeen in la Guddonsiiyo Jaamacadaha Burco iyo Camuud ay Guddoonsiisay Guddomiyaasha Jamacadahaas, waxana Munasibaddu ay ku soo Dhammaatay Jawi Degen oo farxad iyo Damaashad ay dadku la dhacsanaayeen, Talooyin iyo Guubaabooyin Dhaxal gal ahna ay dad badani ka faaideen.


Axmed hanad Guray Baqaye

hanad_baqaye@hotmail.com
Burco Somaliland