Xasuus: Aqoonyahan Cali Guuleed

 

Cali Guuleed in kasta oo aannaan shakhsi ahaan isu aqoonin, haddana  wa xaan ka mid ahay dadka qoraalladiisii cilmiga ahaa warbaahinta qaybteeda qoraallada kala socday,....

Lixdii bishan Ogos ee aynu ku jirno ayaan goor galab ah la kulmay qoraaga Cabdifataax Maxamed Axmed, oo ii sheegay war naxdin leh oo aan markaa ka hor i soo gaadhin. Waa run oo warkaasi ima uu soo gaadhin, waayo maalintaa warna ma eegin idaacadna maan dhegaysan. Waxa uu ahaa mid sheegaya shilkii naxdinta lahaa ee uu, Alle ha u naxariistee, ku  geeriyoo day Cali Guuleed, mas’uuliyiin kale ee reer Somaliland ahina ku  dhaawac meen. Runtii, qadarka alle lama diidi karee, waxa uu ahaa war naxdin leh, isla markaana aan la filaynin.

Cali Guuleed in kasta oo aannaan shakhsi ahaan isu aqoonin, haddana  wax aan ka mid ahay dadka qoraalladiisii cilmiga ahaa warbaahinta qaybteeda qoraallada kala socday, aadkana ugu xisaabtami jiray. Waxaanan marnaba illaabi doonin, imikana gacantayda ku jira qaar ka mid ah maqaalladii  wana agsanaa ee uu qoray, miisaaniyadda Jamhuuriyadda Soomaaliland-na uu ku lafa-guri jiray.

Aqoonyahan Cali Guuleed, Alle ha u naxariistee, waxa uu ahaa inta aan ogahay aqoonyahankii ugu horreeyay ee reer Soomaaliland ah, ee  miisaa niyadda dalka si cilmiyeysan u lafa-gura, si habaysanna u soo bandhiga. Waxtarkaas aqooneed oo uu Cali sannad walba dadkiisa iyo dalkiisa ugu deeqi jiray waxa ilaa maanta laga heli karaa qaar ka mid ah bogagga  waa weyn ee ay dadkeennu Internet-ka ku leeyihiin.

Waxaan niyadda ku hayn jiray in aan mar uun la kulmo aqoonyahan Cali Guuleed, isma aanan lahayn arrintaa naxdinta leh ayaa dhici doonta. Cali waxa uu ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, hase yeesho ee siyaasadda oo keliya uun arrintu ma aha. Xagga aqoontana waxa uu ahaa nin waxtar weyn ku lahaa. Waxa uu ku dadaali jiray sidii loo heli lahaa maamul wanaagsan, caddaalad, horumar, istixgelin iyo sharaf guud oo heer qaran ah. Lama soo koobi karo waxqabadkii aqoonyahan Cali Guuleed, carrabna laguma wada sheegi karo. Sidaa darteed waxa aan leeyahay Ilaahay samir ha ka siiyo qoyskii, ehelladii iyo dhammaan bulsho-weynta reer Somaliland ee uu ka baxay, isagana naxariistii janno ha ugu deeqo.
 

 

 

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com