Xil. Judith Oo Midowga Afrika Ku Eedaysay Aqoonsi La’aanta
Somaliland, UK na Ugu Baaqday In Ay Ictiraafto Iyo Sababta Ay
Cuskatay
Hargeysa (TNN) : -Xildhibaan Judith Woodman oo ah
xildhibaan xisbiga Liberal Democrat s ka ee dalka Ingiriiska ugu
jirta golaha deegaanka ee magaalada Cardiff isla markaana hoggaamisa
xildhibaannada xisbigeeda ugu jira golahan ayaa Midowga Afrika ku
eedays ay in uu ku guuldarraystay fulinta taladii ahayd aqoonsiga
Somaliland ee ay u soo jeedi yeen ergadii xaqiiqo raadiska ahayd ee
Midowga Afrika sannadkii 2005ta u soo diray So maliland.
Xilligaas oo wafti ballaadhan oo Midowga Afrika ka socdaa safar ku
maray deegaanno b adan oo Somaliland ah, ayaa warbixintii rasmiga
ahayd ee ay ka diyaariyeen xaqiiqo-ra adiskan uu Midowga Afrika hoos
u dhigay, isla markaana iska dhego mariyey baaqoodii ahaa in
Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madax bannaan.
“Waxa aan tixgelinaynaa aragtida Qaramada Midoobey ee ah in
aqoonsigu, ay tahay in uu ka soo bilawdo dawladaha gobolka, laakiin
Midowga Afrika sannado badan ayaa uu ku guuldarraysanayey in uu
dhaqangeliyo warbixintii uu isagu ka diyaariyey Somaliland ee ku
talinaysay aqoonsiga” ayaa ay tidhi, xildhibaan Judith Woodman oo
hoggaamisa xildhibaannada xisbiga Liberal Democrat ka ugu jira
golaha deegaanka ee Cardiff, isla markaana ka mid ahayd
xildibaannada hormuudka ka ahaa mooshinkan goluhu ansixiyey.
Xildhibaan Judith Woodmen oo la hadashay shabakadda Wales Online
waxa ay baaq So maliland aqoonsi ah u dirtay dawladda Wales oo ka mid
ah afarta dal ee ay ka kooban tahay Boqortooyada midowday ee
Ingiriiska, dawladda Ingiriiska iyo dalalka Barwaaqo sooranka oo ay
boqoradda Ingiriisku madax u tahay badankooda, waxaana hadalladee da
ka mid ahaa, “Waxa aanu ugu baaqaynaa dawladaha Ingiriiska iyo Welsh
in ay Somal iland u aqoonsadaan dawlad leh qarannimo, isla markaana
ay si buuxda u qiraan xidhiid hada saaxiibtinimo ee ay la leeyihiin
Somaliland” Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xig tay, shabakadda
Wales Online ayaa soo baxay saacado yar kadib markii golaha
deegaan ka Cardiff oo caasimad u ah gobalka Wales ay ansixiyaan
mooshin loo soo gudbiyey oo ahaa in Somaliland ay u aqoonsadaan
Jamhuuriyad madaxbannaan. Waxa aanay noqon aysaa markii labaad ee
magaalo muhiim ah oo ku taalla Ingiriisku ay aqoonsato qadiyad da
madax bannaanida Somaliland.
Degelka Wales Online waxa uu sheegay in mooshinkani uu golaha ka
helay 45 cod, laak iin dhinaca kalana ay jireen xubno ka tirsan
xildhibaannada madaxa bannaan oo iyagu xilligii codaynta golaha
dibadda uga baxay, iyaga oo ku doodaya in aanay haynin macluu maad ku
filan oo ay arrintan ku taageeraan.
Dad aad u tiro badan oo ah jaaliyadda Somaliland ee gobolka Wales
iyo meelo kale oo In giriiska ka mid ahba ayaa isugu yimid golaha
hortiisa oo intii aanu fadhigu bilaaban ay ka wadeen dabbaal degyo,
markii codka ansixintu dhacayna ku soo dhoweeyey mashxarad iyo
damaashaad. Mooshinkan waxaa soo jeediyey Lynda Thorne oo ah
xildhibaan iyadu ka tirsan xisbiga Labour ka, waxa aanay golaheeda
ugu baaqday in ay wakiil ka noqdaan danta ay leedahay jaaliyadda
magaalada Cardiff ku tirada badan ee reer Somaliland, si loo
gaadhsiiyo dawladaha Ingiriiska iyo Wales iyo weliba dalalka ku
bahoobay ururka Barwaaqo-sooranka.
Dhinaca kalana xildhibaan Judith Woodman waxa ay sharraxday sababta
ay tahay in go luhu u aqoonsado Somaliland isla markaana ugu doodo,
“Muwaadiniin badan oo reer So maliland ah, ayaa ka calool xun aqoonsi
la’aanta caalamiga ah ee Somaliland, waxa aan ay golaha deegaanka
Cardiff ka codsanayaan in kaalintiisa rayidnimo, maadaama oo uu
metelo caasimaddii gobolka Wales iyo isaga oo goluhu gudanaya
waajibaadka uu farayo Xeerka sinnaantu iyo sidoo kale isaga oo
muujinaya saaxiibtinimada uu goluhu u hayo jaaliyaddan reer Cardiff,
in uu wakiil uga noqdo in tabashadoodu gaadho dalalka
Barwa aqo-sooranka, iyo dawladaha Ingiriiska iyo Wales” ayaa ay tidhi
xildhibaan Judith Wood man, iyada oo intaas ku sii dartay, “Sidaa
awgeed golahani waxa uu qaraar ku gaadhay in uu ansixiyo aqoonsiga
Jamhuuriyadda Somaliland, oo si nabdoon u shaqaysa, muddo ku dhow 25
sano oo ay jamhuuriyad madax bannaan ahaydna qabatay doorashooyin
dimuqraaddi ah”
Jaaliyadda reer Somaliland waxa ay gobolkan Wales ku noolaayeen tan
iyo sannadkii 18 50kii, waxa aanay kaalin mug leh ka ciyaaraan
nolosha magaalada Cardiff.
Source: Geeska |