“Go’aanka Guurtidu Meelna Sharciyada Kagama Soo Arooro, Waxanu Inagu Aloosi Karaa Muran Sharci Oo Hor Leh” Xildhibaan Qabiile

 


Hargeysa  (Longlivesomaliland News) - Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiille  o o ka tirsan golha wakiilada Somaliland ayaa si weyn u naqdiyey go’aankii  gol aha guurtida ee lagu soo afjaray khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta  mad axweyne Rayaale, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa kilaya soo jeedintii  beesh a caalamka, balse dal waliba leeyahay qawaaniin u khaasa, iyada oo aan soo jeedintaasi aanay ku xusnayn muddo cayiman sheegaysana ilaa inta  Serve rka lagu hagaajinayo oo aan wali wakhti lahayn.

Xildhibaan Qabiille waxa uu sheegay in go’aankaasi uu ka soo baxay gole  sh arci dajineed laakiin marka loo eego dhinaca sharciyada aanu meelna kaga soo aroorayn, kaas oo bulshadada dhexdeeda ka abuuray muran badan oo hor leh dad badanina ay tilmaamayaan qabyada iyo dhaliisha go’aankaasi ka muuqata ee bilaa wakhtiga ah keeni kartana khilaaf siyaasadeed oo kale oo dalka soo waajaha.

Xildhibaan Qabiile, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta wakiilada, isaga oo arrimahaasi oo doora ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxaan jecelahay kalmad ku meeraysatay dadku uu ku murmayey inaan ka bixiyo talo sharci, waxaad moodaysay khilaafkii siyaasadeed ee  hee rka cakiran gaadhay marka la eego dadku waxaad moodaysay inay  tirinaye en muddo waxaan loo baran oo ah in deganaansho fara badan u muuqday oo dadka qaarkii dhinaca nabadgelyada ka eegayay, qaar dhinaca siyaasada ka eegayay sikastaba ha loo eego waxa hadaba dhacday heshiiskan caalamiga ahi waa talo soo jeedin beesha caalamku soo jeedisay dal walibana waxa uu leeyahay qaynuun isaga u khaas, markaa halkaa waxaan ku dari lahaa  go’aa nka ay soo saartay guurtidu dhaliishu doono ha lahaado qodobka 83 aad  fa rqadiisa 5aad, laakiinse heshiiskaasi wakhtiga madaxweynahu ama gole  kas a wuxuu leeyahay wakhti go’an oo wakhti ka bilaabma wakhtina ku  dhamaa da.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waa shan sanadood wakhtigoodu, haday doorashada danbe qabsoomi weydo cid buu siinayaa sharcigu laakiin waa  in ay ka bilaabantaa wakhti wakhtina ku dhamaataa doorashadii hore ee  mada xtooyada loo qabtay waxay ku dhamaanaysay 29 September bil ka bacdina oo 29 Oktoobar waxay noqonaysaa bishii xil- wareejinta ama usii joogista  ku rsiga haddii uu ku guulaysto . guurtida go’aankeeda markaynu eegno iyo soo jeedinta beesha caalamka waa kala laba, ma tilmaana kuma cadda soo  jeedi nta ay soo jeedisay laakiin go’aanka ka soo baxay guurtidu dhaliisha ka  muu qda ee sharci waxay noqonaysaa wakhti ma tilmaamayo, dadku way ku  mur meen qaar waxay leeyihiin waxa loo qabtay xilliga doorasho xor oo xalaal ay qabsoonto waa goorma? .., xilliga gaaladu Serverka hagaajiso, waxaad  moo daa inay dabaqeen soo jeedintii beesha caalamka oo kaliya. Waxaan qabaa anigoo soo dhawaynaya isu soo dhawaanshaha sharciyada weyn ee dhiman aan lagu qabin waxay inagu aloosi kartaa muran sharciyeed oo hor leh haddii aan la tilmaamin wakhti cayiman oo ka bilaabma berito (maanta) oo ay ka  dh amaanayso markaa laga bilaabo ilaa inta aanay tirsanayn tirada maalmahu ama biluhu ama muddada loo qabtay aanay cayinayn, waxa weeye  sharci yada ilayn gole sharci dajineed buu ka soo baxay meelna kagagama soo  aro oro. Xisbi kastaa ka murmi kara oo odhan kara waa qayrul sharci, taasina marmar badan ayay inagu dhacday” sidaas ayuu yidhi xildhibaan Qabiille, isa goo intaa ku daray in lagu degdegay arrinkaasi, balse loo baahan yahay inta ay arrintu qoyan tahay in la isla saxo inta aanay hadhow inagu keenin khilaaf cakiran oo bilaabma, taasoo dhaawac weyn ku keenaysa dalka iyo rajadii ay reer Somaliland ka qabeen doorasho xor oo xalaala.

 


Source:Haatuf