Shir balaadhan oo si fican loso agaasimay, loona abaabulay ayaa lagu qabtay maalintii sabtidii bishan maarij lixdeedii(6) Huteelka” Al-jasiira” ee k u yaal xaafada” Hayes” Laanta West London Xisbiga kulmiye
 

 

Shirkaasi oo ay ka soo qaybgaleen Dhamaan laamaha xisbiga kulmiye ee UK , odayaal , tageer ayaal aad u badan iyo madaxa ayka mid yihiin Xoghayahaa arimaha dibada kulmiye( Dr Maxa mad Cabdillaahi Cumar) , Xidhiidhiyahaa Qurbajooga Kulmiye( Mr Saxardiid Cusmaan cadaani) iyo Gudoomiyeyaasha Laamaha kulmiye UK.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayid in lagu ansixiyo go’aamadii lagu gaadhay shirkii talafoonka ee laamaha UK kulmiye yeesheen 15kii Febarwari, shirkaasi oo qodobada ka soo baxay ahayid in

a) Hawl qarameedkii xisbiga kulmiye ee Uk ay Gudidii Uk Xilkeedii si wado ila inta Doorashada la gaadhayo, Qaab dhismeedkeedina aan waxaba laga badalin

b) Gudidii Uk ee Kulmiye La kaabo iyo In la gordhiyo oo Gudi Cusub lagu soo daro.



Habkii Shirku u socoday

Intanu shirku bilaabmin shirka dhexdiisa waxa laga doortay shir gudoon shirka agaasima oo gudoomiya shirka. Waxana Shir Gudoonka ka mind ahaa:-

1. Mudane Maxamed Yoonis Cawaale (gudidii qaban-qaabada-West London)

2. Mudane Axmed Suufi (gudidii qaban-qaabada-Southeast)

3. Mudane Faarax Xasan Jagac (Manchester)

4. Mudane Cali Ciise Maxamed (Cardif)

5. Mudane Xasan Axmed Humbus (West London)

6. Mudane Aadan Jaamac Xadi (North London)



Shirka waxa furay gudoomiyaha Laanta west London oo halkaasi ka jeediyey mahadnaq iyo so dhawayn, Ismaaciil Cabdilaahi . Waxa ayad quraaan ah ka akhriyey Axmad Cadare. Waxa isna si balaadhan warbixin ka akhriyay Afhayeenka UK Kulmiye ( Jibriil Cali muse)

Inta dabadeed waxa daadihintii iyo maamulkii shirka la wareegay shir gudoonkii laga doortay shirka dhexdiisa ergada iskugu timid shirkan.Shirkii wuxu u dhacay una so afjarmay si aad iyo aad u qurux badan laguna ansixiyay gudiidii hore iyo gudida cusuba

Magacaanta Gudida Cusub:-

1)Cumar Axmed (Xubin)

2)Maxamed Axmed X.aadan (Xubin)

3)Ismaaciil Cabdi Jiir (Xubin)

4)Faadumo Amran (Xubin)

5)Sabaax Xuseen Dhalaax (Xubin)

6)Cabdiraxman Iimaan (xubin)

7)Cabdi Diyaar (Xubin)

8) Yuusuf Jaanyare (Xubin)

9)Amaal Axmed Kayse (xubin)

10)Axmed Maxamed Xirsi(Xubin)

11)Qadan Maxamed Cismaan (Xubin- Ahna Guddoomiyaha Garabka Dumarka UK)

12)Maxamed Muumin( Xubin)

13)Jaamac Cabdi Badhaadhe ( Xubin)

14)Cumar Cartan


Markii ay ansixintii dhamatay ayaa waxa ka hadlay madasha shirka xoghayaha arimaha dibada xisbiga kulmiye Dr Maxamad Cabdillahi oo halkaasi hambalyo iyo bogaadin uga so jeediyay, gu didii hore iyo gudidan cusub. Kuna amaanay gudidii hore wax qabadkoodii iyo sida ay hagar  la’ aanta ugu shaqaynayeen xisbiga mudadi xilkii hore iyo sida ay xilkasnimada u mujieen intii ay xilka hayeen. Wuxu ku booriyey gudida cusub in” TeamWork yahay asaaska iyo salka wax  qab adka iyo guusha iyo yoolka xisbigu hiigsanaayo. Intii u xoghayahu madasha ka hadlayey  wux uu talooyin iyo tusaaleyn uga so jeediyay isku jir gudidii hore iyo gudida cusuba.
 

Waxa isna ka hadlay xidhiidhiyaha qurbajooga laamaha kulmiye Mr Cusmaan saxardiid cadaani oo horaanti hambalyey gudida cusub iyo gudidii hore. Wuxuu ku tilmaamay Uk in ay tahay  laf dhabarta qurbajooga, kuna nuuxnuxsaday kaalinta ay kaga jirto UK xisbiga kulmiye. Wuxuu  si do kale tilmaamay hawsha xisbiga in ay taalo laamaha farabadan UK kulmiye, loona  bahan  ya hay in xidhiidhka laamaha iyo gudida dhexe la adkeeyo.

In kasto tageerayaal badani ka hadleen gabagabadii waxa madasha shirka kalmado kooban ka yidhi Gudoomiyaha UK (Mr Ibrahim Hussein) oo u mahadnaqay dhamaan  tageerayaash a,Gudi yada laamaha iyo madaxda shirkan ka so qaybkalay. Wuxuu sido kale uga mahadceliyey gudidii hore sida fiican ee ay xilkoodu qaranimo u kuteen, Gudida cusubna ilaahay u baryey in xilka  cu sub ee lo idmaday ilaahay u fududeeyo iyo in ilaahay kuna garab kalo .

Ugu dambeynti waxa iyana halkasi ka hadashay oo kalmado kooban ka jeedisay oo ah mahad naq Gudoomiyaha  Garabka Haweenka Marwo Qadan Maxamad Cusmaan Islawayn.

Wa Bilaahi tawfiiq



Afhayeenka Kulmiye Uk
Jibriil Cali Muse