Maraykanka oo Sheegay in Qiimayn Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland

 


 

Maraykanka oo Sheegay in Qiimayn Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somalilan d lana soo hordhigo Doono Congresska Maraykanka

Mas’uuliyiin dawladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha sharciga ayaa sheegay in ay qiimeenayaan waddooyinka loo mari karo aqoonsiga Somaliland.


Washington DC( Timacade News)-Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed  Maxa med Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo dhawaanahanba booqosho rasmi ah ku joogay dalka  Ma raykanka ayaa intii ay joogeen Maraykanka la kulmay Guddoomyaha Guddida Arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Hadaba waxaa dhawaanahan soo ifbaxaya xogo meelo kala duwan ka imanaya oo  dha maantood tibaaxaya arrimihii ugu waawaynee ee ay kawada hadleen labada dhinaca, waxaana la sheegayaa in arrimaha ugu waawayn ee socdaalka Gudoomiyahu daba  soc oto dhowr qodod.

Waa ta hore waxay Wasaarada Arrimaha Dibadu ee Maraykanku siinaysay  masuuliyiin ta Xisbiga Mucaaridka qorshe saraakiisha dawlada Maraykanka u qaabilsan arimaha  sh arciga ku hawlan yihiin oo la xidhiidha qaabkii ama wajigii dawlada Maraykanku ku  caa win lahayd Somaliland si toos ah marka doorashada Madaxtooyada ee dhawaan  dhaca ysaa dhamaato. Waxayna masuuliyiinta Maraykanu u sheegeen waftiga Kulmiye in  Da wlada Maraykanku dhawaan daah furi doonto siyaasad cusub oo ay ku wajahan Somalil and, lana baadhayo dariiqyada sharci ahaan loo mari karo aqoonsiga Somaliland .

Waxaa kale oo la sheegay in kulankii waftigu la yeeshay Congressman Donald Payne, oo ah mudane awood wayn ku leh siyaasad madaxwayne Obaama ee Afrika ahaa mid lagaga wadahadalay sidii Congressman Donald Payne uu u horkeeni lahaa qaddiyadda aqoonsiga Somaliland Aqalka Kongresska Maraykanka.Wuxuuna u balan qaaday  Congr essman Donald Payne waftiga uu hogaaminayo Guddoomiye Axmed Silaanyo in qiimayn lagu samayn doono arrimaha Somaliland, wafti Maraykanina uu iman doona dalka  wakh tiga doorashada madaxtooyadu dhacayso. Waxaa kaloo la ogyahay in Donald uu u  olal ynayao madaxbanaanida Koonfurta-Sudan oo dhawaan dawladdu Maraykanku ka soo saartay siyaasada cusub, lana doonayao in afti laga qaado dadka ku dhaqan Koonfurta Suudaan.

Arrinta sadexaad ayaa la dheegay inay la xidhiidho kaalmo xaga dhaqaale ah oo la  xid hiidha sidii loo kobcin lahaa geedi socodka dimuqraadiadeed ee Somaliland ka  bilaabm ay. Waxaana jira warar sheegaya in dawlada Maraykanku ku talo jirto in kaalmo dhaqa ale u fidiso xisbiyada mucaaridka ee Somaliland wakhtiga olalaha doorashada socoto, maadaama xisbiga UDUB isagu isticmaalo dhaqaalaha iyo war baahinta qaranka ka  dha xaysa. Kaalmadaas oo la filayo in loo soo marin doono ururada samafalka ee Somaliland iyo Afrika ka hawl gala.

 

 


Source: Somaliland.Org