Xisbiga KULMIYE oo Xisbiga UDUB si xarago leh ugaga badiyey Tartankii Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jam. Somaliland (Qaybtii 2-aad).
 

Prof/Dr.Mohamed Abdillahi Omar
KULMIYE Foreign Affairs Secretary
|PPP Club- KULMIYE|

VS

Hon. Abdillahi Mohamed Duale
Minister of Foreign Affairs of Somaliland
|APP Club- UDUB|

 KULMIYE vs UDUB

 |2 : 0|


 
Sannadka 2010-ka, Sannadkii guusha, horumarka, isbedelka khayrka leh iyo ictiraafkaba  Somalila nd u siday Rabbi (SWT) ha inooga dhigo (Aamiin). Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaanba  um adda reer Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, ee jecel nabadda, horumarka, wanaaga iyo gooni isu taagga Somaliland.


----------------------------------------------------------------------------------------------------------
 

APP-UDUB (Anti Patriotic Party) vs PPP-KULMIYE (Patriotic People’s Party)
Dadweynaha Somaliland ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dunida dacalladeeduba waxay si weyn ugu hanqal taagayaan kulanka ciyaarta kama dambaysta ah ee loolanka koobka horyaalka siyaasadda ee dalka Somaliland. Radio, TV ama Internet-ka kala socoyaa ama goob joog ahaayaaba waxa uu qof wal oo Somalilander ah oo ciraaraha xiiseeyaa ku taamayaa in aan looga sheekayn is-herdigaa kama dambaysta ah ee lagu kala hadhi doono. Waxaa bulshada dhexdeeda ka socda doodo iyo faallo aan kala go’ lahayn waxaana si weyn loo hadal hayaa goorta ay dhici doonto ciyaarta is-herdiga kama dambaysta ah iyo cidda ay guushu ku raaci doonto!

In kasta oo ay bulshadu aad u raagsatay qabsoomidda ciyaarta kama dambaysta ah, haddana  we li lama oga waqtiga ay dhacayso ciyaar siyaasadeedka lagu kala baxayo, maadaama aysan weli guddida garsoorka dheesha siyaasaddu waqti u cayimin. Labada naadi ee la filayo inay isku haleeli doona isherdiga kama dambaysta ah waxay kala yihiin: |APP Club- UDUB|<Anti Patriotic Party> iyo |PPP Club- KULMIYE|< Patriotic People’s Party>.


Labadan kooxood waa kuwo iyagu si weyn ugu kala duwan taariikhda soo jireenka ah ee ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, tartanka koobka horyaalka, xagga xeeladda iyo farsamada cayaarta, awoodda dhaqaale iyo weliba bulshada kala taageerta oo naadiyada aragtiyo iyo dano kala geddisan ku kala taageera.



QAYBTII 2-AAD:

Haddaba, maqaalkan qaybtiisa 2-aad waxaynu ka sii anbaqaadi doonaa halkii ay qaybtii 1-aad inoo joogtay:
Si aan gabasho lahayn ayay dad badan oo naadiga APP-Udub magac ku lahaa ugu baaqayeen in mulkiilaha Mr. COHEN xilka laga xayuubiyo oo la eryo, maadaama uu hantidii naadiga ku tagri falay, indhahana ka qarsaday duruufaha iyo xaaldaha qallafsan ee la soo darsay tartankii koobka horyaalka ee bulshadu sida weyn u sugaysey.

Saamaynta, saluugga iyo sansaanka ka muuqda ciyaartooyga soo tallaabay  Niyad jab aad u culus ayaa ku habsaday kooxdii oo idil guud ahaan, gaar ahaanna ciyaar yahannadii ugu cad-caddaa naadiga waxay liqi kari waayeen oo laf dhuun gashay ku noqotay kala qaybinta naadiga ee laga sameeyey laba tiim oo iyagu dhexdooda wada ciyaara, si bulshada loogu tuso in horyaalkii si  caad iya uu u socdo.


Dhinaca kale, ciyaaryahannada waqtiga dheer u soo safanayey naadiga APP-Udub waxay  dareem ayeen in mulkiilaha iyo maamulka kooxduba ay iyaga ka hormariyaan ciyaaryahannada ka soo tallaabay naadiga PPP-Kulmiye, kuwaasoo la yimid dhaqan iyo anshax aan hore loogaga dhaqmi jirin naadiga, waxayna nacayb iyo kala qaybsanaan dhex dhigeen ciyaartooygii APP-Udub ahaan jiray ul iyo diirkeed.

Ciyaaryahannada rug-caddaaga ah ee kooxda APP-Udub waxay si weyn farta ugu fiiqayaan in ciyaartooyga ka soo tallaabay naadiga PPP-Kulmiye ay yihiin niman qas wadayaal ah oo ka  arrad an xirfadda, farsamada iyo asluubta looga baahan yahay ciyaar yahannada kooxaha heerka 1-aad.

Waa niman aan magac ku lahayn taageerayaasha, kooxda dhexdeeda, cid walbana way  aflagaade eyaan, ciyaar walbana garsoorayaashu way ganaaxaan oo ay siiyaan kaadhka cas. Raggan soo tallaabay kama laha wax dan ah in naadiga laga badiyo ama uu bur-buro, waxa kaliya ee ay  mees ha u joogaan waa danahooga gaarka ah iyo dano kale oo qarsoon oo weli aan si cad loo ogeyn. Ciyaartooy badan oo muhiim ah iyo rag kale oo masuuliyiin ah magac weyna ku leh naadiga APP-Udub dhexdiisa, ayaaba waxay aaminsan yihiin in ciyaaryahannada ka soo tallaabay naadiga kale aysan dhab ka ahayn inay si rasmi ah uga soo baxeen naadiga PPP-Kulmiye, oo ay dhici karto inay yihiin denjirayaal dahsoon oo u adeegaya danaha naadigoodii hore, dushana iskaga ekeysiinaya rag daacad u ah naadiga cusub ee ay leeyihiin waanu ku soo biirnay!


Halkii ay wanaag, tayo iyo xirfad ciyaareed oo sarraysa kooxda ku soo kordhin lahaayeen, waxay la yimaadeen oo ay soo kordhiyeen dhib, muran iyo mashaakil hor leh iyo kooxdii oo iswada  haysa ta oo magaceedii iyo sumcaddeediiba hoos u sii socoto!

Dacwado iyo cabashooyin isdaba joog ah oo ay tababaraha naadiga iyo taageerayaashuba  ragg an ka gudbiyeen, cidi dheg jalaq uma siin. Waxayna taageero buuxda iyo madax-salaaxba ka haystaan mulkiilaha naadiga R.K.D. COHEN, oo isaga laftiisa la is odhan karo malah si weyn buu ugu diirsadaa guuldarada kooxda ku timaadda!


Dhinaca kale, ciyaaryahannadan soo tallaabay laftoodu waxay sheeganayaan cabashooyin badan, waxayna u muuqdaan kuwo la qabsan la’ oo jaah wareer ka qaaday naadigan ay ku soo biireen. Qaar ka mid ah ciyaaryahannadan soo tallaabay oo ka cudurdaartay in magacooga la sheego, wa xay yidhaahdeen: “Waannu soo qaldannay. Waxaanu moodaynay inaanu ka soo baxnay naadi aad u hooseeya (PPP-Kulmiye) kuna soo biirnay naadi dhisan oo ay wax walba u dhan yihiin(APP-Udub). Balse waxaanu hadda isku aragnaa niman meel dhisan meel la’aan ku doorsaday. Waxaanu nimid naadi aan madax iyo mijo kala lahayn oo is dhex yaac ah, cid wada tashata ama wax isweydiisaana ma jirto ee waa jaantaa rogan! Cosobsaannu is lahayne waxay u dhawdahay inay ceebi na  raa cdo”.

Waxa kale oo ay ciyaaryahannada soo tallaabay si gaar ah farta ugu fiiqeen qaar ka mid ah  saaxii badooda ay soo wada tallaabeen, kuwaasoo iyagu u dhaqma si anshaxa, asluubta iyo milgaha  ciya aryahannada heerka 1-aadba ka baxsan. Waxa ay yidhaaheen: “ Markii ay raggani fahmeen inaan naadigan ay ku soo biireen aanu madax iyo mijo midna lahayn, wax kasta oo ciyaartooygu  samee yona aan cidiba ka hadleyn oo falkaa uu sameeyey laga anshax marinayn, ayey xadhkaha  goost een oo wax alla wixii maskaxdooda ku soo dhaca qawl iyo ficilba, ay dabadeed ku kaceen. Taasoo guud ahaanba naadiga APP-Udub u soo jiidday sumcad xumo, shacab iyo taageerayaal aad u badana ku lumiyey”.

Marka dhinac kasta laga rogrogo, waxa aad dareemaysaa in naadiga APP-Udub uu u muuqdo naadi qarka u saaran inuu dib ugu siqiiro kooxaha heerka labaad amaba ka sii hooseeya. Waxa ka lumay is aaminkii iyo kala dambayntii saldhigga u ahaa naadiyada heerka 1-aad. Qaar ka mid ah  Ciyaary ahannada u safta naadiga APP-Udub waxayba taageerayaashu ku eedeeyaan inay iyagu goolka iska dhaliyaan oo ay ulakac goolkooda ugu laagaan!!!!!!!!

Shikiga iyo ka aamin baxa ku gedaaman mulkiilaha naadiga ee ay qabaan ciyaartooyga, mamulka iyo taageerayaasha APP-Udub waxa uu marayaa xaalad aad u xasaasi ah.
Dadka u dhuun daloola ee aad ugu dhawdhaw waxay si hoos ah iyo hadal dahsoon u tibaaxayaan in mudane COHEN, hammigiisa iyo himiladiisa ugu weyni uu yahay sidii uu u wiiqi lahaa ee uu waxyeello ugu gaysan lahaaa horumarka, tayada iyo magaca tartanka horyaalka ee soo jireenka ah. Mudane COHEN iyo shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee uu ku kalsoonyahay waxay halgan dheer iyo xusul duubba ugu jiraan sidii aanay marnaba u qabsoomin lahayn ciyaarta kama dambaysta ah ee ay bulshada oo dhammi u hanqal taagayso. Taasoo ujeedada ka dambaysa ee ay ka leeyihiin tatahay in Naadiya dalka aan marnaba loo oggolaan ka qayb galka iyo ka mid noqoshada  tartann ada naadiyada Afrika iyo kuwa bulshada caalamkaba, taasoo ay u arkaan inaysan dantoodu ku  j irin!

Isku soo wada duuboo, markii ay arrini cakirantay, garoonadii iyo fagaarihii ciyaarahana cidi ka  s oo xaadiri weyday, taageerayaashii ku mudaharaadeen kooxdii ay beryo u heesi jireen ee  dhinac na loo ciirsan waayey, waxay dantu ku khasabtay in maamulka sare ee naadiga APP-Udub (|Anti Patriotic Party|) soo dabco oo uu aqbalo in tartanka horyaalka lagu soo celiyo sidii hore ee  bulsh ado, loona qabto sida ugu dhaqsaha badan leh. Arrintani waxay weji gabax iyo dhirbaaxo ku  noqo tay mulkiilaha kooxda mudane COHEN, oo aan marnaba looga baran inuu isagu wax ka tanaasulo in isaga loo tanaasulo oo tiisa loo yeelo mooyaane.

Halkaana waxa ku soo geba-gaboobay ciyaar dhalanteedkii ay APP-Udub wadday ee  taageeraya asha iyo caalamka ciyaaraha xiiseeyaaba kaga jeesteen, inkasta oo dad aad u badan oo ciyaaraha xiiseeyaa ay aaminsan yihiin in mulkiilaha kooxda, sida marar badan looga bartay, ay ku adagtahay oofinta ballan ama wacad uu galay, balse la arki doone.

Gadoodkii shacabka iyo gurmadkii dunida:

Dhinaca kale, naadiga PPP-Kulmiye waxa uu qaylo dhaan u diray dunida dacalladeeda iyo cid kasta oo ay is lahaayeen waa wax garad ama xal bay keeni karaan, bal in arrintan la dhex galo si aanay magaca tartanka horyaalku sumcad xumo u gaadhin. Waxay wafdiyo iyo wararba u kala direen cid kasta oo ay ku tuhmayeen inay in uun wax qaban karaan ama dhexdhexaadin keeni karta. Ugu  da mbayntii waddamada ka mid ah kuwa adduunka sida aadka ah loogu qadariyo xagga ciyaaraha  ay aa arrinta dhex galay oo soo bandhigay qodobbo dhexdhexaad ah oo naadi walba u cuntama, tar tanka horyaalkana suurto gelin kara inuu qabsoomi karo. Waxa kale oo ay soo jeediyeen si adagna uga dalbadeen guddida ciyaaraha ee Somaliland heer qaran inay soo magacaabaan garsoorayaal cusub oo dhexdhexaadin doona ciyaarta final-ka, iyo dhammaanba in la bedelo garsoorayaashii hore ee dhex-dhexaadin lahaa ciyaarta kama dambaysta ah, kuwaasoo ku caan baxay laaluush, eex iyo go’aan qaadhasho qaldan.

Arrintan waxaa aad ugu riyaaqay una soo dhaweeyey naadiga PPP-Kulmiye iyo taageerayaashiisa oo guud ahaanba iyagu garsoorayaashii hore ka tirsanayey caddaalad darro iyo eex badheedh ah oo ay kooxda APP-Udub u eexdeen si ay kooxdani guusha u hesho.

Ballan adag iyo barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen:

Labadan naadi waxaa dhexmaray is-aragyo iyo kullammo qadhaadh oo dhawr ah, kaasoo koox  we liba aysan xeel iyo xarfad midna la hadhin si ay kooxda kale ee ka soo horjeedda jilbaha dhulka ugu dhufatto. Itaal meel uu dhigaba, waxaa la isku adeegsaday af iyo addinba si ay kooxiba kooxda  k ale bulshada ugu tuso inay yihiin kuwo aan waxba ka garanayn ciyaarta balse sharafteedii iyo  ha ybaddeediiba dilay. Arrintu si kastaba ha ahaatee, ma uu rumoobin ifa-faalihii iyo odoroskii ay  rug caddaaga iyo xeeldheerayaasha u dhuun daloola dheeshan ka sii saadaaliyeen in kooxda PPP-Kulmiye duhur dheer la diri doono, oo si weyn looga gacan sarrayn doono marka la isku arko  faga araha is-herdiga iyo loolanka siyaasadeed.

Is aragyadii iyo kulamadii illaa iyo hadda dhex maray PPP-Kulmiye iyo APP-Udub ee loogu soo  baxa yey is-aragga kama dambaysta ah, waxaa si laxaad leh ugu gacan sarreeya kooxda PPP-Kulmiye oo maalinba maalinta ka dambaysa kasbanaysa kalsoonida taageerayaasha iyo guud ahaanba  bul shda xiisaysa ciyaar siyaasadeedka. Waxaa buux dhaafay garoonnadii beryo madhnaan jiray oo meel la kala fadhiisto la waayey, inkasta oo weli ay taageerayaasha  PPP-Kulmiye si joogta ah uga cabanayaa in lagu hayo cadaadis iyo caddaalad darro kaga imanaya hay’adaha ammaanka  kuwaa soo immika noqday taageerayaasha keliya ee weli ku sii hadhay mudane COHEN iyo kooxdiisa. Waxa iyadna xusid mudan in guddida garsoorayaasha dhexdhexaadin doona ciyaarta ugu  damba ysa ee dhawaan la magacaabay ay u muuqdaan kuwo ka soo bixi doonaa xilkaa iyo masuuliyaddaa ay qaadeen oo aan labada naadi u kala eexan doonin.

Ciyaaryahannada naadiga PPP-Kulmiye (Patriotic People’s Party) waxay soo bandhigeen firfircooni iyo ciyaar ay farsamadeedu aad u sarrayso. Dhib kasta oo soo gaadha, si kasta oo looga eexdo  a ma si kasta oo loogu xanaaqo, marnaba ma ay muujinin xanaaq iyo asluub xumo. Waxay  mudnaa nta koowaad siinayeen shicib waynaha iyo taageerayaasha ciyaarta daawanaya ee waqtigooda qaaliga ah u soo huray. Ciyaaryahannada naadiga PPP-Kulmiye waxay la yimaadeen samir, dulqaad iyo qadarin ay u hayaan qiimaha ay mudan yihiin ciyaarta iyo koobka horyaalka ee loo tartamayo. Taasina waxay si weyn u soo jiidatay taageerayaal aan tiro lahayn iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ah.


Maamulka, hoggaanka iyo ciyaartoyga naadiga PPP-Kulmiye waxay muujiyeen inay yihiin naadi leh xirfaddii, kartidii, aqoontii, haybaddii iyo xilkasnimadii looga baahnaa naadiyada heerka 1-aad ee ka qayb-geli kara tartannada caalamiga ah. Dhawrkii ciyaarood ee la soo dhaafay waxay si xarago leh uga badiyeen oo jilbaha dhulka ugu dhufteen cuyaaryahannada naadigii beri bulshadu u  hanw eynaan jirtay(Udub), balse hadda qarka u saaran inay cagaha wax ka dayaan.
Ballan adag, barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen iyo koobka oo aan hantino ayaa inoo ballan ah ayey kooxda PPP-Kulmiye ka dhigteen halku dhegga ay ku hawl galaan.

Dhammaad qaybtii 2-aad.

La soco Qaybta 3-aad oo ah qaybta ugu dambaysa maqaalka.

 

 

 


By:Eng/Architect Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK & Holland|