Xisbiga Kulmiye: Waxa uu la yimid Gobannimo Siyasadeed oo ku dhisan isku kalsooni iyo aqoon dihin.
 

 


“ Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Kulmiye Prof/Dr. Mohammed Abdillahi Omar  W aa Xeeldheere Siyaasi ah iyo Diblomaasi Sare oo Xag-xagashada neceb, U adeega Dalkiisa,
Balse aan isaga Dadkiisa iyo Dalkiisa midnaba loo Adeegsan karin”.

By: Eng/Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)|UK & Holland|



1. Hordhac

Waxa beryahan dambe saxaafadda iyo goleyaasha lagu gorfeeyo siyaasaddda Somaliland ku soo badanayey dad iyagu gebi ahaanba si qaldan u fahmay macnaha, milgaha iyo  habd haqanka siyaasadda iyo siyaasiga. Dadkaasoo iyagu u dhaqma si gef iyo meel ka dhacba ku ah garashada suuban iyo caqliga feyow ee bini’aadamka lagaga dir sooco ama ay kaga duwan yihiin xayawaanka. Cayda, cambaaraynta iyo ceebaynta shaqsiyadeed ee ay dadka noocan ahi ku tallaabsanayaan waxay gef, ceeb iyo maangadba ku tahay dadweynaha  So maliland ee ay doonayaan inay aragtidooda iyo himilooyinkooda siyaasadeed ka iibiyaan.

Arrintani guud ahaanba waa dhacdo ku cusub ummadda reer Somaliland oo aanay hore  d haqan iyo caado midnaba ugu lahaan jirin. Waayaha iyo dhibaatooyinka ummadda soo  ma ray si kastooy u adkaayeenba, marnaba lagama tagi jirin ku dhaqanka weedhaha iyo  erey ada wanaagsan iyo hab maamuuska asluubta hadalku lahaan jiray ee bulshada Somaliland hiddaha u lahaan jireen.

Haddaba, dhacdo walba taariikhdeeda lehe, laga bilaabo markii ay xukuumadda  madaxwe yne Daahir Riyaale hoggaanka talada dalka la wareegtay, waxa markiiba soo if-baxay in madaxweynaha iyo hawl wadeennada xukuumaduba ay la yimaadeen hab-dhaqan iyo qaab hadal oo aad uga duwan xukuumadihii dalkan hore u soo maray. Waxa batay caydii, aflag aadadii iyo wax ka sheegga shakhsiga tilmaama dhalliilalaha xukuumadda iyadoon cidnaba loo aaba yeelayn, gabadh, oday dhaqameed, aqoonyahan, abwaan, siyaasi, culimaa’u diin, qoys, qabiil, iwm. Ku jiq sii, mu’aamarad marwalba aloosan iyo wanjal nabadsugaysan ayaa noqday kuwo ka bata dhageha bulshada Somaliland ee is lahayd waxaad taladii dalka ku aaminteen xukuumad ay dadku soo doorateen oo tix-gelin doonta xuquuqda iyo  karaam ada muwaadinku leeyahay.

2. Ballan-Furkii Xukuumadda

Sida aynu la wada soconno waxa muddooyinkii ugu dambeeyeyba siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland aad ugu soo badanayey hadalhaynta iyo dhaleecaynta mudane ka tirsan Aqalka Kongeraska ee Maraykanka oo magaciisa la yidhaahdo mudane Donald Payne. Mudanahan oo ah madaxa guddi-hoosaadka qaybta Afrika ee Aqalka Kongereska Maraykanka.

Su’aalaha isweydiinta u baahani waxay yihiin: Ma dhabbaa in mudane Donald Payne uu guud ahaanba ka soo horjeedo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland? Maxaase sababay in xukuumaddu Somaliland ay arrintan si weyn u buun-buuniso?

Sannadkii dhammaaday ee 2009-ka dhexdiisii (bishii Juun) ayaa dawladda Maraykanku martiqaad u fidisay maamullada ka jira dalkii beri la isku odhan jiray Somalia (Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Somalia). Martiqaadkan waxa soo agaasimay guddi hoosaadka Congresska Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ee uu mudane Donald Payne, waxana qorshuhu ahaa in guddi-hosaadkan Aqalka Kongeraska Maraykanku uu xukuumad walba gaar ahaanteeda warbixin ku saabsan xaaladdeeda uga dhegeysato, si xukuumadda cusub ee madaxweyne Barack Obama ugu xisaabtanto qorshaheeda siyaasadeed ee ku wajahan Geeska Afrika.

Haddaba maxay xukuumadda Daahir Riyaale ka yeeshay martiqaadkan uu Maraykanku u fidiyey?

Sida markii dambe caddaatay ee aynu imika dhammaanba la wada soconno, mabda’ ahaan xukuummadda madaxweyne Riyaale way aqbashay ka qayb galka martiqaadkan uu  mud ane Donald Payne u fidiyey ee ay xukuumadda Somaliland miis la fadhiisan doonto  maam ullada Puntland iyo Soomaaliya. Hase ahaatee, wax yar ka hor markii kulankan loo  balla nsanaa ayey xukuumadda Somaliland martiqaadkaa ka baxday taasoo ceeb weyn iyo weji gebaxba ku ah hab-dhaqanka iyo macaamilka diblomaasiyadeed ee dawladaha. Arrintan waxaa aad uga xumaaday mudane Donald Payne oo ah mudanaha ay haatan xukuumadda Daahir Riyaale sida weyn u eedaynayso.

Taasina waxay dhalisay in uu qalloocdo xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay xukuumadda  Da hir Riyale la lahayd dalka dunida ugu awoodda badan (Maraykanka).
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland mudane Cabdillaahi Mohamed Ducaale iyo  wak iilka Somaliland Maraykanka u fadhiya Dr. Sacad Sh. Osman Nuur ayaa bishii Julay 2009 si weyn iskugu dayey inay bedbaadiyaan bal wixii ay bedbaadin karaan, aadna iskugu  taxa llujiyey inay ballan ama kulan la yeeshaan mudane Donald Payne, si ay mar kale u  toosiya an xidhiidhka Somaliland la leedahay USA, balse waa goor ay xeedhiyo fandhaalba kala dhaceen, waxaana loo caddeeyey wasiirka arr. Dibedda iyo wakiilka Somaliland u fadhiya USA inaan iyaga loo baahnayn.

Ujeedada ay doonto ha ka lahaatee fursaddii qaaliga ahayd ee xukuumadda Riyaale ay  da wladda Maraykanka faah-faahin kaga siin kari lahayd qadiyadda iyo waxa Somaliland u  qa bsoomayna halkaa ayey ku luntay. Laga bilaabo markaa xukuumadda Riyaale waxay  gee ska gelisay mudane Donald Payne oo laga dhigay nin ka soo horjeeda qadiyadda iyo gooni isutaagga Somaliland, balse waa xukuumadda Daahir Riyaale ta iyadu ballanta gashay markii dambena kaga baxday.

Dhinaca kale, waxaa wahsi weyni ku habsaday, run ahaantiina u muuqata arrin la iska  ill aaway, hadafkii siyaasadeed ee saldhigga u noqon lahaa geeddi socodka ictiraaf raadiska qaranka Somaliland. Waxaa si weyn loo hagraday in laga faa’iideysto fursadaha qaaliga ah ee dalka soo maray illaa iyo intii xukuumada m/weyne Daahir Riyaale talada la wareegtay.
Xukuumaddu way ka gaabisay inay masuuliyadeeda koowaad ka dhigto gudashada xilkan qaran (aqoonsi raadiska), kaasi oo dalka iyo dadkaba marka la eego duruufaha ku xeeran, mudnaanta iyo muhimadda koowaadba u lahaa.


Wax kasta oo dunidu xilligan ay u hanqal taageyso ama dhegahoodu jecelyihiin in ay  maql aanba Somaliland way ka jiraan. Guud ahaanba shicibka Somaliland si weyn oo mug leh  ay ey ula yimaadeen badeecaddii ugu tayada fiicnayd qaaradda Afrika ee dunida loo iib geyn lahaa, nasiib darradu waxay tahay waxay ka arradan yihiin xukuumaddii, , hogaamiyihii iyo siyaasaddii arrimaha dibedda ee fursadaha noocaas oo kale ah la jaanqaadi lahaa ee dalka iyo dadkaba uga faaiidayn lahayd.


3. Bedbaadadii Sumcadda Qaranka Somaliland:

Markii ay xukuumadda madaxweyne Riyaale daayacday fursaddii qaaliga ahayd ee la  siiy ey, balse mar dambe ay ku soo baraarugtay khaladka ay gashay baaxadda u le’egyahay, kaddibna Wasiirka Arr. Dibedda ka kabash-kabash siisay oo uu Washington DC u baqoolay guulse uu ka keeni waayey, waxaa ceebtii iyo weji gebaxii Qaranka Somaliland ka  bedbaa diyey Xoghayaha Arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiye Prof./Dr. Mohamed Abdillahi Omar oo si caaqiibo leh uga faa’iideystay fursaddii ay lumiyeen xukuumadda Riyaale, siiba  wasi irka Arrimaha Dibedda iyo wakiilka Somaliland ee Washington DC.

Xisbiga Kulmiye iyo Xoghayehiisa Arrimaha Dibeddu waxay muujiyeen isku kalsooni iyo  ar agti siyaasadeed oo aad u hufan oo ay qadiyadda Somaliland bulshada caalamka kaga iibin karaan. Prof/Dr. Mohammed Abdullahi Omar waxa uu mudane Donald Payne u soo  band higey in uu Qaranka Somaliland leeyahay himilo iyo hadaf siyaasadeed oo aad uga fog ka ay la yimaaddeen Daahir Riyaale iyo xukuumaddiisu. Waxaa uu si aan muran ku jirin u soo bandhigay in qadiyadda iyo gooni isu-taagga Somaliland aysan ahayn mid muran ama gor-gortan geli karta. Waxa uu soo bandhigay waxyaabaha la taaban karo ee Somaliland u  q absoomay iyo guulaha dhinacyada badan leh ee ay Somaliland kaga tilmaamantahay  gob olka Geeska Afrika ee ay ku taallo.


Waxa kale oo xoghayaha arr. Dibedda ee xisbiga Kulmiye Prof/Dr. Mohammed Abdillahi Omar uu si farshaxannimo leh xukuumadda Maraykanka ugu soo bandhigey muhimadda iyo qiimaha ay Somaliland leedahay iyo sida ay Somaliland bulshada caalamka wax ugala qaban karto xal u hellidda mushkiladaha ku gedaaman gobolka Geeska Afrika, sida Budhcad badeedda, qolyaha xag jira iyo arge-gexisada caalimiga ah iyo mashaakilka iyo dagaallada ragaadiyey koonfurta Soomaaliya.

Haddaba waxaan innaba muran ku jirin in Xisbiga Kulmiye iyo Xoghayihiisa Arrimaha Dibeddu ay la yimaaddeen kuna kasbadeen indhaha iy dhegaha beesha caalamka gobannimo siyaasadeed ook u dhisan isku kalsooni, aqoon cusub iyo xidhiidh wax isdhaafsi oo laba dhinacle ah.

4. Hanashada Kalsoonida Bulshada Somaliland & Caalamka:

Dhacdadan ay bulshdada caalamku wax kaga weydiinayaan Xisbiga Kulmiye xaaladda  So maliland iyo guud ahaanba kuwa mandaqadda ay Somaliland ku taal ee geeska Afrika, wa xa kelifay markii uu fashilmay hannaankii iyo habsami u socodkii Siyaasadda Arrimaha  Dib edda Somaliland ee ay xukuumadda Daahir Riyaale horseedka ka tahay, taasoo noqotay mid fadhiid ah oo guuldarraysatay, diblomaasiyiinta beesha caalamkuna ay jaahwareer iyo fahmo guur ka qaadeen la macaamilka xukuumadda Daahir Riyaale guud ahaan, gaar ahaanna hannaanka siyaasadda arrimaha dibedda.

Guulaha uu Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ka gaadhay xidhiidhka diblemaasiyadeed ee bulshada caalamka kuma ay iman oo keliya socdaalkii ay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye  m ujaahid Ahmed Silaanyo iyo xoghayaha arr. dibedda ee xisbigu Dr. Mohamed Abdillaahi ay ku tageen Maraykanka, balse waxaa xaqiiqo ah in xisbiga Kulmiye uu bulshada caalamka ku leeyahay tixgelin iyo qadarin uu ku mutaystay samirkii, dulqaadkii iyo bisaylkii siyaasadeed ee uu mujaahid Ahmed Silaanyo la yimid doorashadii 2003-dii ka dib markii uu “80-cod” oo keliya Daahir Riyaale ugaga tanaasuley xilkii madaxweynenimo ee Qaranka Somaliland.

Waxa kale oo xisbiga Kulmiye iyo hoggaamiyehiisuba sumcad iyo tixgelin dheeraad ah  ca alamka uga soo hooyey sidii ay (dhawr jeer) dalka iyo dadka Somaliland ugu tudheen  ug ana badbaadiyeen khilaaf iyo mashaakil hor leh oo dalku galo muddadii ay Daahir Riyaale iyo xukuumaddiisu ku hawlanaayeen mu’aamaradaha iyo muddo kordhinta sharciga baal marsan si dalka looga abuuro isku dhac iyo qala-laase siyaasadeed oo aanay doorasho dalka uga qabsoomin.

Xisbiga Kulmiye waxa uu muujiyey dulqaad, xilkasnimo, dal-jacayl, dhawridda danta dalka iyo ta dadka. Xisbiga Kulmiye waxa uu marwalba ka hortagaa xalna u raadiyaa khilaafka iyo muranka siyaasadeed ama distooriga ah ee ay xukuumaddu badanaaba horseedka ka tahay.

Arrimahan kor ku xusani waxay dhaliyeen inuu Xisbiga Kulmiye si rasmi ah u kasbado  maa nka, maskaxda iyo qalbiyada bulsho weynta Somaliland ee dalka gudihiisa (bari illaa  galb eed, guban illaa hawd) iyo kuwa dunida dacalladeeda ku noolba. Waxaa arrinta tusaale cad u ah sidii baaxadda lahayd ee bulshada Somaliland ugu soo dhaweeyeen Hargeysa soo guryo-noqoshadii Mujaahid Axmed Silaanyo markii uu ka soo laabtay booqashadiisii USA.

Isku kalsoonida iyo aragti dheerida siyaasadeed ee ay Guddoomiyaha iyo xoghayaha  Ar rimaha Dibedda ee xisbiga Kulmiye soo bandhigeen, waxay xukuumaddu ka qaaday sas iyo kala-hadal baaxad leh taasoo ay ugu jawaabeen cay iyo aflagaado ka baxsan milgaha iyo habdhaqanka siyaasadda iyo caqliga feyow. Qaabka ay xukuumadda Riyaale arrintan uga jawaabtay amaba uga hadashay ayaa markhaati cad ka ah fashilaadda baaxadda leh ee xukuumadda ku habsatay, gaar ahaan xidhiidhka arrimaha dibedda ee xukuumadda  m/we yne Daahir Riyaale la leedahay bulsho weynta caalamka.

5. Gudashada Xilka iyo Waajibaadka Qaran ee Xisbiga Kulmiye:

Guud ahaanba Xisbiga Kulmiye, hoggaankiisa, hawlwadeenadiisa iyo taageerayaashiisuba waa ehelka, wehelka iyo astaanta u taagan midnimada, dal jacaylka iyo madaxbannaanida Somaliland. Xisbiga Kulmiye waxa uu hoy iyo hiilba u yahay kuwa xaqa iyo caddaaladda ku taagan ee xaq-darrada iyo eexdaba la dagaallama.

Waxqabadka baaxadda leh iyo tayada hoggaamiyenimo ee ay Mujaahid Axmed Silaanyo iyo xoghayahiisa Arr. Dib. Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar soo bandhigeen waxay magac, maamuus iyo milgo qaranba u yihiin qof kastoo muwaadin Somalilander ah oo wanaagga iyo horumarka Somaliland jecel. Waana arrin ku dayasho iyo in lagu faanoba inaga mudan.
Kuwa xilkoodii gabay ee milgaha siyaasadda iyo hogaaminta dalkaba ku fashilmay ee cayda iyo yoon-yootanka miciinsaday, waxaan kula talin lahaa inay xaalad abuurka, xinka iyo xag-xagashadaba iska daayaan oo ay ku daydaan habdhaqanka iyo tusaalaha wanaagsan ee Wasiirka arr. Dibedda Somaliland Hon. Abdillahi M. Duale. Xukuumadda m/weyne  Riy aale waxaa la gudboon inay xeel-dheerayaasha siyaasadda ee Xisbiga Kulmiye ka  korodh sadaan duruusta iyo farshaxanka diblomaasiyadeed ee ay bulshada Somaliland maanta u ooman tahay!!



5.1 Mujaahid Axmed Silaanyo:

Waa mujaahid ummaddiisa la wadaaga halgan iyo dhacdo taariikhi ah oo ma guuraan ah.
Waa muwaadin ay Somalilandernimadu ku dheer tahay oo leh kartidii, aqoontii, magacii, milgihii iyo maamuustii hogaamiyenimoba.
Waa xeel-dheere siyaasadeed iyo khabiir si wanaagsan u fahansan macnaha iyo hab-dhaqanka looga baahan yahay inuu la yimaado Hoggaamiyaha ay Somaliland maanta u ooman tahay. Waa nin leh kartidii, milgihii iyo maamuuskii uu qaranka iyo qoomiyadda Somaliland ku matali lahaa, kagana midho dhalin lahaa xilka iyo masuuliyadda loo igmado nooc kasta iyo meel kasta oo ay tahayba.
Waa aqoonyahan iyo xeel-dheere siyaasadeed oo daacad ah, ku sifoobay halganka dheer ee uu dalkiisa iyo dadkiisaba u soo galay, haatanna halgan adag ugu jira ka midho dhalinta danta guud ee dalka iyo maslaxadda umadda reer Somaliland, isagoo adeegsanaya aqoontiisa, khibraddiisa iyo waayo arragnimadiisa balaadhan ee uu u leeyahay siyaasada caalamka ee casriga ah iyo qaababka ay dunidu waqtigan xaadirka ah wax isku dhaafsato.
Waa hoggaamiye daacad ah oo hiil iyo hooba la agtaagan kuwa ku taagan wanaagga, horumarka, hagaajinta Dimuqraadiyadda iyo difaaca dalka hooyo.
Waa mujaahid aan marnaba hore uga gabban, hadeerna ka gabban doonin kuwa xaqdarrada weheshada iyo xumo-wadayaasha ay dhibayso inay Somaliland ka mid noqoto bulshada caalamka oo ay hesho aqoonsi iyo madaxbannaani caalami ah.

5.2 Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar (Xoghayaha Arr. Dib. ee Kulmiye):

Waa Xeeldheere Siyaasi ah iyo Diblomaasi Sare oo Xag-xagashada neceb, u adeeg a Dalkiisa, Balse aan isaga Dalkiisa iyo Dadkiisa midnaba loo Adeegsan karin.
Waa aayaha, raasamaalka iyo kaydka aqooneed ee ehelka iyo wehelkaba u ah daadi hinta iyo dayactirka siyaasadda arrimaha dibadda ee ma huraanka dalkiisa hooyo (Somaliland).
Waxa uu heegan ugu jiraa difaaca iyo horumarinta danaha dalka iyo dadka Somaliland dunida dacalladeeda kaga dayacan. Talo wax ku ool ah iyo hogo-tusaaleyn ayuu ka soo jeediyaa wixii uu u arko inay danta guud ku jirto.
Waxa uu mawqif cad iska taagaa waxyaabaha uu u arko inaanay u adeegayn danaha aasaasiga ah ee shacabka Somaliland ama aysan danta guud ee Somaliland ku jirin.
Waa muwaadin aaminsan in higelinta danta guud wax walba ka horrayso oo ay mudnaa nta koowaad leedahay. Sidoo kale waxa uu aaminsan yahay in kala duwaanshaha afkaarta iyo aragtida siyaasadeed ee xisbiyada ama ashkhaastaba u dhexeeya aysan ka hor imana yn in iskaashi iyo wada shaqayni timaado, si danta guud ay u hirgasho.
Waqtigiisa qaaliga ah kuma lumiyo is riix-riix siyaasadeed, cambaaraynta iyo ceebaynta shaqsiga iyo inuu xisbiyada kale ee qaranka masuuliyiintooda iyo taageerayaashooda af xumeeyo ama canbaareeyo.

Wa Billaahi Tawfiiq,
Guul, Horumar iyo Aqoonsi Somaliland

 

 

 

By: Eng/Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)|UK & Holland|