Todobaadka iyo Soomaaliland: "Xibigii Kulmiye oo muc
aarad u xuubsiibtay"

 

Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta gu udbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaa n ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u  taa gnahay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".

Geeddi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u  raraya a, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha dalkeenna, ge esta aad ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay,  wax se aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweynoow gartaa naqa, idink aa garsoore ah."

Guuleed: Nabad ma la sheegay!
Geeddi: Waa nabad iyo caano; ee maxaad wax wara ah haysaa?
Guuleed: Warku wuu farabadanyahay ee horta maanta ma fadhiisannaa makhaayadaha waaweyn ee aan laxooxda iibin ee ka xishooda.
Geeddi: makhaayadaha waaweyni waa kuwee?
Guuleed: Maansoor, Ambaasadoor iyo imbiiriy...inbiiriyal, waar tolow muxuu ahaa magacii haa imbiiriyal "maxaa magac-soomaali u diidey!"

Geeddi: oo miyaan laxoox lagu cunin?
Guuleed: Waabay ka xishoodaan
Geeddi: Haddaa maxaad innagala doonaysaa haddii aanay samayn ba waddanidii. Ninkastaaba cuntadiisa ayuu ku faanaa. Laxooxdii subagga lahayd ama muqmadda lagu cunayey ee dalku dhaqanka u lahaa haddaan lagu cunayn...wallee in aanan tegeyn. Horena uma tegin imminkana tegimaayo

Guuleed: Dee halkeenan ba inoo daa...xataa koobka shaaha ah ee aynu halkaa ka cabnaa waxa uu noqonayaa 10 koob oo shaah ah. Maxaad wax wara haysaa?
Geeddi: Dee waa Ilaahay mahaddii oo Xukuumaddii hawlaheedii bay dhex gashay.

Guuleed: Warka waad haysaaye waad ka meeraysanaysaaye. Ma maqashay Cismaan Kalluun oo yimi,ma maqashay Buubbaa oo soo socda, ma maqashay Siilaanyo oo u gacan caadinaya Jenaraal Jaamac Yare. Ma maqashay Xisbigii Kulmiye oo u xuubsiibtay mucaarad.

Geeddi: Waa markaad jar iyo buur isku qaadi jirtaye....Kulmiye maxaa ka dhigay mucaarad?
Guuleed: Miyaanaad maqlin Muuse Biixi oo ka hadlaya Cismaan Kalluun oo ku eedaynaya dawladda iyo go'aankay ku soo dhoweysay Cimaan. Waxa aad iga gaadhsiisaa Ina Biixi, kollay muxaafad noqon kari mayside laba mid soo gal. In aad iska dhiibto guddoomiyenimada Xisbiga aad metelayso oo ah muxaafad; xukuumadda u ah taageere--waa haddii kale abtigaa Cabdikariin u tag oo weydii sida loo noqdo muxaafad.

Geeddi: Oo Cabdikariinkaasina waa kuma
Guuleed: Waad ganaaxantahay ma boqorka Soomaaliland baanaad aqoon magaciisa?
Geeddi: Ma boqor buurmadaw?

Guuleed: Ganaax aan saamaxaad lahayn oo ah laba maalmood shaahooda ayaa ku qabtay---dee mayee waa Xaaji Cabdikariin (Cabdi Waraabe) isagaa muxaafadnimada yaqaanna iyo faa'iidadeeda ee ha u tago oo ha waraysto si uu u noqdo muxaafad xukuumadda ah. Haddii kale xisbigii kulmiye waa mucaarad e Siilaanyo xisbi kale ha samaysto.

Geeddi: KULMIYE mucaarad ma aha'e xagee bay ka dheceen xisbiyadii mucaaradka ahaa, ee UCID iyo UDUB.,
Guuleed: UCID Faysal baa yidhi, "Horta qabo Faysaloo bal qof kale ku soo dara" dabadeed waa la waayey qof u dhigma sidaasaa xisbigaasi ku galbaday. Xisbigii UDUB waa la isku haystaayoo---Daahir Rayaale waxa uu yidhi: " Ma aragtaanay, dee xisbiga beesha Awdal baa hoggaaminta iska leh, Oday Cawil na waxa uu ugu jawaabay, miyaad illawday ballantii innaga dhaxaysay, nin aan la magacdhebin baa isaguna ku dooday in UDUB uu aasaasay IHN M I Cigaal oo maanta ay tahay in lagu sharfo beeshii uu ka soo jeeday, Xaabsade ayaa ugu danbayntii hadal hanjabaadi ku gadaamantahay ku yidhi: "Waar nimanyahaw haddaad ka maaranteen SOOL iyo Sanaagbari, dee sidaad doontaan yeela, waa haddii kale doorkan xisbigan UDUB waa Beesha SOOL--loo noqon maayo.

Geeddi: oo dabadeedna
Guuleed: Oo ma daba la qabtaabay leedahay, dee waxa aynu sugnaa waa burburkii UDUB, Kulmiyena mucaarad buu noqday, UCIDna cidiba isma weydiinayso.
Geeddi: Maxaa xal ah?
Guuleed: Ha la dedejiyo axsaabtii sidii loo furi lahaa.
Geeddi: Dee kulmiye hore ayuu u ballanqaaday in la furayo
Guuleed: Halkee hadalkaygu kaa dhaafayaa---KULMIYE ma aha xisbiga xukuumadda haya ee waa mucaarad oo Muuse Biixi ayaa guddoomiye ka ah. Waxa aanse ku fari lahaa xukuumadda xanteedii ayey isku caddaysay mar haddii ay waxba ka odhanweyday Cismaan Kalluun oo geed dheer iyo mid gaaban ba u koray duminta Somaliland. Waxa aad ku tidhaahdaa Siilaanyo, is caddee haddii kale...........

Geeddi: Waa maxay iscaddee---Siilaanyo haddii hunguri ka hayo soomaaliweyn beri hore ayuu tegi lahaaye, ma nimankan meel ay qabsadaan waayey ee uu soo xerogelinayo ayaad ka sastay. Waa la cafiyey oo dalkooda waa ay iman karaan ee maxaad ka sastay!
Guuleed: Haddii la cafiyey dadka ha loo sheego oo xukuumaddu yaanay ibriiq ku addimine ha shaaciso.

Tu danbaynu lahaan.

 

 

 

 

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
Sweden