XISBIGA KULMIYE OO MASUULIYIN SAR SARE OO XISBIGA UDUB KA SOO DIGO ROGTAY KU QAABILAY HOTEL BARWAQO  IYO SO DHOWEYNTI AY LA KULMEEN MASUULIYINTAASI

 

Burco (TNN)- Waxaa saaka abbaaro 10:00kii subaxnimo xisbiga kulmiye si weyn ugu soo  dhowe eyey Hotel Barwaqo ee magaalada Burco taagerayaal Tiro badan oo ay ku jireen masuuliyintii u cuslayd xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer, taageryaashan ku soo biiray xisbiga Kulmiye ayaa ka soo digo rogtay xisbiga talada haya ee UDUB, waxaana taagerayaasha saaka hogaaminyey Xoghayihii Guud ee xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer, Mudane cabdi xasan axmed ina food-yu cub, waxaana madasha lagu soo dhoweyey taagerayaashan fadhiyey masuuliyiintu u sar  sara ysay xisbiga kulmiye heer gobol iyo weliba masuuliyin guud oo ay hormuud u ahaayen Afhayee nka xisbiga Muj-maxamed kahin axmed iyo Guddomiyaha Guddiga Kaambaynka ee xisbiga  kulmi ye Dr.Cabdi aw-daahir.

Munasbadda ayaa ugu horayn waxa lagu furay aayado quraan ah,waxaana khudbado kala  gedi san ka soo jeediyey masuuliyiintii ka socotay xisbiga kulmiye, waxaana ugu horayn halkaas ku soo dhoweyey tagerayaasha culus ee ku soo biiray xisbiga G/kuxigeenka xisbiga kulmiye, isag oo ugu hambalyeyey taagerayaasha ku soo biiray xisbiga in ay yihiin dad jecel horumarka iyo wax wada qabsiga, isla markaasna ku sifeeyey dad ka dhex muuqan doona xisbiga kulmiye, iya doo kaalmihii ay kaga jireen xisbiga ay ka soo digo rogteen kuwo la mid ah ama ka fiican ay ka geli doonan xisbiga, horumarka dalkana laga wada shqayn doono.

Xildhiban cali xasan maxamed (Cali mareexan) oo isna ka mid ah xildhibaanada ka qayb galay  m unaasibaddi loo sameeyyey taagerayaasha culus ee ku soo biiray xisbiga kulmiye kana soo digo rogtay UDUB ayaa madasha ka jeediyey kelmado badan oo duur xul ahaa, isagoo ka sheekeyey wax qabad la’aanta Guud ee dalka iyo weliba ta Gobolka Togdheer, wuxuu tafaasiil ka bixiyey, waxyaabo badan oo aanu xisbiga UDUB kula tartami karin Kulmiye.

Xoghayihii xisbiga UDUB ee goblka Togdheer, cabdi xasan axmed, oo saaka si rasmi ah u noqday taageryaasha iyo dadka wax galka u ah xisbiga kulmiye ayaa isna munaasibadda ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga sheekeeyey waxyaabihii uu uga soo digo rogtay UDUB, wuxuuna ku sheegay in ay ka mid yihiin waxyaabaha ku kelifay ka digo rogashada xisbiga uu xilka u hayey in uu noqday xisbi aan waxba u ogayn kuwa xilka u haya iyo ku taageeraba, inu noqday xisbi cid gaar ahi maamusho amar keli ahina ka socdo, inu noqday xisbi aan wax natiijo ah oo ka soo  jee daa jirin oo ay isku garan waayeen markii ay waxyaabo badan qiimeeyeen, waxaanu sheegay in sidaas ay ku goosteen in ay ku biiraan kulmiye oo uu sheegay inay ogyihin wuxu galay iyo wuxu gudayba, horena ay ogaayeen imminkana ay ogyihin.

Xogahayhii hore ee udub ee G/togdheer cabdi xasan axmed, oo hadalka ku dheeraaday ayaa mar uu lahadlayey xubno sheegay in xisbiga UDUB xilal ay u hayeen iska casileen balse xisbiga yihiin ku yidhi, "waddadii saxda ahayd haddaynu wada garanay oo malaa caqligeenu wuu isla socdaaye, waxba ha kala reebin hadalkee sidaa aad xilkategista ugu dhawaaqday ugu dhwaaq inaad ka guurtey xisbiga fadhiidka ah ee fadhiidka noqday" ayu yidhi cabdi xasan axmed,.

Wuxuu ballanqaday masuulkan ka soo digo rogtay UDUB inu ula shaqayn dono sidii uu xisbiga uu ka yimi ula shaqayn jirey si ka weyn, isagoo sidoo kale sheegay in la kala arki doono in aan  had al ula soo galay xisbiga kulmiye iyo inaan wax qabad la arko oo dhab ah muujiyo, iyadoo xisbiga UDUB uu ku sheegay mid dhowaan is dhiibi doona oo gacmaha ko utaagi dona marku arko dadkii oo ka sii qulqulaya.

Sahra maxamed xusen oo ah gudomiyaha garabka haweenka ee xisbiga kulmiye ,Dr.cabdi aw  d ahir iyo yaasiin oo iyaguna munasibadda soo dhoweynta tageryashan culus ka hadlay ayaa ku sheegay kuwo gartay halkii danta iyo horumarku ku jirey, uguna baaqay inta ku hadhay kulmiye inay soo raacan walaalahooda maantaba la jooga kulmiye, ee shalayna ay kala ahaayeen laba siyaasad isku haya, oo is dacaayadeeya markay kulmaan maantana hal meel wax ka wada  too ganaya, waxay sheegen in cid alla ciddi kulmiye ku soo biiraysa ee ka so jeeda UDUB uu kulmiye soo dhoweynayo, isago haddii waxkasta soo dhex mareen dib u jaleeci doonin wixi hore u soo dhexmaray, sido kale cabdi awdahi wuxu ku yidhi dadkii madasha fadhiyey iyo shacabka reer somaliland ba noqda, UDUB kulmiye u codaysay, oo haddaaydaan ka bixi karin UDUB oo dhib idiku tahay ama waxyaabo kaleba aad xeerinaysaan codkiina siiya kulmiye doorkan UDUB tiinana iska ahaada. Sahra maxamed xusen ayaa iyaduna si gaar ah ugu wacyi gelisay hawenka iyo  dhaliny arada in codkooda ay sannadkan la ogaadan xisbiga kulmiye.

Mujahid Maxamed kahin oo munaasibadda soo xidhay ayaa ka xog warramay siyaasadda  maan ta, isagoo madaxweyne rayaale ku eedeyey inu ku hadlo hadalo aan masuuliyadaysnayn, wuxu una tusaale u soo qaatay ereyo ay ka mid ahaayeen "Caalamka ayaa nagu khasbaya  doorasha da inaan galno" oo uu sheegay inu madaxweynuhu, ka yidhi warbahinta markii uu faransiiska ka soo noqday. Wuxu sheegay in madaxweynuhu weli moodayo inu nabadsugiddii yahay, oo aanu dareensanaynba inu madaxweyne qaran yahay. Wuxuu wasiirada xukumaddana ku sheegay  ku wo aan garanayn shaqadooda, isagoo ku eedeyey in madaxweynuhu u soo diray  reerahoo da,iyagoo qoys qoys ula shiraya xaafadaha Burco iyo magaaloyinka kale.

Isku soo wada duubo masuuliyinta ka soo digo roganaya xisbiga talada haya ee UDUB ayaa ku dhow in dhammaanba ay sabab u noqon karaan awood darro ba’an oo ku dhacda xisbiga talada haya ee UDUB, iyadoo todobaadyadan u danbeeyey ay ka digo rogteen masuuliyiin isugu jira  h eer gobol illaa Guud, waxayna dhammaan u digo rogteen xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, iya goo u digo rogashadooda intooda badani ku sababaynaya is bedel doon inay yihiin.


Source:Hadhwanaagnews