“Xorriyada Iyo Madaxbanaanida Somaliland Waa Mid Ay Goo steen
Shacabku, Maaha Did Dal Kale Iyo Ummadd Kale Ku Xidhan” Dr Maxamed
C. Cumar
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee
Somaliland Dr. Maxamed................
Dubai (TNN)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku
waajahan siyaasadda cusub ee uu Maraykanku sheegay inay ku
aqoonsadeen dawladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee
Somaliland Dr. Maxame d Cabdilaahi Cumar oo ku sugan dalka Imaaraadka
Carabta oo maanta u warramay Laanta Afs oomaaliga ee Idaacada BBC-da,
ayaa sheegay inaanay Somaliland saamayn ku yeelanayn xidhii dhka
cusub ee uu Maraykanku sheegay inuu la samaynayo, isla markaana kula
macaamilayo dawladda Soomaaliya.
Waxa kale, oo uu Wasiirku tilmaamay inaanay waxba iska bedeli doonin
xidhiidhka Somaliland, M araykanka iyo beesha caalamkuba, waxaanu
daboolka ka qaaday in qaddiyadii ay caalamku ho re u sheegeen inay
Somaliland iyo Soomaaliya mid walba ula macaamilayaan gaar ahaantood
aanay saamayn ku yeelan doonin aqoonsiga uu Maraykanku siiyay
Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu Wasiirku sheegay in xidhiidhka cusub
ee Maraykanka iyo Dawladda Soomaaliya waxtar u leeyahay Somaliland,
kaasoo uu tilmaamay inuu dawo ka noqon doono khataraha ammaan-dar ro
ee Somaliland kaga yimaada Soomaaliya.
Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi. “Dawladda
Maraykanku wada-shaqaynta ay la leedahay dawladda Soomaaliya anagu
waxaanu u aragnaa mid anagana faa’iido noo ah oo khatarta nagaga
iman jirtay Soomaaliya ee nabadgelyo darrada iyo xasilooni darradu
ka mid tahay, waxaanu rajayn doonaa in arrimahaas yaraan doonaan,
laakiin dhinaca kale Maraykank u muu odhan Somaliland lama shaqaynayo,
waxa kordhay oo aad u sii badanaya danaynta iyo soo dhaweynta ay
caalamku u qabaan Somaliland oo ay ka mid tahay socdaalka aanu hadda
ku joogno wadanka imaaraadka oo markii ugu horeysay ay wadamada
carabtu albaabadooda iyo siyaasaddooda u fureen Somaliland, bishii
hore dawladdo badan oo reer Yurub ah oo ay ka mid yihiin Ingiriiska
iyo Denmarka ayaa ku baaqay inay mucaawinooyin dhaqaale oo toos ah
ay Somaliland siinayaan, markaa arrimahaas oo dhami waxay
muujinayaan in dareenkii iyo wada shaqayntii beesha caalamku ee
Somaliland aanu runtii yaraanin ee uu sii badanayo.”
Wasiirka oo ka hadlaya qaddiyad wada hadalka Somaliland iyo
Soomaaliya waxa uu yidhi. “Midi waxa weeye mawqif mucayin ah oo ay
dunidu inta badan qaadato oo ah in arrimaha Somaliland iyo
Soomaaliya ay yihiin arrimo iyaga u gaar ah ka shaqayntoodu, waana
masalo siyaasaddeed, laakiin waxa muuqata in shirkii kal-hore
caalamka oo dhami isugu ee Maraykanku uu ka mid ahaa ee London ka
dhacay qaraarkii ka soo baxay wuxuu ahaa in Somaliland iyo
Soomaaliya ay beesha caalamku ku tyaageerto inay ka wada hadlaan
arrimaha ka dhexeeya iyo mustaqbalkoo da, waana dood iyo wada hadalo
hadda lafteeda noo socda oo aanu labada dawladdood filayno inay ka
wada hadlaan, dawladdo badan oo caalamka ka mid ahina ay ka qayb
qaadanayaan, markaa waxaan filayaa taasi inaanay Somaliland
mushkilad ku ahaanayn Somaliland.”
Sidoo kale, waxa uu Wasiirku daboolka ka qaaday inay Somaliland iyo
Soomaaliya mucaawinooy inka ay hore ugu qoondeeyeen in mid walba
gaarkiisa loo siiyo, isla markaana aanay waxba iska bedelin.
“Dhinaca kale qaddiyada labada xidhiidh (dual track) wuxuu ahaa
wuxuu ahaa qaaciido mucaawinooyinka loogu kala qaybiyo Soomaaliya
iyo Somaliland arrintaasna wax isbedel ah oo ilaa hadda noo muuqdaa
ma jiro. Laakiin qodobka waxaasoo dhan ka wayni waxa weeye xorriy ada
iyo madaxbanaanida Somaliland waa mid ay goosteen shacabku, maaha
mid dal kale iyo um ad kale ku xidhan.
caalamkuna wuxuu ahmiyada siinayaa qaddiyada ay shacabku goosteen ee
shuruucda ku dhis an, arrintaasina mid isku bedelaysa xidhiidh dhex
mara Soomaaliya iyo Maraykanka maaha, kha tarna uma aragno arrintaas,
waxaanu u aragnaa mid aan waxba yeelayn ictiraaf doonka.” ayuu yidhi
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee
Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Wasiirku waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan xidhiidhka cusub ee
dawladdaha Soomaali ya iyo Maraykanka.
Timacade News Desk
Dubai,UAE
|