“Xukuumadan Waxa Dalka Loo Dhiibay Bulshadda Oo Midays an, Garaad
Jaamac-Na Waxaan Leeyahay Dabka S/Land Ka Baxayaa Waa Kii Uu Garaad
C/Qani Bali-Gubadle Ku Shiday 1990-Kii”Suldaan Xasan Suldaan C/Raxmaan
Hargeysa (TNN) – Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan
Xasan Suldaan Cabdilaahi Sul daan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in
xukuumada talada haysaa ay ku guul-daraysatay waajibaa dkii loo
igmaday ee ay ummada uga masuulka ahayd, isla markaana Madaxwayne
Axmed Siilaan yo ugu baaqay inuu 28 saacadood gudahood bulshada ugu
soo bandhigo talaabada uu ka qaadan ayo shirka lagu mijo Xaabinayo
Qaranimada Somaliland ee ka socda Taleex.
Suldaan Xasan waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab u
Waraysi khaas ah khadka Tilifo n ka ku siiyey Wariye Naasir Aadan
Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan Wargeyska Haatuf isaga oo ku sugan
Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlayey khatarta Somaliland kaga iman
karta shirka degm ada Taleex ee gobolka Sool ee lagaga dhawaaqay
Maamul Goboleedka.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxa uu sidoo
kale baaq u diray Garaad ada beesha Dhulbahante ee qabqablayaasha ka
ah shirka Taleex ee lagu yagleelay maamulka ma dhalayska, kaas oo
uga digay inay ku dhaqaaqaan talaabo colaad ka abuuri karta
mandaqada.
Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan
Cabdilaahi isaga oo ugu horayn ka hadlaya fikirkiisa ku wajahan
shirka Taleex, waxa uu yidhi “Hadii aan kalmadayda ka yidhaahdo
shirka Taleex ka socda, run ahaantii beeluhu way shiri karaan oo
danahooda khaaska ahna way ka shiri karaan laakiinse qadiyadahan soo
ifbaxay ee waliba lidiga ku ah qaranimadii dalku waa mi d aan si wayn
uga soo horjeedo. Dhawaaqa ka soo baxay Shirka Taleex uga socda
beesha Dhulba hante Shacbiga Somaliland waa arin dhibaysa hadii ay
reer Sool tahay iyo hadii ay bulshada kale ee Somaliland tahayba waa
arin dhib u horseedi karta, arintani ka ugu galbeedeeya ee jooga
Law yo-cado waa arin saamaynaysa. Xaqiiqdii Somaliland xuduudo
caalami ah ayey leedahay, nidaam dawladnimo oo hano qaaday ayaa ka
jira oo Madaxdhaqmeed ayey leedahay, markaa waxaan ku boorinayaa
waxgaradka iyo aqoon yahanka beesha Dhulbahante inaanay dhib u
horseedin umma dooda mudada 21-ka sano ah dib u dhucu ku yimid, isla
markaana maanta ayaan u malaynayaa inay ku beegan tahay wakhtigii
Rayaale ee Maamulka Somaliland saldhigay, maanta-na waxaynu ka
warqabnaa oo muuqata in adeegyadii bulshada ee deegaankaasi uu aad u
soo noolaanayaa”.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan isaga oo
hadalkiisa sii wata, isla mark aana ka jawaabaya hadal hore uga soo
yeedhay Garaad Jaamac Garaad Cali, waxa uu yidhi “Gar aad Jaamac
Garaad Cali oo ah walaalkay oo maanta ka mid ah Isimada hogaaminaya
shirkaas Taleex hadalkii uu lahaa Dab rag kale shitay kuma
dhaxantirayo ee waxaynu u baahanahay mid aynu inagu shidano, waxaan
leeyahay Walaalkay Garaad Jaamac oo xidhiidh Taariikhi ahi naga
dhexeeyo boqortooyada uu hayo, waxaan odhan lahaa waa Dabkani waa
Dabkii uu Garaad C/qa ni shiday ee Somaliland markii uu 1990-kii
noogu yimid Bali-gubadle, isla markaana uu ka soo qayb galay shirkii
Burco ee dib ula soo noqoshadii Somaliland iyo shirkii 1993-kii ee
Boorama, markaa waxaan leeyahay Walaalkay Garaad Jaamac Garaad Cali
cidna marti ugama tihid oo reer Somalila nd ayaad tahay,
qadiyadaasi-na waa ta walaalaysay Wiilka Sool u dhashay iyo ka
Hargeysa u dh ashay in bulshadu sidaas isku dhexgasho-na waxa keenay
geedkii la beeray maalintii Madax ban aanida ay Somaliland dib ula soo
noqotay, waxaanan idiinku baaqayaa oo aan idin leeyahay wala alayaal
dhaxalkaas ay ubadkeenu haystaan ha inagaga tuurina meel Dogob ka
qiiqayo oo aynu aragno sida aanay marna salka u dhigayn Koonfuri”.
S: Garaadada Beesha Dhulbahante waxa sida muuqata ka dhaqdhaqaaq
badan siyaasiyiinta beeshaas ee dibada ka yimid, arintaasi ma kuu
muuqataa?
J: Nimanka siyaasiyiinta ah ee shirkaa ka qaybgalay ee la leeyahay 7
habeen Somaliland waligood may seexanin caruuri dalka iyo guud
Afrikaba kama joogto, markaa iyagu kamaba turjumi karaan Masiirka
ummadda, waxaanan leeyahay qadiyadaas si taxadir leh uga fiirsada
wixii beesha aanu walaalaha nahay ay tabanayso-na halkeeda ha
ahaato, waana mid ay heli doonaan waxay xaq ugu leeyihiin dalkan”.
S: Beesha Dhulbahante ee Taleex ku shiraysa miyaanay xaq u lahayn
inay arimahooda gaarka ah ka tashadaan oo ay ka shiraan?
J: Xaq way u leeyihiin in beel waliba arimaheeda gaarka ah ka
tashato oo dadku Masiir ayey leey ihiin, laakiin marna-ba gorgortan
galimayso qadiyada gooni isku-taaga Somaliland, wixii ka hoos eeya in
laga wada hadlo ayuu sharcigeenu ogolyahay, Somaliland Axdi-qarameed
ayey soo mar tay, waxaanay hada maraysaa hanaan Distoori ah oo ay
beesha Dhulbahante ee Taleex ku shiraysaa ay hormood ka ahayd.
S: Jawaabta Xukuumadu ka bixisay Shirkaa Taleex ma yahay mid ku
haboon waaqaca jira?
J: Hadalkaas Wasiirada ka soo yeedhay wuu ka miisaan yaraa qadiyada
hada taagan, waxaad moodaa-ba inaanu xukuumadda hada talada haysa
aanu wax war ahi-ba ka soo bixin, sida aynu wada ognahay dawladda
maanta jirta waxa loo dhiibay dalkan oo midaysan, waana in 28-ka
saacadood gudahood Madaxwaynuhu ku cadeeyo qorshaha uu ka damacsan
yahay shirka Taleex ee lagu burburinayo Somaliland, isla markaana
waa arin xataa golayaasha sharci dajinta iyo dhamaan dawladda oo
dhan looga fadhiyo in wax ummadu ku qanacdo ay kaga jawaabaan
khatartaas.
S: Suldaan Sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigu mar uu Haatuf u
waramayey habeen hore, waxa uu qiray in xukuumadu ogolaatay shirka
Taleex, arintaasi siday kuula muuqataa?
J: Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ka soo yeedhay waxa aan u arkaa
mid muujinaya in xukuumadu ku guuldaraysatay waajibaadkii loo
igmaday, waxa dawladda talada haysa loo igmadayna waxa ka mid ah 1.
in amniga guud ee dalka ay ilaaliso, taasina waxay meesha ka baxday
markii shacbiga Sool iyo Shacbiga Somaliland-ba lagu soo duulay,
markaa xukuumadu ha ogaato in badbaadinta shacbigeeda ay masuul ka
tahay. Waxaana muuqata in hadalkaas wasiirku qiraalka ka bixiyey ay
lidi ku tahay hawshii loo igmaday xukuumadda.
S: Xalka lagaga gudbi karo khatarta ka dhalankarta Maamul Goboleedka
Shirka Taleex lagaga dhawaaqay maxaad u aragtaa?
J: Horta waa inaynu ogaano inaanu shacbiga Dhulbahante la socon
qolada maamul ku sheegaas ku dhawaaqday, isla markaana waa qadiyad
aan la odhan Karin beesha Dhulbahante way ka midaysan tahay. Maanta
Hargeysa, Burco iyo Boorama ayaa ardayda Jaamacadaha kaga jirta
bulshada Sool ay ciidaa ka badan tahay, isla markaana waxa kale oo
aan la iska indhotiri Karin masuuliyiinta Deegaanadaas kaga jira
dawladda iyo golayaasha qaranka. Waxaan talo u arkaa oo aan waliba u
arkaa in khilaafka lagaga gudbi karo inaan arinta la sii murjin oo
cagta loo dhigo, ilaa iyo intii uu Ilaahay dhulkan inagu abuuray
dhamaanteen xaaladeenu wada tashi ayey ahayd Insha Allaah-na
xaaladeenu wada tashi ayey ku dhamaanaysaa, umana baahnin cid maanta
nabadaa aynu samaysanay inaga wiiqda, waana mid dhamaanteen aynu u
wada baahanahay.
S: Dhawaaqan Shirka Taleex ka soo yeedhay waxa la sheegayaa inuu
daba socdo hawlo qorsheeyeen Qaramada Midoobay iyo dawladdo waawayn
oo looga danleeyahay in deegaankasta laga sameeyo Maamul Goboleedo
wada hoostagay dawladda taagta daran ee Somalia, arintaas maxaad ka
odhan lahayd?
J: Hadii ay arimahan wadaan Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa ama ay
wadaan IGAD, Jaamacatul Carab, Midawga Afrika iyo haday Midawga
Yurub wadaanba waxaan xaq la inoogu lahayn la ina marsiin maayo,
isla markaana kama aqbalayno hadii ay qadiyadaas ku mashquulaan.
Ummada-ni Masiirkeedii way ka tashatay oo mudada dheer ee aynu
aqoonsi la’aanta ku joognana gaf wayn ayeynu ka tirsanaynaa dhamaan
ururada aan kuu sheegay oo dhan, waxaanan aaminsanahay oo dad badan
ila qabaan hadii ay dunidu Somaliland aqoonsato in Soomaaliyada ay
la yaaban yihiina ay saldhigi doonto.
S: Wakhtigan xaalada Xasaasiga ahi taagan yahay waxa jira khilaafyo
horleh oo ka dhextaagan saddexda xisbi qaran, khilaafyada maanta
taagani muxuu Somaliland dhaxalsiin karaa ayaan u malaynaysaa?
J: Axsaabta qaranka iyo dhamaanba bulshada Somaliland waxa la
gudboon inay maanta khilaafyadii dhexdooda ka soo wada jeestaan oo
ay danta qaranka gacmaha isku wada qabsadaan, waxaana la inooga
baahan yahay in difaac qaran loo wada joogsado min bari ilaa
galbeed, markaa waa in dawladuna garataa waajibkeeda inaguna aynu
taageero la barbar joogsano.
S: Dad badan oo bulshada ka mid ahi waxay qabaan in arimahan ka
socda Galbeed inay gabeen Masuuliyiinta xukuumadda iyo golayaasha
qaranka ugu jira beesha Taleex ku shiraysa, arintaas ma kuu
muuqataa?
J: Ma qabo inay masuuliyiinta deegaanadaas ee dawladda ku jiraa
gabeen shaqadoodii oo rag badan oo deegaanada Sool ka soo jeeda ayaa
jira oo ka shaqaynaya horumarka dalka, dhawaaqan ka soo yeedhay
shirka Taleex-na waa fakir shakhsiyaad wataan, fikirkaasna waxa ka
miisaan wayn fikirka bulshada kale qabto. Markaa waxaan ku baaqayaa
oo aan hore-na ugu baaqay in tabashooyinka jira ee beesha
Dhulbahante hoos loo eego.
S: Ma kuu muuqataa in xukuumadii Rayaale ay dawladda Madaxwayne
Siilaanyo kaga wanaagsan tahay arimaha xaga amniga iyo ilaalinta
qadiyada Madaxbanaanida Somaliland?
J: Xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland soo maray qorshe
macquul ah oo kor u qaadaya qadiyada Somaliland ay ku shaqayn
jireen, waxaanay xooga saari jireen dawladahaas hore adkaynta
nabad-galyada iyo midnimada shacbiga dalka, taas doorkeedii ma
muuqdo oo xanta hoose ee meel walba taalaa waa taas. waxaanan
Qirayaa in mudada xukuumadan hoos u dhacwayni ku yimid Midnimadii
iyo isu-wadadii Shacbiga Somaliland, waxaanan leeyahay talo qaran
Masiirka ummada lagu badbaadinayo xukuumadu ha la timaado.
Source:Wargeyska
Haatuf
|