Xukuumadan uu hogaamiyo A.M.Siiraanyo mid ka wanaagsan hore umaynu arag dibna u arki mayno ee halag faa'iidaysto reer S.Landow !!!!!!

 

 

 


Waxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta sida wanaagsan noogu kala gudbisa wararka taasi oo noo heegan ah goor kasta Asww.


Intaasi haddii aan ku dhaafo warbaahinta iyo mahad naqeeda waxaan jecel ahay in aan ka had lo in yar oo tala xumayaal ah oo goor walba abuura qas iyo qalaanqal iyo waliba fidno dalka aan ku haboonayan oo ay ugu danbeeysay tii bishan ka dhacaday xerada soodaanta tii ka dhacada y ceel bardaale tii kale ee ka dhacaday saameel iyo kuwa xun ee ka socda gaobolada bariga ga ar ahaan sool iyo degmada buuhoodle intaasi oo dhan waxay wax yeelayanayaa xuku uma dan jirta oo inta taageedu yahay dadaal fiican muujisay,hase ahaatee ay had iyo jeeraale jalafayna yaan dadka somaliland diidka ah haday bari tahay iyo haday galbeed tahay intaba wixii ku kaca xumaantaasi iyo dilalka foosha xun waxay ka tarjumayaan somaliland diidnimo.


Dadka beelaha dhex ka mid ka ah ee ku kacay waxayaalahaasi oo dhan waa dad qaran dumis ah oo loo baahan yahay in la mariyo abaalkooda wax naxariis ahana aan loo yeelan sabata oo ah waxa ay ka sii meeqaam liitaan dadka iyagu somaliland diidka ah oo cadaw shisheeye dabada ka wado ama somalweyn ay taakulayso.


Hadaba aniga oo bal dib yara eegaya dadaalka xukuumadu gashay intii yarayd ee ay xilka hays ey oo ah sanad iyo kowiyo toban bilood(11) runtii waa wax lagu amaano mudadaasi oo ay xilka haysay inta wax tar ah ee ay qabatay oo ay ka mid yihiin siyaasada arimaha dibada oo u dhaw in la aqoonsado somaliland,arimaha nabadgeliyada dalka oo sare u kacaday mashaariic wax ku ool ah oo socda wasaaradaha iyo dawladaha hoose,cashuuraha oo si wanaagsan loo ururriyo isla markaana ku dhacada gacanta bankiga dhex ee somaliland,wadooyin badan oo ka hirgalay wadanka oo dhan oo aan tusaale u soo qaadan karo burco iyo oodweyne oo socda dila iyo boo rama oo ku dhaw dhamaad,dawowga hargeysa ama woqooyiga hargeysa oo isna ku dhaw dha maad,baligubadle iyo hargeysa oo isna lawado,salaxley iyo hargeysa oo isna si wanaagsan u s ocda hantidii dawlada ee la leexsan jiray oo aan jirin iyaduna ninkasta oo wax lagu tuhmana ma rkaaba la xidho,wixii mucaawino ah oo si fiican loo qaybiyo lagana ilaaliyo in ay gacan kale ku dh acdo,dhinca biyaha oo iyana aad looga shaqeeyey dhawaana laga yaabo in dalka oo dhami wad a oon baxo iyo dawlada oo dadaal xoogan ugu jirta sidii somaliland u noqon lahayd qaran taabo gal isla markaana ay caalamka uga mid noqon lahayd.


Iyada oo xukuumadu ay ku talisay in meel kasta oo somaliland dani ugu jirto in ay u geli doonto isla markaana ay ka qayb gashay shirkii ugu qiimaha badan ee london kaasi oo sumcad badan u soo hooyay reer sonmaliland guud.iyo waliba wadamadii carabta oo inoo soo joogsaday oo ina dhegaystay waxna inagu taray taasi oo aan hore loo arag

Sidaasi awgeed muddaii uu xilka la wareegay mudane A.M.Siiraanyo ilaahay cimrigiisa hadaayo e waxa aynu ka mid noqonay dawladaha caalmka wax aynu qarka u saaranahay in somaliland aqoonsigeed uu ku guulaysto halgamaagii weynaa ee ururkii S.N.M oo ah shakhsi nin waliba ka dheregsan yahay geesinimadiisa islamarkaana cidina aanay dafiri karin taariikhdiisa.


Sikastaba ha ahaato mudadan yar ee uu hogaaminayey madaxweyne Axmed maxamed siiraayo waxaa aynu ka mid noqonay caalamka jira waxaa si cad u muuqda waxtarka ay samysay xukuu mada somaliland waxaa markhaati ma doona ah in isbedelkii ugu qiimaha badanaa ka muuqdo m adaarada somaliland oo ay caruurtu oon ugu dhiman jirtay marka ay fasax u soo baxaan somali land isla markaan aan lagu kari jirin in caruurtu doorka danbe tagaan balse hada ay jeclaadeen fasax kasta in ay tagaan hargeysa ama berbera.

Waxaa intaasi soo raaca geesinimadii uu sameeyey madaxweyne siiraanyo oo ah in uu siyaasi ntii u fasaxay in ay furan karaan ururo siyaasadeed tasina ay ka soo baxeen lix urur iyo seddex dii hore oo ku tartimi doona saaxda in ay u soo baxaan seddex xisbi qaran intaasi iyo kuwa kale oo aanaan soo qaadin oo ah horumarka ay gaadhay xukuumadan jirta ee uu hogaaminayo Axm ed Maxamed Siiraanyo ayaa ah kuwa la xusi karo iyada oo waliba aanay hore u dhicin waxaasi oo waxtar ah ayaa hadana waxaa loo geystaa xukuumadan horjoogsi badan oo kaga imanaya dadka somaliland diidka ah iyo kuwa ay soo adeegsanayaan hadana waxtarkeedu waa kaa muu qda ee waxaan leeyahay dadka reer somalandow dawlada ka wanaagsan hore inoomay soo m arin dibna inoo soo mari mayso ee halaga faa'iidaysto ruug cadaaga siyaasadeed ee aynu doo ranaay hana lagu kalsoonaada xukuumada iyo hawlaheed iskana daaya hagardaamada aad ka ga farxinaysaan cadwga somaliland.

Ururada hadhay ee ku guulaysan waayay inay buuxiyaan shuruudihii looga baahnaa waxaan u soo jeedin lahaa in ay ogaadaan in aan gari laba nin ka wada qoslin haddii rag tartamo cid baa soo baxada cidina way hadhaa haddii aad hadheen iska daayo gunuuska gudiga diwaan gelinta awalba waxaad siiseen kalsoonidii wixii ka soo baxayna waa khasab in aad qaadataan kuna ka lasoonaataan


Guntii iyo gabagabadii waxaan u soo jeedinayaa dadka ku abtirsada somaliland in ay ku kalsoon adaan xukuumadooda oo durba aan dareenay waxa badan oo ay qabatay in badan oo kalana way qaban doontaa ee ha la ilaaliyo midnimada somaliland.


 

 

 

 

 

Abdi Amoud