Xukuumadani Iyadaa Looga Taag La’aa Ka Qayb galka Shirarka Somalia oo Sharciyadii Ka Taalayna Baabiisay, Maantana Way Ku Soo Oodantay, Ninka Is Yidhaahda Dalkan Iyo Dadkan Khiyaamee Isagaa Jabaya Muj. Ibraahim Dhagaweyne

 



Hargeysa (TNN) – Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne) oo ka mid ahaa hogaamiyey aashii Milatari ee ururkii SNM ee dalka xoreeyay, isla markaana ahaa gudoomiyihii urur siyaasadeed ka Udhis ee lagu reebay qiimayntii ururada ayaa sheegay in xukuumadu ay ku hungowday wada had aladii Somalia ee shuruucdii mabnuucaysay ka qaybgalka shirarka Somalia ay u laaleen. Mujaahid Dh agaweyne waxa kale oo uu tilmaamay in shacbiga Somaliland ay ogaayeen inaan wax dan ahi ugu ji rin madaxbanaanida Somaliland wada hadal lala yeesho Somalia xiligan, waxaanu intaa ku daray ina an qaranimada Somaliland wax gorgortan iyo wada hadal ah laga gali Karin. Mujaahidku waxa kale oo uu sheegay in go’aankii xayiraada lagaga qaaday cuna qabataynta hubka Somalia uu keenayo mid colaado qabiil ka dhex huriya dalkaasi Somalia. Ibraahim Dhagaweyne waxa uu sidaasi ku shee gay Xog waran Wargeyska Haatuf kula yeeshay isaga oo ku sugan Hargeysa, ayaa sidoo kale dhee gay in hogaamiyayaashii Udhis aanay ku biiri doonin saddexda xisbi midkoodna, balse ururkoodu yah ay mid mabaa’diidiisii wali taagan yahay. Mr Dhago-weyne waxa uu sheegay in gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan uu dan mooday inuu ku daba faylo Madaxweyne Axmed Siila anyo. Ugu horayna isagoo ka hadlaya go’aankii Madaxweyne Silaanyo Jimcihii ku cadeeyay inaan So maliland ka qaybgali doonin shirka dawlada Ingiriisku ay bisha May Somalia ugu qabanayso London, waxaanu yidhi “Horta Madaxweyne Siilaanyo isagaa looga taag la’aa wada hadalo lala galo Somalia, shacbiguse way ogaayeen inaan wax dan ah oo ugu jirta Somaliland ka qaybgalka shirarka Somalia aanay jirin, xukuumadanina waa tii sharcigii xaaraantimaynayay ka qaybgalka shirar Somalia baab iisay, sidaa darteed markii ay ku soo oodantay jibadii shirarka Somalia ay u qabeen ayay leeyihiin waanu qaadacnay ka qaybgalka shirarka Somalia. Madaxbanaanida Somaliland-na waa mid lama taabtaan ah, oo ku timid go’aan shacbi iyo halgan qadhaadh, ninkii jibo u qaba Somali-weyna isagoo shakhsiya ayuu tagi doonaa”



S: Qaraarkii cunaqabataynta hubka Somalia ay ku fasaxeen qaramada midoobay sideed u aragtaa?

J: Horta dalkaasi Somalia wax dawlad ah oo ka jirtaa ma jirto, qabaa’ilkii Somalia ayay hubkii iskugu dhiibayaan, badhna way hubaynayaan, badhna hubkii bay ka xidhayaan, laakiinse Somaliland way ka wayntahay qaran lagu cabsi galiyo hub loo fasaxo Somalia.

S: Hogaamiyayaashiinii ururkii Udhis ilaa hada kumaydaan biirin saddexda xisbi ee ku soo baxay door ashadii golayaasha deegaanka muxuu yahay qorshihiinu?

J: Ururkayagii Udhis ayaanu wali nahay, xisbi aanu galaynaa ma jiro, walina wuu jiraa oo mabaadiidiisii siyaasadeed wax iska badalay ma jiraan, cadaalad daradii aanu ka digaynayna waa tii ka soo shaac baxday ku shubashadii iyo musuqmaasuqii ka dhacay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalku ku sigtay inuu ku burburo.

S: Gudoomiyaha golaha guurtida oo muddo dheer aad ahaydeen rag siyaasada ku rafiiqa, kana wad a tirsanaydeen ururkii Asad, waxa uu dhawaan soo jeediyay in talada siyaasada iyo hogaaminta dal ka loo daba fadhiisto Madaxweynaha, arrinkaa maxaad ka leedahay?

J: Saleebaan isagaa daba fadhiistay abtigii Madaxweyne Siilaanyo, hana iska daba fadhiyo, haduu d an mooday abtigii isagay u taalaa.
 

 

Source:Haatuf