Xukuumadda Somaliland Oo Mowqif Adag Iska Taagtay Ha dal Ka Soo Yeedhay Wasiirka Afrika U Qaabilsan Ingiriiska Oo Sh eegay In S/Land Lagu Marti Qaaday Shirka Somalia London Loogu Qabanayo



 


Hargeysa (TNN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa mowqif cad iska taagtay Shir ay marti gelinayso Dawladda Ingiriisku oo loo qabanayo dhinacyada Siyaasadda ee Somalia, kaas oo la sheegay in lagu marti qaaday Somaliland ka qayb galkiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, ayaa sheegay in aanay Xukuumadda Somaliland ka qayb gelayn Shirka Dawladda Ingiriisku wado qaban qaabadiisa ee la filayo in Bisha February ee sanadka soo socda ka dhici doona Dalka Ingiriiska, kaas oo lagaga had li doono arrimaha Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in aanay Xukuumad ahaan diyaar u ahayn in ay ka qayb gasho Shirarka loo qabanayo Kooxaha Siyaasadda ee Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo, waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin wax marti qaad ah oo Dawladda Ingiriisku soo gaadhsiisey oo la xidhiidha shirkaasi.

Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo ka hadlaya Mowqifka Somaliland ee Shirka Dawladda Ingiriisku u qabaneyso dhinacyada Somalia, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa

“Waxay beryahan Saxaafadda qaarkeed Qorayeen warar aad moodo in ay ogolaatay Somaliland inay ka qayb gasho shirka ay Dawladda Ingiriisku u qabanayso Somalia Sannadka soo socda Bishiisa labaad oo lagu qaban doono Magaalada London, waxaanu dooneynaa in aanu halkan ka caddeyno in markii Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dhowaan Safarka ku tegey Dalka Ingiriiska,

Shirarkii uu la galay Dawladda Ingiriiska ee lagaga hadlayey Xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska ee xaga Nabad gelyada, Horumarka iyo Siyaasaddaba leh in ay ka soo baxday Doodo ku saabsan in Dawladda Ingiriisku ay Qorsheynayso sidii ay horaanta Sannadka soo socda shir ugu qaban lahayd Magaalada London, kaas oo lagaga hadlayo arrimaha mandaqadda iyo Nabad gelyada, gaar ahaan Somalia

Shirkaasi inkasta oo aanan weli helin marti qaad rasmi ah oo Dawladda Ingiriisku Somaliland kaga Codsaneyso inay ka soo qayb gasho shirkaasi, haddana Dawladda Somaliland way ka hadashay shirkaasi, waxaanay caddeysay Mawqifkeeda ku aaddan shirkaasi, waxaanay cadaysay Somaliland in aanay Shirarka noocaas ah ka qayb gelin oo ay tahay arimo u gaar ah Siyaasiyiinta isku haya Somalia oo aanay Somaliland u oolin, mana jiro Marti qaad rasmi ah oo ay Somaliland u soo dirtay Dawladda Ingiriisku”

Wasiirka Arrimaha Dibeddu waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Dawladda Somaliland waxay taageersan tahay Dedaalka ay Beesha Caalamku ugu jirto in wax laga qabto Xasillooni darrada Somalia iyo Mushkilada raagtay ee Somalia haysata, nabadeynteeduna waxay Maslaxad u tahay Somaliland iyo Waddamada Jaarka la ah , waxa laga hadlayeyna waxa uu ahaa wada hadallo ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska.”

Wasiirka oo aanu weydiinay go’aanka ay qaadan doonaan haddii Shirkaasi Dawladda Ingiriisku ku soo casuunto, waxaanu ku jawaabay “Haddii ay Dawladda Ingiriisku nagu soo casuuntana waxaanu leenahay Somaliland kama qayb gasho shirarka noocaas oo kale ah ee Somalia khuseeya, waxaanu leenahay Somaliland Shirkaas maaha mid iyada u yaala”

Hadalkan Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland uu ku caddeynayo Mowqifka Xukuumadda ee ku aaddan Shirka ay Dawladda Ingiriisku ku hawlan tahay, ayaa ku soo beegmaya, Xikki uu dhawaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska u qaabilsan Afrika Henry Bellingham uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) uu ka aqbalay inuu ka soo qayb galo Shirka Nabadda ee Kooxaha Somalida loogu qabanayo Dalka Ingiriiska horaanta sanadka soo socda.

“Raysal Wasaaraha Ingiriisku waxa uu ku baaqay in shir Caalami ah loo qabto Somalia, kaas oo qabsoomi doona 23-ka February ee sanadka soo socda, dabcan Somaliland waa lagu casuumay, waxaanan dhawaan kulan la yeeshay Madaxweyne Siillaanyo, waxaanu u gudbinay marti qaadkaas, isaga oo ballan qaaday inuu ka soo qayb geli doono. Runtii waxay noqoneysaa talaabo muhiim ah oo hore loo qaaday, haddii Somaliland ay shirarka dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Somalia ka qaadato door buuxa oo xaqiiqo ah.” Ayuu yidhi Wasiirka oo Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Baarlamaanku wax ka weydiinayeen Qaddiyada Somaliland.


Wargeyska Saxansaxo