Isbadalkii Waddo Halaq Dheh

 


Tan iyo markii ay Somaliland madax bannaanideeda kala soo noqotay midnimadii fashilantay ee  lix dankii waxaa jiray shakhsiyaad magac ku leh Somaliland oo aaminsan laftiyo dhuuxana ay ka  gas hay midnimo jacayl kuwaaso geed gaaban iyo mid dheerba u koray sidii ay u fashilin lahayeen  qa rankan curdinka ah, albaabkasta oo calamka ku yaalana u garaacay sidii ay Somaliland u minjo xaabin lahayeen.

Waxa kale oo shakhsiyaadkaasi Somaliland u dhashay tan iyo 1991 ay ka xaadirayeen madal  kas ta oo lagu hadal hayo arrinta soomaliya iyagoo ku andacoonaya in ay matalaan shacabka ku  dha qan Somaliland isla markaasna soo qaadan jiray cad quudheed iyo xilal

liidnimo ku jirto, balse xukuumadihii ugu danbeeyay ayaa waxay shakhsiyaadkaas u  magacaabay een xilal sare balse maqaar saar ah oo danta laga lahaana ay ahayd in la isku hortaago dadaalka ay Somaliland ugu jirto in ay beesha calamka kaga dhaadhiciso gooni isu taageeda. Inagoo  tusaa le ahaan u soo qaadan karna wasiirkii arrimaha dibada ee TFG dii C/laahi Yuusuf oo dhalasha  aha an ka soo jeeda Somaliland in uu iska hortaagay wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland ee xukuumaddii madaxwayne Riyaale in uu ka qayb galo shir midawga Afrika uu ku lahaa Addis Aba ba isagoo tageero ka helaaya wadamo Afrikaan ah oo ka soo horjeeda qadiyada Somaliland.

Haddaba akhriste aan u soo noqda dulucda maqaalakaygane.

Dhammaan xukuumadihii soo maray Somaliland waxa ay siyaasad cad ka lahayeen  shakhsiyaadka as Somaliland nacaybku lafta ka galay iyadoo qaar ka mid ah markii ay dalka ku soo laabteen  xab siyada loo taxaabay kuwo kalena dalka dib looga masaafuriyay, halka kuwo kalena iyaga oo ku su gan dalka dibadiisa ay cafis dalban jireen lagana aqbali jiray.

Balse xukuumada cusub ee ku timi isbadaldoonkii shacabka ayaa u muuqata mid gabi ahaanba aan siyaasad cad ka lahayn gobolka iyo guud ahaanba shakhsiyaadkan, balse isku koobtay wax  qaba dkii boqolka cisho.

Iyadoo 09 bishii Novenber uu dalka ku soo guryo noqday siyaasi caan ah Cismaan Jaamac Cali  (Ci smaan kalluun) siyaasigan oo aaminsan mabda soomaali wayn iyo fadaraalnimada, ayaa si xor ah uga soo dagay garoonka caalamiga ah ee Cigaal Intrnational Airport isagoo aan wax dhib ah kala kulmin xukuumada cusub.

Mudo ka dibna waxa uu dalka dib uga dhoofay isaga oo aan wax war ah laga hayn socdaalkiisa sa xaafadana diiday in uu la hadlo. Balse ujeedad uu Somaliland u yimi waxay kala caddaan doonta marka ugu horaysa ee uu siyaasigani saxaafadda la hadlo isagoo sidii dhacday sanadkii 2004 cad ayn doona in aanu ka noqon mabda’iisi soomaliwayn iyo inkale.

Waxaa kale oo isna dhawaan la filayaa in uu dalka ku soo noqdo siyaasi kan la mid ah oo waxa ka liya ee uu kaga duwan yahay ay tahay isaga oo qaar ka mid ah saxaafada gudaha u waramay u na sheegay inuu u hogaansamayo rabitaanka shacabka uu ka dhashay ee Somaliland taasi oo aa n la kala ogaan Karin in ay ka tahay awr ku kacsi iyo in ay dhab ka tahay.

Haddaba waxaan xukuumada cusub u soo jeedin lahaa bal in ay cadayso in midawgu uu ka mid ya hay isbadalkii aynu ugu codaynay ee aan ku dooranay Udub iyo Ucidna aan ugaga hiilinay iyo in a y wax kale ogtahay.

Guntii iyo gunaanadkii maqaalkayga waxaan leeyahay isbadalkii wado halaq maray dheh maalinaa n sii fogayna waxaa Hargaysa ka soo dagi doona shaksiyaadka ugu neceb Somaliland oo huwan calankii buluuga ahaa, xukuumaduna ay qabili doontaa.

 

 

 

 

 

Qalinkii: Axmednuur C/laahi Xuseen
Email:qays2007@hotmail.com
Hargaysa Somlliland