Xukuummada
Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hada shay Xidhiidhka U Dhaxeeya
Labada Dawladood Ee Somaliland Iyo Ethiopia.
Hargeysa (TNN)-Wasiir ku-xigeenka
Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Yoo nis
Cawaale ayaa manta sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya
inuu xumaaday xid hiidhka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo
Ethiopia, oo la isla dhexmarayey.
Sidaa waxa uu Wasiirku oo ku sheegay mar uu maanta u warameyey
Telafishanka Caalamiga ah ee Universal TV, waxa uu tilmaamay in
Siyaasada xukuumada cusubi ay ku salaysan tahay in kor loo qaado
xidhiidhka Dalalka Jaarka ah islamarkaana sidii uu madaxweynuhu
sheegay la fidinayo xidhiidhada lala yeelanayo wadamada caalamk a .
Wasiirka oo si taxadar leh uga hadlayey arrinta xidhiidhka
Somalialnd iyo Ethiopia waxa uu ku ee deyey xukuumadii uu
hogaaminayey Daahir Rayale Kaahin iyo xisbigii UDUB inay
isticmaaleen xili gii uu socday tartankii ololaha doorashada
madaxtooyada Somaliland hadalo ay ku eedeynayeen saarakiil ka tirsan
Xisbiga Kulmiye inay ka tirsan yihiin ururo xag jir ah hadaladaasina
laga yaabo inay dalalka qaarkood keydsadeen ama u qaateen warar
rasmi ah balse ay ahaayeen weedho si yaasadeed oo aan ku
haboonayn inay ka soo baxaan madax ka tirsan xukuumadasi .
Wasiir ku-xigeenku waxa uu xusay inay lagama maarman tahay ilaalinta
xidhiidhka ganacsi,siya a sadeed ,iyo nabad galyo korna loo
qaado iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia isag oo
tusaale u soo qaatay wakhti uu wasiir ka tirsan dawlada ithiopia uu
caalamka u canaanayey in aan dawlada Somaliland laga taageerin sidii
ay ula dagaalami lahayd kooxaha xag jirka ah iyo budhcad badeeda
somalida balse ay dawlada Somaliland iskeed dadaal ugu gashay ka hor
taga dhibaatooyinkaasi sidaa darted wasiirku waxa uu tilmaamay in
markastaba loo baahanyahay in labada dal ka wada shaqeeyan danahooda.
Sida laga war qabo todobaadkii ugu danbeeyey waxa isa soo tarayey
warar sheegaya inuu xum aaday xidhiidhkii siyaasadeed ee
Somaliland iyo Ethiopia taasi oo aanay jirin wax xaqiijinayaa.
Source:Hadhwanaannews
|