Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Vs Xukuumaddii Riyaale

 


Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku soo canamaashay jiritaankeeduna halkaa ku soo gaadhay w aa ILLAAHAY mahaddiis weeyee waa xeerka dimuqraadiyadeed ee aynu dhiganay oo ku dhisan  x oriyatal Qawl, xoriyadda muwaadinka oo ay ka mid yihiin in muwaadinku waxna dooran karo isna la dooran karo xuquuqda iyo xaqa uu muwaadinku leeyahay oo loo ixtiraamo. Jamhuuriyadda  Som aliland waxay soo martay maraxalado qadhaadh oo kala duwanaa iyo masiibooyin badan oo  laga ga soo guulaystay isku duubni isu tanaasul iyo kala dambayn.


Siyaasada dalkeena oo ku dhisan nidaamka axsaabta badan ayaa xaq u siinaysa in qofka  muwaad inka ihii ka mid noqon karo amaba taageeri karo xisbiga ay marka dan u moodo. Waxaynu kala  taa geerna sedexda xisbiyi qaran ee hada taagaan inaga oo qaarkeen xisbi u soo jeediyaan dhaliil  qa arkeenna xisbigaas la dhaliilay isla bar taagaanno taageero iyo difaac. Hadaba taa waxaa si adag uga reebban in xoryadda saxaafada iyo xoriyatal qawlka muwaadinkaba lagu qaldo af lagaaddo, erayo aan laa'iq ku ahayn shakhsi ama xisbi muxaafida ah iyo mid mucaarad ah toona. Waxaa kale oo ceeb ah in been qaawan oon meella dabada ku hayn saxaafadda loo adeegsado websityadana lagu soo daabaco in wax lagu yeelo qof mas'uul ah ama ururba.


Haddaan u dhaadhaco dulucda maqaalkayga waxaan marka hore salaan iyo mahadnaq balaadhan u dirayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo u soo sabray in uu doorasho xor iyo xalaal ah ku tartamo kabacdina ku guulaystay doorashadaas  i yo madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin oo noqday  madax weyne magaci Somaliland wax u taray taariikhdana noqday madaxweyne Afrikaan ah oo markii d oorasho lagaga guulaystay si geesinimo ku jirto oo sharaf iyo dimuqraadiyad leh gole fagaare ah ku wareejiyay xilka madaxnimo ee qaranka.


Hadaba aniga oo nuxurka qoraalkayga ku noqonaya waxaan in badan websityada reer Somaliland ka akhristay eedo iyo dhaliilo dhawaanahan dambe ku waajahan xukuumadda madaxweyne  Siilaa nyo oo aan jeclaystay in aan inta ka muhiimka ah bal ka soo qaato halkanna aan isu soo barbar  d higo.


Dhaliilaah Xkuumada Madaxweyne Siilanyo


Waxaa inta badan lagu celceliyaa in amnigii dalku hoos u dhacay tan iyo ay xukuumadda  mada xweyne Siilaanyo talada la wareegtay halkaas oo inta badan la taabanayo hubkii ay xukuumadda lafteedu qabatay ee lagu waday dalka aynu jaarka nahay ee Ehiopia.


Waxaa inta badan lagu celceliyaa in madaxweyne Siilaanyo aanu waxba ka qaban balanqaadkii uu doorashada ku galay.


Waxaa lagu celceliyaa in xukuumadda madaxwayne Siilaanyo aanay shaqo abuur u samayn dhali nyaradii jaamacadaha ka qalin jabisay.


Waxaa kale oo aan arkay maqaalo sheegaya in saxaafadda la cabudhiyay.



Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin

Hadaba hubkii lagu qabatay dhawr bilood ka hor gobolka Salal ee u socday ONLF mar aan dhaga ystay waraysi laga qaaday taliyihii hore ee police-ka qaranka Mr Saqadhi Dubad waxaa ka mid ah aa hadaladiisii in meeshaasi ahayd meel illa xukuumaddii Siyaad Barre la soo mari jiray balse xuku umaddii cusbayd nasiib u heshay kuna guulaysatay in ay soo qabato. Haddaan hadaba maanta is barbar dhigo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddi madaxweyne Riyaale dhinaca a maanka gudaha ee dalka waxaa dib ugu noqonayaa 2002 iyo 2003. Waxaa magaalada Hargeysa l agu dilay nin ajnabi ahaa. Magaalada Boorame bishii Octobar 3deedii sanadkii 2003 si gaadma ah o o argagixiso ahayd in lagu dilay Annalena Tonelli oo ahayd hawenay Talyani ah, waxaaa kale jirtay wax yarba kadib in dugsigii sare ee magaalada Sheekh ku yaalay ay isla halkaas dil argagixiso aha a lagu dilay lamaane ingriis ahaa oo maamuleyaal ka ahaa dugsiga Sheekh. Waxaa muddo yar ka b acdi fal kale oo argagixiso ahaa lagu dilay haweenay ahayd Kiinyaan nin Jarmal ahaana lagu  dhaa wacay jidka u dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera . dambiilayaashii falakaas gaystay xukuumaddii ma daxweyne Riyaale waxay markaas dhangadda la dhacaysay qabashadooda meel qaldan oo aan lo o joogin illa aakhirki muwaadiniinta dagmada Dhoqoshay ay gacanta ku dhigeen qolyihii argagixisa da ahaa ee fal dambiyeedka gaystay halkaasna ay dawladda u gacan galiyeen.

Hadaba Amaanka qaranku ma wuxuu wanaagsanaa ama aad u adkaa xukuumaddii Riyaale oo inta a aan soo sheegay aan ka haleelay oo ay u raacdo waliba sanadkii 2008 in madaxtooyadii hadda waa xafiiskii qarankaba laga xukumayay, safaaraddii Ethiopia ee Hargeysa iyo xafiiskii UNDP da  ha dh cad argagixiso ay qarxisay ? Waa maxay markaa amaanka xukuumaddii Riyaale ay haysay ee l aga waayay imika laga waayay xukuumada madaxweyne Siilanyo?


Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxay si rasmi ah talada dalka u soo wadday muddo shan bilood iyo maalmo ah hadaba sida darteed macquul ma tahay in muddadaa yar ee gaaban in ay ku fulin karaan balanqaadyadii oo dhan iyaga oo khasnado madhan iyo dayn xukuumaddii madaxwey ne Daahir Riyaale kaga tagtay kula wareegay maamulka?


Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo shaqo abuur waxaa lagala xisbaatamaya marka ay soo saa raan miisaaniyaddoodii ugu horaysay oo wali aan soo bixin, faraqa u dhaxeeya labada  xukuumad oodna waxaad ka daalacan doontaa faraqa u dhexeeya 37 milyan oo ahayd miisaanyadihii  xukuu madii madaxweyne Riyaale iyo waxay noqoto miisaaniyadda cusbi . Waxaana jirta in xukuumadahu illa miisaaniyadahoodu soo baxaan in aanay shaqooyin abuuri karin.


Ugu dambayn iyo gabagabo wariyeyeyaasha saxaafadda madax bannaan waxaynu u soo wada joognay oo dhacdayin badan oon tiro lahayn cabudhin lagu hayn jiray saxaafadda waxaa jiri jirtay xadhig, tacaddi kamaradaha oo laga jajabiyo ama la iskaba xidho lix bilood illa sannad hadal la'aan. Waxaa ka mid ahaa Yusuf Gaboobe iyo laba wariye oo ahaa Haatuf media.Waxaa ka mid ahaan  jir ay Xasan Siciid (Jamhuuriya) waxaa ka mid ahaan jiray waeiyeyaashii Idaacaddii madaxa  bannaa nayd ee Horyaal Dhuxul , Sayid Liibaan Maaweel iyo qaar kale oo badan.


Waxaa ah wax aad loogu farxo in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay durba mudadaa yar ee gaaban ay umadda reer Somaliland xaqoodii dastooriga ahaa ay u soo celisay kadib markay isla markiiba daaqadda ka tuureen xukunkii deg deg ahaa ee sara jooga lagu xukumi jiray muwaadiniinta laguna badalay kii distoorka qaranka ku qornaa oo ah in warant maxkamadeed oo kaliya muwaadinka lagu soo xidhi karo. Dhaliishuna muxaafid iyo mucaaridba waa inoo wada furantahay waxaa se muhiim ah in aan laga tagin wixii aad caaridaysana in xaqiiqadeeda la soo bandhigto wixii aad difaacaysana in xaqiiqadeeda la soo bandhigto si wax la isula toosiyo dimuqraadiyadeenuna aanay u qaloocan.

 

 

 

 

 

 

Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto, Canada