Xukuumadda Somaliland Oo TV-ga Universal Oo Joojisay Inuu Ka Shaqeeyo Gudaha Dalka


 



Hargeysa March 10th, 2011  (TNN)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta qoraal uu soo saaray shaaca kaga qaaday in TV-ga Universal ee xaruntiisu tahay London, laga joojiyay inuu ka hawl galo dhammaan gobolada Somaliland oo dhan, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka baxay isla markaana jabiyay anshixii iyo xeerarkii saxaafada u ya alay.

Wasiirku waxa uu sheegay in TV-gaasi uu dhaqan ka dhigtay isku dir iyo khal khal gelin lid ku ah  sumc ada qaranimadda Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in TV-gaasi uu ka baxay balan qaad qoraal ahaa oo madaxda Universal soo saareen 19-kii Bishii October ee sanadkii la soo dhaafay ee 2010-kii oo ay ku sheegeen inay ku shaqaynayaan dhex dhexaadnimo oo ay dabaqi doonaan anshaxa saxaafadda.

Md. Xaabsade waxa uu intaasi ku daray in TV-gaasi beeniyay muuqaalo been ah oo ay soo  bandhigee n muuqaalo mayd aan ahayn dagaalkii ka dhacay Kalshaalle oo ay ku sheegeen in ciidamada  Somalilan d ay taangiyo mariyeen dad shacab ah 2/3/20011. sawiradaasi oo ahaa muuqaalkii dagaalo ka  dhac ay magaalada Baydhabo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu Mulkiilaha TV-gaasi ku wargeliyay in laga joojiyay inay ka hawl galaan dalka  Somalilan d laga bilaabo maanta oo bishu tahay 10/3/2011. ka dib markii uu xusay in lagala quustay in ay ku  sh aqeeyaan dheelitirka wararka iyo ilaalinta ashaxa mihnadda Saxaafadda.

Qoraalka TV-gaasi lagaga joojiyay inuu ka dhex shaqeeyaan Somaliland waxa loo kala diray  Badhasa abadda gobolada iyo Taliyeyaasha qeybaha booliska ee gobolada dalka oo lala socod siiyay inay tall aabo ka qaadaan cidii lagu qabto inay war u dirayso TV-gaas.

 



Source: Somaliland.Org