"Xukuumaddu Yaanay Faraha La Soo Gelin Doorashada Maayirka Caasimadda Hargeysa" Suldaan Maxamed

 

 



Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ,waxa uu sheegay inay heshiiskan ay dhigteen sad dexda Beelood ee.............



Hargeysa (TNN) - Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi qaadir, ayaa shaaca ka qaaday heshiis Sadex beelood oo deegaanka Hargeysa ahi ku shur aakoobeen, kaas oo uu sheegay Suldaanku inay dhigteen sadexdaasi beelood wakhtigii Jag ada Maayirnimada Hargeysa loo doortay Xuseen Maxamuud Jiciir heshiis ay ku wada shaq aynayaan marka ay timaado cidda Maayar ka noqonaysa Caasimada Hargeysa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay inay heshiiskan ay dhigteen sadd exda Beelood ee Arab, Isaxaaq iyo Ciidagale oo ka mid ah Beelaha Dega Magaalada Hargeysa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Xalay Khadka Telefoonka ugu waramayey Warg eyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay inay beelahaasi heshiis ku yihiin in doorkan la sii yo Jagada Maayirnimada Hargeysa Beesha Arab, halka beesha Ciidagale ay markii hore qa adatay, beesha Isaxaaq-na ay doorka dambe qaadan doonto.

Suldaan Maxamed oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay  Maayirnima da Magaalada Hargeysa waxa jira Cahdi, waxaana wada galay Cahdigaas qaar ka mid ah Beelaha wada dega Hargeysa oo tii uu Jiciir dhawr iyo Tobanka sanno ku fadhiyey-ba wax ay ahayd Cahdigaas, Cahdigina sidii ayuu u taaganyahay, waxaanuu Cahdigaasi ka dhexe eyey Sadex Beelood oo kala ah Arab, Ciidagale iyo Isaxaaq, sadexdaas oo heshiis ku ahaa in hadda la siiyo beel iyaga ka mid ah oo ah Beesha Arab ,markii horena waxa la siiyey Ciid agale marka dambena la siiyo beesha Isaxaaq, markaa anaga cahdigii waa naga halkii ninki baalmaraana waxa uu jebiyey cahdigaas, markaa waxaan leeyahay doorkan waxa u taag an Maayirnimada Hargeysa Beesha Arab.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo Xukuumadd a la hadlaya waxa uu yidhi “Xukuumaddu Xisbi ayey leedahay oo xisbigu meesha uu doono ayu fara geliyaa, laakiin waxaan leeyahay Xukuumaddu yaanay faraha la soo gelin Dooras hada Maayirka Caasimadda Hargeysa, waxaanan ugu baaqayaa inay faraha kala baxdo da dku iyaga ayaa xor u ah cidda ay keensanayaan, waxaanan taas si gaar ah uga codsanaya a Wasiirka Arimaha Gudaha oo Dawladaha hoose ku shaqa leh, waa in ciddii loo keeno ee ku guulaysata Maayirka Hargeysa uun ay la shaqeeyaan, anaguna u keeni mayno cid xune waxaanu keenaynaa qof wanaagsan oo dadka wax u qabta lana shaqeeyaa.

Suldaan Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay jiraan Rag dibeddaha ka yimid oo doona ya inay dalka xilal ka qabtaan taasina ay ku xidhan tahay sida ay beelohoodu u soo doorta an, isaga oo sheegay in ninka Maayirka Hargeysa noqonayaa yahay nin deegaan ah, waxa anu yidhi “Hargeysa Ninka Maayirka ka noqonayaa waa nin deegaanka ah, rag kale oo dibe daha ka yimid oo doonaya inay dalka xil ka qabtaanna way jiraan, kuwaasina waxay ku xid hanyihiin sida ay beelohoodu u soo doortaan, laakiin anigu kama hor istaagayo haddii uu nasiibkoodu siinayo, Alle ha guuleeyo ayaan leeyahay”.

Suldaan Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay Salaadiinta Beesha Arab u soo gudbiyeen Qoraal ay ku soo cadeeyeen cidda ay u xusheen Maayirka Hargeysa, kagana codasadeen Beelihii heshiiska kula jiray inay Cahdigii fuliyaan, waxaanuu yidhi “Salaadiinta Beesha Arab waxay noo soo gudbiyeen Qoraal ay ku soo cadeeyeen ninka la yidhaahdo C/laahi Aw Aa dan inuu u taaganyahay Maayirnimada Hargeysa, ninkaas oo Mujaahid ahaa halgankiina ka soo qayb qaatay in bandanna ka soo shaqeeyey Dawladaha hoose ee waaxyaha ay Harg eysa ka koobantahay, haddii ay taas cidi kala kicinaysana waxa ku shaqo leh cidaas kala kicisa, laakiin beelaha kale ee aan heshiiskaas ku jirin waxaan leeyahay haddii ay ku soo baxaan waa nasiib kood umana diidayno”


Source:Wargeyska Saxansaxo