XURMADA LIXDA APRIL IYO XUSUUSLA’AANTEENA

 

Waxba yaanu xeerkay imarin xoolana isiine
xaashee nin libin kaa xistiyey xumihi waayaab!

Haduu ruux abaal kuu galo oo ku wanaajiyo oo cadaw kaaa dhiciyo oo uu waliba  nafti isa kuu huro side baad ka yeeli lahayd?
Hadiise uu ruux ku Marti qaado oo uu ku sooryeeyo goolalna kuu loogo gogashana k uu fidiyo adigoo waliba hore u xumeeyey adigu side baad ka yeeli lahayd?
Waxaan filayaa in jawaabta uu ruux kastaba afkiisa ka soo baxaysaa tahay , abaal kiisaan gudi lahaa intaan gudi karo .

Waxaan uga socdaa maanta dal baan leenahay, nabad baan haysanaa, calan tawxiid ku qoran yahaa inaga dul babanaaya, waxbarasho iyo aqoonbaa jirta ilaa heer jaama cadeed ah tayo kasta ha lahaatee, dib u dhis iyo ganacsi baa jira, islaamnimo iyo  diin tii oo meelkasta laga fidinayoo masaajidkasto wacdi laga marinayaa jira, ,walaalahe ena koonfur ee luuqada, midabka, qaarada, xadka, diinta iyo soomaalinimadaba ina la wadaagaa intaa midna ma haystaan.

Ma isweydiiseen k.somaliya maxaa inaga duwey ee heerkaan marayno ina soo  gaadh siiyey? Horta waa nimco rabbi oo waa wax illaah ina siiyey laakiin illaahay cid ayuu sabab uga soo dhigey oo guushaa, geedkaa iyo gobanimadaa aynu harsanayno sab ab uga soo dhigay.

Sida cad ee aan la dafiri karina cidaasi waa ururkii dhaqdhaqaaqa samaaliyeed (SNM). waxa uu ahaa ururkii umadan ka dul qaaday dhurwaagii dhacaaga ahaa ee umadan hagardaamada iyo hiiftaanyada soo gaadhsiiyey waa taliskii maanka daraa een mas kada ka fakari jirinee lagu maga caabi jiray kacaanka siyaad bare na uu madaxda u ahaa .

SNM waxay duurka u galeen in ay xaqdaradaa iyo xad gudubkaa umada ku socda ka furdaamiyaan waxay naf iyo maalba u hureen sidii ay umadan xurmadoodii u soo celin lahaayeen, waxay oon iyo gaajo ugu le’deen sidii ay dalkan iyo dadkan dhidarkii  xab aalo qodka ahaa uga saari lahaayeen, ka gadaal intaana illaahay waa ku guuleeyoo waa ay hantiyeen libintii idanka illaahay mudo ku siman ilaa 10 sano qiyaastii ayey halgankaa xaq u dirirka ah ku jireen oo ay ugu soo ad kaysteen duruufo faro badan oo ciil iyo caloolyaw lahaa.

Hadaba markii SNM ay ka adkaatay rajiimkaa ilaahay galladii waxaa lagu dhawaaqay oo madaxdii iyo guurtidii SNM goosteen in umadu isa saamaxdo laguna dhawaaqo dawlad ka gaar ah wixii laysku odhan jiray jamhuuriyada dimuqraadiga saamaaliyeed laguna dhawaaqay jamhuuriyada Somaliland, halkaas waxaa madaxweyne loogu doortay hogaankii xiligaa ee SNM kadib saddex sanadood SNM waxay wareejisay xilkii sidii ku talo galku ahaa halkaas ayey ka soo bilaamatay horumarkii iyo kor usocodka Soomaaliland ilaa aynu maanto marayno heer doorashooyin oo tartan ahi ka dhaco dalkeena

Hadaba waa yaabe SNM oo ah hooyadii Somaliland dhashay somalilandna ay ka soo jeedo SNM maxay ku dhacday in la xasuusan waayo asaaskii SNM , in la xasuusan waayo dadkii guushaa soo hooyey, in la xasuusan waayo agoontii ay ka tageen xaq u dirirayaashii SNM, in maanta SNM taariikhdeedii god madaw lagu rido, in maanta hadiii aad SNM soo qaado sumad gaaar ah iyo dhegjeex laguugu yeelaayo!!
in maanta xuskeedu uu ka duwanaan waayo kuwa ururada NGO yada, waa yaab waa yaab waa amakaag waa waa anfariir waa wax aan hore loo arag taariikhaha  aduunk ana soo marin.

Taariikhdu iyadaa is xusta iyadaa waayaha umada hogaamisa iyadaa laga tixraacaa tagtada tilmaadadana loogaga tusaale qaataa.
Sida qaar inaga mid ahi ka war qabaana salaasadii waxay ku beegnayd 6da april oo ah maalintii la aas aasay SNM maalintaa iyada ahi qadarin ay lahayd haba yaraa tee may helin.

Horta waa mid ee dad weyne muu ka soo qeyb gelin xuskaa marka laga reebo  waxa an ka badnayn 100 qof, waa ta labaade qaban qaabaduna may ahayn mid abaa  bul an, waayo astaamo la taaban koro oo ay ku xardhantahay weynaynta maalintan oo kale may oolin fagaaraha marka laga reebo labo maro oo u muuqday qaar waa hore lagu qoray qoraalada ku qornaa, taasi waxay cadaynaysaa inaan wax dhaqaale ah oo lagu fuliyo xuskaa aanu jirin, waa ta seddexaade xukuumada maanta wadanka ka talisa ka soo qeyb galkii xuskaa way ka xusul siibatay wax magac dawladeed sitana waxaa madashaa joogey oo ugu taytal sareeyey uguna hooseeyey wasiir ku  xigee nka cadaalada MD Yuusuf Ciise Talaabo oo markasta ka qeyb qaata xuska lixda april taasi waxay marag cad u tahay siday xukuumadu uga gaabisay SNM iyo qiimayntay ku lahayd waana mid lagu tilmaami karo nasiibdaro iyo ayaandaro tii ugu weynayd.
Isku soo wada duu duuboo xuskaasi waxa uu ahaa xus tabcaan ah taag daran tamar aan lahayn tiiqtiiqsi ka muuqday yasidi ku lamaanayd oo aan waxba loola hadhin  taar iikhdii umadani lahayd.

Guntii iyo gabo gabdii waxaan ku soo gabo gabaynayaa maqaalkaygan dhawr talo ah

Mid waxaan u soo jeedinayaa madaxdii SNM cida ama inta ka nool maaanta
Maanta idinkoo nool baa la laayahay taariikh sugan oo aad isku raacsan tihiin oo aad ka wada raali tihiine berri markaad dhimataan maxay noqon? Taladaydu waxay tahay madaxda maanta nooleey taariikh SNM leedahay oo sugan oon cidna durayn cidna u ee xanayn ha laydinka helo soomaaliduna waxay tidhaaddaa “hadii lagu sheegana  w aa lays sheelaa hadii lagu sheelana waa lays sheegaa’’ sidaasi daraadeed waxaan leeyahay haday umadii idin xusi weyday ha niyad jabinee waxaad qabateen markasta la soo taagnaadoo ummada xasuusiya.

Dadweynahana mid baan leeyahay

Reer soomaalilaanaw abaalkii SNM ma wuxuu noqday in aaad iyaga eed uun huwisaan oo wanaagoodii la xasuusan waayo? Dadweynaw waxaan idin leeyahy intaad  waxy aabaha hoose ee SNM ka hadlaysaan kii weynaa ee ay inoo soo gashay aan  xasuusa no libgadka iyo abaal laawe nimodana aan joojino hadaynu maanta taa wax ka qaban weynana tu kastana waxba ka qaban mayno, ee halgankii curadada lagu waayey ee asayda hooyooyinku u qaadeen, caruurtuna u agoomawday yaan la ilaawin  abaalkiis ana lama gudikaree bal xasuusnaada uunoo maanka uun ku haya waxaa layidhi  “du markuba xurmada foosha way xanaf wareeraane balse inay xusuus daran yihiin xay lka kale moog’’ waxaan leeyahay yaan aayar uun la ilaabin wixii dhiiga iyo dhuuxa loo shubay ee lagu dhabar jabay.


Dawladdana mid baan leeyahay

Dawladda waxaan leeyahay dalka idinkaa gacanta ku haya dawladaad haysaan waa tii SNM dhalisay waa tii ay idinku wareejisay garta waajibka idinka saran taariikhda iyo SNM xurmadeeda waa kiii salaam carabay lahaa “lag ninkii cunsiiyey dishaa liida doqomeed’’ ee sidaa hanoqonina ogsoonaada in maalinkasta oo dalkani leeyahay oo laxuso inay 6 april dhashay 18 may ee iyadaba sida gaabiska ah u xustaan ogaada in ay SNM dhalisay ogsoonaada in somalilandta aad maanta gacanta ku haysaan iyo dawladaad ku faanaysaan tahay midhii SNM kurisgana laydiin dhiciyey mahadnaqa shukriya alxamdulilaysta ma lihi idinka SNM idinka mid maaha laakiin haba yaraatee SNM qaarbadan oo ka mid ahi waa ku jiraan sidaan aamisanahay xukuumada waxaan talo ku soo jeedinayaa ha la sooceliyo taariikhdii SNM ee dugsiyada dhexe lagu  dhig an jiray inta layska daayo dacal laba erey lagaga xariiqo buuga , halaga dhigo lixda april maalin qaran oo la mid ah maalmaha fasaxa la yahay ee lays fasaxo  xukuum aduna ha ka qeyb qaadato xusida SNM ilaa madaxweyne ilaa karaani hadii kale dadka waxaad u sheegaysaan waa been waa biyo col dhaanshay waa huf waa waxaan maskaxda fayaw galayn ee la socda haka dhigina SNM wax xisbi gaar ihi leeyahay oo maantana xukuumada ka soo horjeeda ee og soonaada umada reer soomaaliland oo dhan min laascaanood ilaa saylac waa lagu wada jiray SNM.


cid inaan aflagaadeeyo ama sumacadiisa wax u dhimo ulamaanjeedin qoraalkan hadii uu cid wax u dhimaaayana raali galin buuxdaan ka bixinayaa wixii aan asiibay waa  il aah mahadii waxaan khalday ee aan ku gafayna waa naftayda iyo shaydaanka .

allaa mahad leh

 

 

 

Qalinkii : Axmed Moxamed faarax (badeed)
Email : axmed1432@hotmail.com
Aleen: +25224482935
GUUL IYO GOBANIMO