Munaasibad Duco Iyo Baroordiiq Ah Oo Lagu Xusay Marxuum Maxa med H. Ibrahim Egal (A.H.U.N) Magaalada Birmingham UK.

 


Birmingham,UK (TNN)- Maanta ay May 3 Sadex tahay 2010, ayaa Waxay ku Beegantahay Sanad Guuraddi 8-aad Ee Ka Soo Ware egtay Geeridi Naxdinta Lahayd Ee Ku Timid Madaxweynihii hore ee Somaliland  Marxu un Maxamed Xaaji Ibr ahim Cigaal (A.H.U.N).

May Sadexdeedii (3) 2002 ayay ahayd Maalin xasuus ma hadho ku ah Umadda Somaliland markii la soo  sh eegay Geeridi Geesiga ka baxay Somaliland Geeridu waa xaq, '' kullu nafsi daa' iqatul mawt'' , waxaana warkaasi uu shock ku noqday dhamaanba umadda Somaliland Gude iyo dibedba.
Hadaba Shalay oo Axada 02 May 2010 ayaa Munaasibad kulmisay oo isuna keentay dad aad u fara badan oo isugu jiray Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Birmingham UK iyo dad kale ayaa lagu xusay Marxuum  Maxam ed X.Ibraahim Cigaal (A.H.U.N), Munaasabadaas waxaa ka soo qayb galay Jaaliyada Somaliland ee  Magalad aasi., Islamarkaana Waxa Madashaasi laga akhriyay duco iyo baroor-diiq loo soo jeediyay  marx uunka iyo  we iba Taariikhdii iyo Sifihiisii wanaagsanaa oo aad looga sheekeeyey........

Markii laga gudbay xuskii iyo baroor-diiqdii waxaa bilaabmay Barnaamijkii loogu talagalay oo ugu  horayn ba w axaa ku furay Aayad Quraana Shucayb Maxamed Gurux , isla markaana waxaa qabsaday  Codbaahi yaha  Mud ane Maxamed Ismaciil Adan oo ku hadlayey Magaca Jaaliyada Birmingham oo isagu si rasmiya u furay  Xaflad aasi .

ka dibna waxaa la wareegay Xidhiidhiyaha Xaflada Eng: Ahmed Haji Ali Caynabo ka mid ahaa dadkii   muna asa badaas sida wayn u soo qabanqaabiyay soona agaasimayoo isagoo ugu horeyn aad ugu mahadnaqay  dham aan dadkii ka soo qaybgalay oo waqtigooda qaaliga ah u huray inay ku xusaan Geesigaasi ay  umad da  Somalil and dhamaan ku dhaadato , isla markaana waxa uu ku soo dhaweeyey Mudane Bashiir  X.Xa san Geele oo ka mid ahaa Golihii Wasiirada ee Xukuumada Marxuun Cigaal .

Mudane Bashiir X.Xasan Geele waxuu aad ugu sheegay Taariikhdiisii Marxuunka oo uu ku sifeeyey  Shaqsi yad wanaagsan, isagoo mar uu tusaale u soo qaatay ,in uu aad u ixtiraami jirey dad Muxtarimka sida   Ma daxdha qameedka , Siyaasiyiinta , Dadka kale waaweyn , Masuuliyiintiina la shaqaysa iyo cid kastoo  mud an oo weliba uu aad u dhageysan jirey talooyinkooda , waxuu ka fekeri jirey ayuu yidhi markasta inuu um adda wax u  qab to, waxuuna ahaa shaqsi umadda u shaqeeya lakiin aan ka shaqaysan.

Mudane Bashiir X.Xasan Geelle ayaa sheegay in uu ku sifeynkaro Marxuun Cigaal oday nabadeed , dulqa ad badan, deeqsinimona u raacdo, isla markaana, ka fog Musuqmaasaq , waxaana daliil u noqonaysa ayuu yidhi inaan lagu xamin karin hanti meel uu dhigtay ama uu wax ku qabsaday.

Mudane Bashiir X.Xasan Geelle waxa uu sheegay inay Aabihii X.Xasan Geelle Saxiib ahayeen way  badnay d  Ta ariikhdiisii iyo Sifihiisii uu ka sheekeeyey Mudane Bashiir lakiin waxuu ku soo gabagebeeyey in uu  ah aa  Hoga amiye Siidh ku beeray Meel Saxaraha oo lama degaana, Midhihii faa,iidadeediina ay maanta  Gur anayaan  Buls hada Somaliland taas uga jeeday markii dalka May 1993 loo doortay halkii uu ka soo  qaad ay iyo markii uu ka tagay sida uu ka dhigay S/Land.

Waxaa ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay oo halkaasi erayo duco iyo baroor-diiqaba ah ka soo  jeedi yay Mudane, Cumar Cabdilaahi Yaasin waxuu ka aad ugu sheekeeyey Taariikh nololeedkiisii oo dhan …Isagoo  sh eegay inuu ahaa Hogaamiye sameeyey hannaan dhamaystiran , isagoo tusaale u soo qaatay Sanadkii 1993-kii xiligii uu ku soo beegmay xilli dalka ay ka jireen Beello aad u hubaysan iyo Ganacsato  hu baysan oo lagu  jir ey in lays laayo iyo in lays baadho, kaas oo ka dhigay Beelihii kala qaybsanaa Dowlad keliya oo wado kasta u maray hadafka hirgelinteeda taas oo aanay jirin cid ka caawisay iyo dowlad kale oo gacan ku lahayd  hawsha asi balaadhnayd.

Mudane Cumar Cabdilaahi Yaasiin ayaa sheegay in uu ka mid ahaa halku dhagyadiisii in Danta Qaranku jirto in qofku u ilaawo dantiisa gaar ahaneed ..., waxaana uu aad ugu digi jirey ayuu yidhi.. in Qaranka iyo  Qabyaala da la kala fogeeyo , waxuu uu ahaa wadani jecel wadankiisa , oo la simay mudo yar gudaheed Caalamka kale.

ugu danbaytiina Waxaa halkaasi isna khudbad ka akhriyay Eng: Hussein Aden Egeh (Hussein Deyr), oo   s hee gay inuu ka mid yahay dadkii aan nasiib u helin inay la kulmaan marxuunka laakin waxaan ka helay dadkii ku dhowaa isagoo soo ururiyey dadkii aadka ugu dhowaa Marxuunka oo uu si wayn uga  sheekeey ay  taariikhd iisii marxuumka waqtigii uu geeriyooday sida ayuu yidhi:-

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka mid ahaa dadkii wax laga weydiiyey  Marxu un Cigaal ayaa sheegay in ay Mudo badan soo wada shaqeeyeen aadna isu yaqaneen , isagoo sheegay inuu  ah aa Geesi taariikhdu ay markhaati ka tahay waxaa uu umaddiisa u qabtay, oo qofkasta oo  Somalil and uu  dar eemayo, Gudoomiyaha Kulmiye ayaa ku tilmaamay Marxuunka Siyaasi Weyn oo Magac lahaa iyo weliba  Aabi hii Somaliland , mana aha ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye nin maanta looga sheekeyn  k aro umadda  Somalila nd, waxuu ahaa Geesi caana oo soo maray taariikho badan leh Isla markaana uu  ah aa nin lagu aamini  karay ey Hogaaminta dalka iyo dadkaba, oo aan looga werweri jirin.

Ex-Wasiir Maxamed Cabdi Dheere ayaa ku tilmaamay Marxuun Cigaal inuu Somaliland u yahay Maxamed Cali Jinaaxii Pakistan Iyo Hindiya Kala Saaray.

Dr, Edna Adan oo ahayd Marwadisii ugu horaysay ee uu guursado Marxuunku ayaa mar ay ka  waramay say Marxuun Cigaal taariikhdiisii nololeedkiisii waxay tidhi "Marxuun Cigaal waxuu ka mid ahaa Raggii  Hor moodka ka ahaa halgamadii Gobonimo doonka ee Afrika sida Kwama NKruma, Juluis Neyrere(Tanzania) iyo rag kale, iyadoo sheegtay inuu ahaa Ruug Cadaa iyo Xeel-dheere Siyaasadeed oo leh aragti dheer si fiicana u  yaqaa na Siyaasada Caalamka Iyo Surinnada loo maro.

Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd marwadisii ugu danbaysay ayaa ka sheekeysay Taariikhdii iyo  dabeecadih isii Marxuun Cigaal ayaa ku sifeysay inuu ahaa qof xaga diinta ku dhow, oo ahaa Abwaan , Gabayada aad u  qab anjirey, isaguna gabyi jirey, Hobigiisa ugu weyni wuxuu ahaa ayey tidhi wax akhriska iyo wax  qori sta , waxuu ahaa nin ka dheregsan Waayaha Iyo Xaalada Nololeed ee Bulshadiisu ay ku nooshahay, wax uu waxwalba ka hormarin jirey sidii ay Himilada Qaran Somaliland ku hirgeli lahayd ,waxkasta oo ay ku  ka caysana sida maal iyo maskaxba wuu u huri jirey, Alle ha u naxariistee Marxuun Cigaal waxaa uu ahaa ayey tidhi, ..nin aan ka fikiri jirey Hanti meel la dhigto oo inta aad xilka hayso ka faraqabso.


Hadaba Eng: Hussein Aden Egeh (Hussein Deyr), oo soo ururiyey Taariikhdii dadkii ugu dhowdhowaa  Mar xuun Cigaal ayaa ku soo gebagebeeyey in wax-qabadkii Marxuun Cigaal (A.H.U.N) in aan Buug ku qorno mooyee w ax kale aan ku soo koobi karaa aanay jirin, Marxuun Cigaal wax badan oo dhaxal ayuu inooga tagay oo ay ka mid tahay oo aan odhan karno Marxuunku waxuu ahaa aabaha Rukumada u taagay Sumc adda iyo  Nabadgel yada oo ah arrinta qudha ee lagu amaano Somaliland .

Waxaa kale oo sheegay Eng, Hussein in Sidoo kale uu inooga tegay Calanka Astaanta u ah Qarankeena , Cii danka Qaranka iyo Ciidamada dhowrista Amniga Guud, Golayaasha Sharci-dejinta, Haayada Garsoorka ,  laca gta sumada Somaliland ee Samo-wada loo bixiyay waqtigii la soo saaray & Shacab isku kalsoon oo aaminsan ciiddooda iyo Calankooda , isla markaana halgan ugu jira sidii ay Bulsho-weynta Caalamka ugu mid noqonlahayeen

Waxa kale ee ugu muhiimsan ayuu yidhi ee uu dhaxal inooga tagay Nidaamka Sharciga ay xisbiyadda  bad an ku yimadeen.

Hadaba dad badan oo madashaasi isagu yimi ayaa ku micneeyeyey Marxuun M. I.Cigaal nin ka sareeyey  dar ajada Madaxweyne oo sitay Darajada Hogaamiyaha (Leadership) ,taas oo u dhigan ninka isagoo   Ma daxwe yne ah ku darsada Hanaan iyo dariiq cusub oo umaddiisa uu hago, si ay looga baxo dhibka iyo  car qladaha ku hortaagan taas oo lagu macneeyey kalmado luqada laatiinka lagu maamuso Hogaamiyaha  fiic an sida Mudane heer sare ah oo aad u fiicnaa , Taariikh dhaxalgalana umadda uga tegay His Excelency Ex-President  Moha med H Ibrahim Egal, halka dadkale ay ii sheegeen inuu ahaa Aabihii Somaliland The Father Of Somaliland.


Ugu dambayn munaasabadaas oo aad u qiiro badnayd dhamaan dadkii joogay waxay wada qireen iskuna  wa da raaceen inuu marxuumku jeclaa in uu dadkiisa iyo dalkiisa Hooyo wax u qabto, ugana faa,ideeyo  aqoontii sii iyo khibradiisaba .
Waxaa xusid mudnayd oo xafladaasi lagu soo bandhigay sawiro ku saabsan Taariikh Nololedkii marxuun Cigaal Alla Ha u naxariistee...intii uu ku jirey Saaxada Siyaasada oo la kulmay Hogaamiyayaal hore oo  ad duunka  ah aa sida Ex-Presidents Lyndon Baines Johnson oo ahaa Madaxweynihii 36th Ex-president of the United States  Gamal Abdul Nasir (Egyptian Ex-President) ,Kenneth Kaunda of Zambia and Jomo  Keny atta of Kenya. Waxaa ugu dambayntii munaasabada lagu soo gunaanaday duco iyo Qur’aan loo akhriyay marxuumka.

Hadaba Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal waxaa lagu tilmaami karaa Siyaasiyiinta Qaarada Afrika Xilalka ka soo qabtay kuwii ugu wakhtiga dheeraa dhinaca Saaxada siyaasadda.

Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo  Xogha yihii guud ee Xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Somaliland.

Bishii Feb1960-kii, Allaha U Naxariistee Marxuun Maxamed X. Ibrahim Cigaal, waxa uu gacantiisa ku soo  Sa xiixay, in Somaliland ay Xornimadeeda ka qaadato Dalkan Ingiriiska oo ahayd 26-ka Juun ee sanadkii  1960-kii, Waxaana ku weheliyey Marxuun heshiiskaas, rag ay ka mid ahaayeen Garaad Cali Garaad  Jaa mac, X.Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamud Cabdi Carraale, Isagoo markaana Marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee noqday hogaamiyihii ugu horeeyey ee Somaliland, kadib markii xornimada la  qaat ay 26-kii Juun Sanadkii 1960-kii.

Iyadoo hadana 1993-dii bishii May 5-teedii Marxuun Cigaal loo doortay Madaxweynaha Somaliland, iyadoo markale hadana jagadaasi dib loogu doortay .Sanadkii 1997-kii.

May Sadexdeedii (3) 2002 Ayaa la soo sheegay Geeridi Geesiga ka baxay Umadda Somaliland  Madaxweyn ihii hore ee Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (A.H.U.N), Geeriduna waa xaq, '' kullu nafsi daa' iqatul mawt''

Maanta ay tahay 3 May 2010 waxa ay ku beegantahay Sanadguuraddi sideedaad ee ka soo wareegtay Geeridi naxdinta lahayd ee ku timi Maxamed X. Ibrahim Cigaal, alla ha u naxariistee (A.H.U.N), oo  Hogaa miyihii Salka u taagay Dawladnimada iyo Nabadda ay maanta Somaliland ku Naaloonayso,

Waxaanu markale Tacsi u Diraynaa Ehelkii iyo Qaraabada iyo Dhamaan umadda reer Somaliland ee uu ka  bax ay Marxuum Maxamed X. Ibrahim Cigaal, alla ha u naxariistee (A.H.U.N).

Gebagebadii Xafladaasi ayaa..Eng: Ahmed Haji Ali Caynabo ayaa halkaasi mahadnaq Balaadhan uga soo  jeedi ayey Gudidii Qabanqaabada Xafladaasi oo kala ahaa Eng: Hussein Aden Egeh (Hussein Deyr), Khaliif  Moham ed Warsame (Khaliif Xiinwaal) & Faisal Yuusuf Macalin iyo intii kale isu xilqaantay iyo weliba  Mulkiil ayaasha H otelka Hilltop Hotel (ex-Hillaac) Birmingham.





-ALLAA MAHADLEH-

 

Adan Yusuf Elmi & Fariid Diiriye Nuur
Birmingham UK