Xusbiga UCID oo hooryaaleysanayaa


 


Madashu waa Hargeysa.


Tebiyaha sheekada (narrator): Cayaarta Hooryaaleysiga oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee somalida ayaa ka bilaabanatay magaalada Hargeysa. Waxaana bilaabay laba kooxood oo ka soo jeeda xus biga UCID oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Xusbiga Mudane Faysal iyo Guddoomiyaha Wakiilada Mudane Cirro. Laakiin cayaartu inta badan waxay dhexmaraysaa, Cirro, Muse inj. iyo Waqaf oo isku dhinac ah iyo Guddoomiyaha Xusbiga Mudane Faysal oo keligii dhinac ka soo jeedda. Daawadayaasha cayaartu wa a xubnihii oo la kala safan, labadii xusbi ee kale iyo xubnahoodii. Waxaa kale oo wariyaal la kala safan iyo qaar dhexdhexaad ah. Cayaarta waxaa garsoore ka ah Xubin ka tirsan Golaha Guurtid. Garoonka lagu caya arayo waxaa magaciisa la yidhaa iiga kac kursiga iyo kaaga kicimaayo. Cayaartu si nabadgelaya ah ayay u socotaa. Lama ogol in budh, waran, toorey iyo hub kale toona garoonka lala soo galo. Waa haraati oo keli ya waxa la isla dhacaya. Laakiin lama ogola in haraatida aad kala eegato xubnaha taranka, taasi cayaarta way ka reeban tahay. Cayaarta Faysal waxaa loo ogolaaday in hirdina Isticmaalo maadaama ay ka tiro badan yihiin

Garsoorihii (Firinbigii afuuf) wuxuu kor ugu dhawaaqay: Is haraaaaatiya, hooryaaleysta.

Cirro oo in dhawrsan yahay la moodo:
Hooryaley

Faysal oo doobinaya: Hooryaley (Lugta midig ayuu ku haraatiyey)

Waqaf dhibi shaxanaya: Hooryaley

Faysal oo doobinaya: Ma adna, hooryaley(lugta bidix ayuu ku haraatiyey)

Muse Inji oo gaarufanaya: Hooryaley

Faysal oo doobinaya: xataa anta yaa haabaan, Hooryaley (wuu hirdiyey).

Cirro: Xusbiga waa la hadhee ka horkac, hooryaley
waad fududahaye ka horkaca, hooryaley

Faysal: Adigaa i heeroo i hoosaasinaye, hooryale, yur
Waa dhex horudee, farba ma adigaa dhaqaajiyey, hooryale, yur
Waa taad garkeenii xajin weydey, dhab libaax hiil iyo hooba ku diid, hooryaley, yur
Markaan sida carsaanyada gees walba u cararaayey ee aan codka raadinayey hooryaley, yur

Waa taad sidii hablaweynta hoos u foorartey hooryaley, yur

hurantiina ka baqaysey hooryaley, yur
Cidlaa laga kaxaystee miyaa cudud la ii sheegtay, hooryaley, yur

Waqaf: Heshiisyadii waad burburisee naga horkac, hooryaley
Haweenkaa ku sheegaya naga horkac , hooryaley
Dimoqraadiyadii baad halaysaya naga horkaca, hooryaley

Faysal: Shirkii Gar adagbaa hadalkuugu danbeeysaye, hooryaley, yur
Heshiiskii la galaybaa hoos hoos u fulineysee, hooryaley, yur
Dusha ka UCID hoosta ka kulmiyaad ahayde , hooryaley, yur
Maalintii UCID baad ahayd habeenkiina habar baad ahayd, hooryaley, yur
Ma aragtaad i dheertahay maxaad igu eryeyneysaa, hooryaley, yur

Muse Inji: Horta wadar iyo waaxid yaa waalan, hooryaaley,

Hesha geela cuntee cabaadaad tahaye, hooryaley
Laba jaar baad hadhee , ka horkac, hooryaley
Waanu kugu habsaanee, ka horkaca, hooryaley

Faysal: Xataa annaa yaa haabaan,
Afka garaw lagu cunaa, imma gaadhayee (taasi waa hirdi, laakiin garsooraha ayaa u ogolaaday, raalina ahaada), hooryaley, yur
Waataad gabdhaha awrta wada gar-adag geeseen hooryalay, yur

Waatay kula garamareen codcodka iyo miidiiye, hooryale, yur

Ibna Hargeysaan ahaye, sidaa ma ogsoon tahay, hooryaley, yur
Adduun waan is ogeyne iyo orod waxaan dhigay, hooryaley, yur
Aragtina ma haysaane maxaad ii eryeyneysaan, hooryaley, yur


Tebiye (narrator): Markay halkaa marayso ayuu garsoorihii siidhigii ku dhuftay oo ku dhawaaqay in la isku yara nasto.
Haddaba akhristoo waqtiga nasashada inta laga jiro kooxaha cayaartan ka faalloonaysaa waxay fadhiyaan badhtamaha xaadhinta Oodweyne.news .com.
Qaybta kale ee Cayaarta iyo dhibcaha dadweynuhu kala siinayo, iyo garsooraha oo natiijada ku dhawaaqi doona kala soc una gudbi xaadhinta Longlivesomaliland amma Timacadde.news



Daawade 2: Cayaartu waxay u egtahay in Guddoomiya ku-xigeenka golaha wakiiladu uu Kulmiye badha soo goosanayo oo uu garabka Cirro ku biiru doona, halkaa ay ka bilaami doont Ururo furashadii.



Daawade 2:
Ka hordhici natiijada, laakiin sida guddoomiyaha Kulmiye ka dhawaajiyey Hay'ad Qaran ayaa Xusbiyadii qaranka burburineysabaa la oo waxaa laga cabsi qabaa in Samaale ku soo sikado.

 

 

 

 

Hamud Duale