Xuska Halyeey Qaran Maxamed X. Ibraahim CIgaal

 IYO 03.may.2009




Maanta oo ay Taarikhdu tahay 03.05.2009 waa maalintii uu geeriyooday ilaahay ha u naxariisto Halyeey Marxuum "maxamed X. ibraahim "Cigaal" Wuxuu ahaa Halyeeya qaran aabihi qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Marxuumku wuxuu ahaa siyaasi ruug cadaaya oo si weyn looga yaqaan Caalamka, beesha Caalamku waxay ku xasuustaan marxuumka gaar ahaan dalka China xiligii goolaha UN-ka looga doodaayay in uu xubin ka mida ka noqdo guriga beesha caalamka ee UN ta wakhtigaas oo uu ahaa marxuumki raga ugu cad cadaa u doodadayay Chine in ay ka mid noqdaan beesha caalamka, xiligaas oo uu ahaa raisalwasaarihii dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Somalia.



Ilaahay ha u naxariiste Marxuumku wuxu ahaa aabihi qaranka Somaliland lugaha u taagay salkana dhulka u dhigay nidaamka iyo kaladambaynta dalkeyna aasaas u ahaa haykal xukumadeedna abuuray.

halka maanta aynu joognana ina soo gaarsiiyay inaguna aynu la qaadanay nidaamka hogaamineed ee inagu hagaysa dariiqa barwaaqada iyo ray raynta.

Gaar ahaan anigu waxaan ku xasuusta in uu ahaa halyeeygii ii sahlay anigoo jooga Hargeisa Skuulka sida: Skuulada hoose/dhexe, sare iyo heer jaamacadeedba kaga soo baxay. Waana mid aan ugu hayo abaal iyo mahad ilaahayba mahad lehe. waxaan maanta awooda ee aan ugu abaal gudi karaa waa ducada quraanka oo aan rabi uga baryo janada iyo intuu doortay ka yeelo isha alla. aamin aamin.



Gabaygan oo loogu boroordiiqay geesigii inaga dhintay wakhtigi lagu jiray todobaadkiisi tacsida 2002..07/14.05



 

 

Warka sida jantaha iyo madfaca jibinta aan moodnay,

Ee shalay dalkaba jiidhay ee jeex kastaba gaadhay,

Jariidaadku goortay qoreen amase joornaalku,

Judhii ay maqleen bay dadkii wada jareeyeene,

Nin waliba halkii uu ku jiray jaw ka soo yidhiye,

Jariiradda iyo oohintiyo jiibta iyo taaha

 

*********


Iyo qaar iyaga oo aan jug qabin juuqba laga waayay,

Badhna jiifka aamine wadnaha jararacdiisiiye,

Mooraalka jiifsaday iyaga oo cagaha jiidaya,

Jawigoo beddelan bay dadkii jidadka buuxsheene,

Allahayow jannee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,

Heduse way jirtaye geeriyaha midiba waa jaade,

*********

Haddii ruux jacayl loo qabaa dunida joogaayo,

Oo malag arwaax uu jar yidhi jamasho ay baajin,

Jaliilkeenu kuu soo diray ayaa iilka jiifsadaye,

Ambiyaalihii lama jareen jawharta ahayde,

Dhammaanteen jidkaa geeridaa jaa’is loo yahaye,

Ninba inuu jiraba waa mid aan laga jawaabayne,

*********

Jibaadkiyo baroor maatadaa jawda damin weyday,

Jagaduu banneeyay ilmada jagac ka siiyeene,

Allahayow janee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,

Jeedaalo goortaan ku dayo jabadkii aan aallay,

Ee uu jarmaadiyo kallaho igaga soo jiiday,

Jidkii uu dadweynaha la maray jaranjartii dawga,

*********

Jilbis iyo abees iyo wuxuu halaq la soo jiidhay,

Jiidh debecsanaantuu bulshada kula hejaan-qaaday,

Uu kala jihaynaayay iyo nabad jacalkiisii,

Jambaynkii iyo hoguu kala bixiyo jar iyo laalaadka,

Haddii aan distoor jirin dadyahow tala majoogteene,

Jidkuu sii banneeyay anfacay maamulkoo jiray,

*********

Markuu tiirar aan naga jabayn jooji yuu tegaye,

Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa,

Jisaskii Qur’aanka oo dhan lagu jaan-gooyo,

Jaliilkaan baryanaa inuu naga ajiibaaye,

Jirabkiyo ciqaabtiyo raboow jaynafkiyo oonka,

Jahanama kuwaa lagu guray ee jixijix loo diiday,

*********

Ilaahay kuwaa jabay adiga kulama soo joojo,

Jamhuuriyadda Somaliland shacab wixii jooga,

Ubadkaaga kuu jeelan iyo jaanka ahalkaaga,

Iyana samiir jamiilbay naftii ugu jawaabeene,

Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa.




AAAMIN AAMIN AAMIN


 

 


BY: Abdifatah O. Abdi (Abdi kling king)
kling_king@hotmail.com
Hargeisa Somaliland