Xafladdii Xuska 18 May  2010 , oo 
Holland lagu qabtay

 

Holland (TNN)- Fariin Jaaliyada reer Somaliland ee degan wadanka Holland,  ayaa waxay iga cods adeen inaan  gaadhsiiyo salaan qaaliya oo ay u dirayaan Shabakada Caalamiga ah ee TNN iyo  Ho gaamiyaheeda Eng. Maxamed Cali Muse.

Intaaasi dabadeed, waxaa caawa oo ay taariikhdu tahay 15-5-2010, lagu qabtay Wadanka  Holla nd, Magaalada DEN HAAG,dabaal dagii Xuska 18 May, waxaana halkaasi ka dhacday Xaflad si wen loo soo abaabuley oo Il-weyntu is qabatay, oo aan hore loogu arag. Waxaa ka soo qayb galey dh ammaan dadweynha reer soomaliland ee dagan wadanka oo an u kala hadhin yar iyo weynba.

Waxaa halkaasi laga soo jeediyey khud-bado dhiiga dhaqaajiyey, oo ka xog warameyey silic iyo halaagii loo soo maray gobonimda aan maanta hadhsaneyno. Markii ay khubadahaasi socdeen, w axaan dadweynaha ka muuqday dareen murugo iyo cadho leh.

Waxaa isla goobtaasi loogu duceeyey in ilahay naxariistii janno ka waraabiyo MUJAAHIDIINTII ku naf-waayey dagaalkii lala galay Faqashta.

Waxaa kale oo halkaasi ka heesayey fanaanin uu ka mid yaha Nuur Daalacay, Faaisa iyo qaar kaloo badan.

 

 

 

 

 

Halgan Maxamed Yuusuf Buux
Timacade News Network TNN
Holland