XUSKII 18 MAY EE LAGU QABTAY SANCA  YEMEN

 

        

Ururka Ardayda JSL ee Dalka Yemen oo soo qaban qaabiyey xaflad balaaadhan oo si weyn loo soo agaasimay xafladaas oo ka dhacday magaalada Sanca

Waxaa munaasabadan lagu xusaayo kasoo qayb galay. Bulsho weynta somaliland ee ku dhaqan dalka Yemen iyo Dhamaan ardayda somaliland ee waxkabarata dalkan waxgaradka aqoonyahano masuuliyiin xafladaas oo ahayd. Mid si weyn ay uga dhexmuuqdeen dhaamana dadweynaha jaaliyadu.

Furitaankii munaasabada kadib. Waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha Ururka Ardayda JSL ee Dalka Yemen Md. C/raxman Maxamuud C/laahi isagoo aad ugu dheeraaday mudadii ay somaliland jirtay iyo waxa uqabsoomay isagoo sheegay in ay somaliland isku raacday in ay ahaato dal madax banaan oo ictiraaf raadis ah gudoomiyuhu wuxu sido kale ka hadlay. In Ururku heegan uyahay dhamaan ciidaha dalka inay qabtaan
Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladan oo ahayd. Xafladihii ugu dadka badnaa ee Sanca gudoomiyii hore ee Ururka C/casiis Maxamed Farax oo ka hadlay qiimaha ay leedahay in laxusaa 18 may waxaanu ugu mahad celiyey jaaliyada yemen ku dhaqan kaalinta ay ugu jiraan ururka wada shaqaytiisa iyo kaalinta dhiri gelinimoba


Iyadoo sidoo kale madashaas lagu soo bandhigay heeso layaableh. Oo ah heesaha somaliland ay ku caanka tahay. Oo ay joogeen fanaanka caanka ah ee maxamed nairobi., isagoo wacdaro layaableh muujiyey. Waxaa sidoo kale madasha lagu soo bandhigay gabayo majaaajilo. Iyadoo xafladaasi kusoo gebigebowday jawi farxadeed oo aad usareeyo.


iyadoo bulsho weyntii kasoo qayb gashay madasha ay aad ugu mahadnaqeen Ururka Ardayda iyo xafladan wadaniyada leh oo ay soo qaban qaabiyeen.