XUSKII 18 MAY EE MAGAALADA
BRISTOL

            

            

Xaflad si aada ay u sso agaasimeen dhalinyarada Bristol Somaliland Foundation, oo lugu xusayay 18 guurada gooni isutaaga Somalailand ayaa jimcihii 22nd May 2009 lagu qabtay Trinity Hall ee Bristol.

Munaasiba waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin sare, siyaasiyin kala haa wasiirka Wasaarada warshada ee Somaliland Mudane Maxamed saleebaan, Kerry McCarthy oo ah xubinsare oo katirsan baarlamaanka dalkan UK, musharixin kasocday Xisbiga talada haya ee Labourka, iyo odayaasha jaaliyada Somaliland reer Bristol. Jaaliaya Somaliland reer Bristol oo tiradoda lagu qiyaaso ugu yaraa 15000, ayaa goorwalba aad ugu heelan waxqabadka Somaliland dhan siyaasadeed iyo horumanba. Xafdlada oo aad loogu riyaaqay waxaa heeso madadaalo badnaa ugu dabaaldegay, fanaanin ay kamid yihiin Cabdi Jaamac (Qaboojiye), Mahadyare, Halwad, Xasan Guuleed (Xasan love), Mukhtaar Oday iyo Yuusuf Dheere.

Munaasida waxaa hadal kasoo jeediyay Wasiirka warshadaha Somaliland Mudane Maxamed Saleebaan, isago jaaliyada Somaliland reer Bristol uga mahad celiyay dadaalka ay ugu jiraan ictiraafka iyo horumarinta Somliland, wuxuu guud ahaan wax bixin kasoo jeediyay xaalada siyaasadeed ee dalka Somaliland, waxaa kale oo u jaaliyada Somaliland ee reer Bristol soo gadh siiyay Hambalyo iyo salan diiran oo uu kasiday Madax waynaha Jamhuuriyda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Kerry McCarthy ayaa iyana kahdashay madasha ayaa mahadcelisay guud ahaan jaaliyada Somaliland ee reer Bristol, waxay tidhi Xafladan xuska sanadguurada gooni isutaaga Somaliland kuma koobna uun xaflada ahaan iyo maaweelo balse waxa kale oo ay tahay ictiraaf raadin, waxay tidhi waxaa ii muuqata in jaaliyada Somaliland ee reer Bristol ay nolosha dalkan UK laqansadeen kaalin wayna ay kuleeyihiin dhanka isdhexgalka iyo siwanaagsan uwada noolaanshada bulshooyinka kale ee ku dhaqan Bristol. Waxaa kale ay jaaliyada Somaliland reer ka codsatay in ay usoo baxaan doorashooyinka dalka UK kadhacaya gaar ahaan kuwa soo socda ee Baarlamaanka Yurub, waxay tidhi fadlan u codeeya xisbiga talada haya ee Labourka ee ku hawlan danihiina, kana ilaaliya in ay xukunka qabsadaan kuwa aan soo dhawayn doonin danihiina yo baahidiinaba.

Wasiir Maxamed Saleebaan Wuxuu gudoon siiyay Shadaado Sharafyo ay soo siyaa riyeen jaaliyada Somaliland ee reer Bristol gaar ahaan ururka Bristol Somaliland Foundation, Kerry McCarthy , Gebiley net , Somaliland Demogracy Watch Organis ation (SDWO), Cabdirahman Ibraahim (Abees) iyo Kamaal Maxamed Faarax iyo Cabdikariin Aaden oo ah xubno si’aada ugu hawlan horumarinta bulshada reer Somaliland dibad iyo gudahaba.
 

 

 


Kamaal Maxamed Faarax

Development Activist
United Kingdom