Xus Maanta Loo Sameeyey Sannad-guuradii 28-aad Ee Ka Soo Wareegtay Dhagax-tuurkii Dhalinyartii UFFO

 


Hargeysa Sabti  20 February 2010  (Timacade News)-Munaasibad aad u ballaadhan oo lagu xusayey sannad guuradii 28-naad ee ka soo wareegtay maalintii ay ururkii UFFO dhagex kala hortageen  ciid ankii taliskii Siyaad Barre ee sannadkii 1982-kii, ayaa maanta lagu qabtay faga araha beerta  xoriya da ee caasimada Hargeysa.

Xuskan oo ay soo agaasimtay dallada ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, isla marka ana ay soo qaybgaleen Wasiiro ka tirsan Golaha wasiirada ee xukumada Somaliland, Masuuli yiinta Sadexda Xisbi Qaran, Xildhibaano, Aqoonyahano, Madaxda dallada SONYO, Dhalinyaro iyo marti sharef kale oo faro badan.

Munaasibadan oo ku soo bilaabmatay socod gaadis ah oo masuuliyiinta iyo dhalinyartu kaga soo  bil aabeen Wasaarada Arimaha Gudaha horteeda, ayaa intii aan la soo gaadhin beerta Xoriyada, Wasii rka Dhalinyarta iyo Ciyaaruhu iyo masuuliyiintii kale ee la socotay-ba waxay Ubax-dhigeen Taalada laga hor sameeyey Afaafka maxkamada Gobolka Hargeysa, halkaas oo uu ku dhintay mid ah  dhalin yartii UFFO oo magaciisu ahaa Barre Xaaji Cilmi Axmed.

Intaas ka dib, furitaanka madasha xuska waxaa hadal ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo  Ciyaar aha somalilanad Md Maxamuud Siciid Muxumed oo ugu horeyn hambaliyo iyo boogin u jeediyey  dhali nyarada Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin, isaga oo xusay in  maalint ani tahay maalin qiimo gaar ah ugu fadhiga qarannimada Somaliland.

“Maanta 28-tan guuradii ka soo wareegtay maalintii dhalinyartii UFFO ee horseedka u ahayd  xoriya dda aynu maanta hadhsanaynayo ay dhegaxaanta kala hortageen ileyn hub  may hays ane Taliskii Siyaad Barr. Waxaynu u baahan nahay taariikhdaa in la xuso ee uma baahinin yoo yootan.” Ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha somalilanad Md Maxamuud Siciid Muxumed

Waxaanu uu wasiirku Ilaahay uga baryey intii ku shihiiday halgankaa ay horseedka ahaayeen  dhalin yartaas in uu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta nool waxaa uu sheegay inay  taariikhda  Somalil and baal-dahab ah kaga jiraan.

Wasiirka Ciyaaruhu waxaa uga mahadnaqay dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO  qaba  nqaab ada xuskan, “Waxaanu u mahadcelinaynaa dallada SONYO iyo intii kale ee kala  qaybgas hay  qaban qaabada xuska” ayuu yidh Wasiirku, waxaanu intaa raaciyey oo yidhi “Waxaanu halkan xusaynaa oo aan leeyahay dhalinyarta Somaliland, dhalinyarooy waxaan idiin ku  guub aabinayaa nin aan idiin furi doonin, ayaanu idiin rarin waxaa la idinka rabaa in aad dantiina garataan”

Waxaa isagu halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Dallada dhalinyarta Somaliland ee SONYO Yaxye  Maxa muud Ubaxle oo sheegay in xuskani yahay mid taariikhiya oo mudan in lagu muujiyo  taar iikhdii  halg an ee dhalinyarta Somaliland, isla markaana waxaa uu xusay in xuskani ku yimid  dh alinyartii UFFO ee 1982 kacdoonka kala horyimid Taliskii Afweyne iyaga oo ka gadooday  tacadi yadii iyo  dhibaat ooyinkii kala duwanaa ee lagu hayey bulshada reer Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud X Cumar Xaashi oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiilada  Soma liland, isla markaana ka mid ahaa dhalinyartii ururkii UFFO, ayaa tafaasiil xeel-dheer ka  bi xiyey  dhac dadii dhagex-tuurka ee 20-kii February ee sannadkii 1982-kii, “Waxaynu maanta dul-joognaa waa dhiig, hanta la boobay iyo kufsi oo loo gelay calankan aynu maanta soo  joog no. Waxaa Ilaahay  mahadiiya maanta oo 28 sannadood laga joogo maalintii dhegax-tuurka oo aanan nolol filayn in aan halkan idin kala hadlaayo. Waxaa halkan inala jooga maalintaa  maxka mada nala marinayey ninkii isagu u badheedhay inuu duubo wixii maxkamada ka socday oo ma rkii dame ee nala soo daayey-na noo keenay cajaladii Abwaan Muxumed Xaaji Soofe [Kane eco] oo maanta ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland.

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Boobe Yuusuf Ducaale, Kaltuun X Daahir Cigaal iyo Cismaan Awr-liqe, oo dhammaantood si weyn uga hadlay mihiimada ay leedahay maalintani, iyaga oo xusay in lagama maarmaan ay tahay in la ilaaliyo lana sugo maalmaha taariikhiga ah ee  Somal iland gaar ka u ah sida 20 February. Waxaanay dhalinyarta u soo jeediyeen in xooga saaraan sidii ay dalkooda wax uga qabsan lahaayeen, islamarkaana u ilaashan lahaayeen.