Yaa ka Masuul ah Dhibaatooyinka ka Dhalan kara Dooxa Arabsiyo Wakhtiyada Roobka

 


 

Sida Aad la socotaanba Magaalada Arabsiyo waa Magaalo ku taala Galbeedka Magaalada Hargeisa qiyaastiina u jirtaa ilaa 32 km, kana Tirsan Gobolka Gabiley, Waa magaalo ka mid ah Magaalooyinka loo Dalxiiska Tago Somaliland wakhtiyada Aroosyadu todoba baxayaan, Wakhtiyada Xagaaga iyo wakhtiyada Nafta loo raaxaynayo, waxa ku yaala beero waawayn oo loo dalxiis tago iyo qaar  khu daarta dalka laga soo guro wakhtiyada Gu,ga.

Arabsiya waxa Mara jidka wayn ee isku xidha Gobolada Galbeedka Somaliland iyo Caasimada Dalka waana jid Muhiim ah Runtii oo ay maraan Gaadiidka Ganacsatada Reer Somaliland ee Bakhaarada Ku leh Xarunta Ganacsiga Somaliland ee Wajaale iyo Dadka kale oo Rakaabka ah ama Ganacsiyada ku leh magaalooyinka Gabiley iyo Borama.

Qof kasta oo Safar u Baxa Wakhti roobaadka wuu garan karaa Dhibaatada ka qabsato Dooxa  way n ee dhex mara magaalada Arabsiyo iyad oo laba doox oo kale-na jiraan oo dhanacyada ka xiga, kuwaasi oo aan lahayn Buundo yar oo dadku kaga talaabaan Daadadka waxyeelada u keeni kara marka ay ka Gudbayaan, Biriish wayn-na hadalkiisaba daa.


Waxaan usoo joogay Dooxa Arabsiya oo inta uu soo rogmaday la isku talaabi waayay oo Xaafad ay geeri ku dhacday oo hooyadood ku Geeriyootay Magaalada Borama ee Caasimada Gobolka Awdal ay awoodi waayeen inay ka talaabaan Dooxa wayn ee marka uu soo rogmado qaada baabuur iyo dadba iyaga halkii kaga baaqday dibna loo mayd bariiyay tan iyo intii ay ka soo talaabayeen oo ku qaadatay aroortii danbe ee dooxu joogsaday.

Halkan kuma soo koobi karo inta halyay, Masuul, iyo Dad kale-ba ee uu Qaaday Dooxa Arabsiya  q aarkooda la waayay Maydadkooda, waxaa aan iyana meesha ka maqnayn inta Baabuur iyo hanti kale oo Masaakiini leedahay uu la tagay Dooxa Arabsiyo.

Dawladaha Caalamku waxay qiimeeyaan Meelaha noocan oo kale ah Dadkuna xiiseeyaan inay ku  b aashaalaan Neecawda Macaan iyo Uduga Dhirta qurxoon ee ilaahay ku manaystay Sida Magalada Aragsiyo oo kale Balse waxaad Moodaa teenu inayna qiimayn rabitaanka Dadwayneheeda iyo  me elaha ishu qabato wakhtiyada la qiimaynayo Somaliland.

Xukuumada Somaliland waxaad moodaa inay qiimaysto Dabaajiita reer galbeed iyo waxa la midka ah ee inta ay Wafti iska soo dhigaan lagu soo dhaweeyo Madaxtooyada iyo Meelaha kale ee Muhiimka ah ee Somaliland, kuwaasi aan waxba uqaban Somaliland, Hanti badana kaga Baxdo Xukuumada Maanta talada haysa.


Waxaa is leeyahay aniga fikirkayga ahaan Wax badan ayaa Somaliland loogu qaban lahaa  Lacaga ha lagu bixinayo meelaha aan waxtarka u lahayn Dalka iyo dadkaba, waxaa Lagu dhisi lahaa  Biriis hka Wayn ee Hargeisa ee Qabyada ah mudada haatan laga joogo ilaa shan sano.

Hadii aan u soo noqdo Macduuca aan qalinka uu qaatay inaan manta wax ka qoro ee ah  Dhibaato oyinka uu keeni karo Dooxa Arabsiyo hadii aan wax laga qaban Wakhtiyada roobka, Dooxu waxa uu dhexmaraa magaalada Dhexdeeda waliba beeraha muhiimka ah iyo Xabaalaha waynee  Arabsi yo Dhexdeeda, Xabaalahaasi oo halis u ah inuu qaado gabi ahaanba hadii aan wax laga qaban.

Waxaa kale oo ka mid ah Dhibaatooyinka uu keeni Xanibaad iyo kala goynta isu socodka dadka iyo gaadiidka u kala goosha Bariga iyo galbeedka Somaliland, iyo Dhibaato gaar ah oo uu baabuurta ku hayo marka uu daadku dhamaado oo ciid aad u badan dhigo halbawlaha wadada taasi oo aanay cidna wax kala qaban dadka safarka ah ee mara jidkaasi.

Waxaa jira iyana Dooxyo badan oo ay dhibaatani ka taagan tahay xukuumada Somaliland-na ay balan qaadyo ka samayso wakhtiyada doorashooyinku soo dhawaadaan balse aan waxba laga qaban, oo dhibaatooyin ku haya Umada reer Somaliland.

Guntii iyo Gabo gabadii halkan kuma soo koobi karo dhibaatooyinka uu keeni karto Dixdaasi  wakhti yada Roobka Balse waxaa is waydiin Mudan cida ka masuul ah Dhibaatooyinka uu keeni karo?.

Aniga waxay ila tahay Dawalada Masuuliyadbaa ka saran Shacabka Reer Somaliland-na  Masuuliy ad baa ka saaran. Aan ku horeeyo Dawalada Masuuliyada ka saarani waxay tahay inay Cashuurta ay ka qaado Baabuurta iyo Dadwaynaha ee ku dhacda jeebabka qaarka ah ee aan dantu ugu jirin somailand ay ku celiso intii waajibkeeda ah dadwaynaha .

Dad waynahana waajibaa ka saran oo ma aha Dawlada aan Tamarteeda iyo tayadeedaba aan  ark ayno inay wax ka sugaan somalidu waxay ku maahmaahdaa (biyahaan hortooda arko dabadoodu waa huube) Xukuumadu hadii wax ka qabanayso wakhtigeedii way soo laasatay, waa in ay iyaga oo isku duuban u gurmadaan Wax ka qabashada Dhibaatada taagan ee uu Dooxu ku hayo  Bulsh ada Somaliland iyada oo waliba waajib tahay inay bilaabaan dadka deegaanka Arabsiyo si wax loogala qabto Dhismaha Biriijyar oo baabuurta iyo dadkuba kaga talaabaan wakhtiyada roobka.


 

 

Qalinkii:Nimco Muxumed Ibraahin
Madaxa Barnaamijyada Arimaha Bulshada ee TNN
Qaali540@hotmail.com
Timacade News Network (TNN)
Hargeisa Somaliland