Yaa Yidhi DONALD PAYNE Waa Cadowga Somaliland?" Dr. Axmed Xuseen Ciise Xoghayihii Hore Ee Arrimaha Dibada  ee Xisbiga Kulmiye

 


Hargeysa (Timacade News)- Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Kulmiye Dr. Axmed Xusen Ciise ayaa sheegay inay tahay wax lala yaabo cida ku sheegaysa Donald Payne cadowga So maliland, wuxuuna sidaa u sheegay Joornaalka Waheen oo ka soo baxa Magaaladda  Harga ysa. Hadalkaas oo dheera dhinacyo badana taabanayaa wuxuu u dhacay sidan.


Waxa beryahan dambe noqday bartilmaameed xildhibaanka Aqalka Wakiilada (House of  Rep resentatives) ee Maraykanka ee la yidhaado Donald Payne. Donald Payne oo ka mid ah  Xisbi ga Dimuqraadka ilaa iyo 1988 laga soo doorto gobolka New Jersey.

Waa ninkii u horeeyey ee madow ee laga soo dooorto Gobolkaas.Wuxuu intaa uu  xildhibaan ka ahaa ka mid ahaa Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibedda ee Wakiilada khaas ahaan  gudidee da Arrimaha Afrika iyo Caafimaadka Aduunka oo imika isagu ka yahay Guddoomiye. Waxa  dh awaan loo doortay Guddoomiyaha Guddida Maamulka Congressional Black Caucus  Foundat ion. Wuxuu ka mid yahay Guddida Maamul ee National Endowment for Democracy (NED) oo maalgelisa 13 urur oo Somaliland ka shaqeeya.


Ilaa iyo intii SNMtu dagaalka ku jirtay intaydii joogtay Maraykan waxaanu xidhiidh toos ah la lahaan jirnay Guddidaa Afrika qaabilsan…intuu isagu joogay iyo intii xildhibaanadii ka  horee yey sida Howard Wolpe ninkii la odhan jiray oo aad noogu wanaagsanaa. Guddidaa  la’aante ed Siyad Barre lacagta markii u dambaysay lagama gooyeen, ragii ku xidhnaan jiray labaatan jiro iyo Laanta Buur sida kooxdii UFFO, Ismaciil Cali Abokor, Cumar Arteh Qalib, Suleiman Nuux, Cabdi Ismaaciil Duse way adkaan lahayd in laga soo nabadgelyo xukunkii dilka iyo xadhiga isugu jiray.

Taasi waa mid aan goobjoog u ahaa oonan cid kale markhaati ka dhiganayn. Waxaan  xusuus taa maalintii kooxdii UFFO la soo daayey ee LIISKII la soo daynayey loo soo diray Guddidaa ee AANU ka waynay nin dhakhtar ahaa oo la odhan jiray Dr. Sulub oo ilsa markiiba la waydiiyey xukuumaddii Siyad Barre waxa ninkaa dhakhtarka ku dhacay. Waxaanan markaa annagu ka warqabin in isaga hore loo sii daayey.

Hadaba hadal iyo dhamaantii Guddidaasi waa Guddi muhiim ah in badanna ka warqabtay  qadi yada Somaliland.


1992-kii markii Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee u horeeyey ee JSL booqday Washington, Dona ld Payne wuxuu ka mid ah xildhibaanadii casho sharafeedkii aanu u samaynay ka soo  qayb galay. Dadkii habeenkaa joogay waxa ka mid ahaa Jawaahir iyo Fowzia Yusuf Haji Yusuf  Ad an oo abaabulka cashada qayb libaax ka qaatay.

Shalay waxaan la xidhiidhay nin gacan yare u ah Donald Payne. Waxaan weydiiyey goortay la coloobeen Somaliland. Wuxuu ii sheegay in ay weli hayaan E-mailadii cayda iyo ceebaynta ahaa ee kuwa cadowga Somaliland u ahi ay u soo direen xafiiska Donald Payne markii ay ka soo baxday Congresska Maraykanka warbixin si toos ah uga hadlayaysay Somaliland. Waxay nay kuba haysteen sideedba magaca Somaliland u isticmaashaan, waabad icitiraafteen.

Sanadkii 1998 Donald Payne iyo xildhibaan Tom Campell (California, Xisbiga Jumhuuriga) oo markaa isagu guddoomiye ka ahaa Guddida Afrika oo ay la socdaan ilaa 6 shaqaale ahi  wax ay booqasho rasmiya ku yimaadeen JSL caasamida Hargeysa. Wefdigaa waan la socday.

Waxa xusuus mudan in 50 ka mid ah XILDHIBAANADA GOLAHA WAKIILADA IYO GUURTIDA oo Sheikh Ibrahim horkacayaa ay kaga horyimaadeen Airport-ka. Markay diyaaraddu soo  caga dhigatay wuxuu i waydiiyey Mr. Campell “ma wefti culus baa la sugayaa?” markuu arkay  oda yadii safka ku jiray, waxaanan ugu jawaabay HAA, idinka ayaa la idin sugayaa. Madaxdii  gar oonka diyaaradda ku soo dhoweyey Weftiga waxa ka mid ahaa hadday xusuustaydu sax  ta hay Marxuum Fagadhe, Mudane Cabdillahi Moxamed Ducaale iyo Mudane Silaanyo.

Markaan shalay la soo hadalqaaday safarkaa wakhtigaa wuxuu ninkaa la shaqeeye Donald Payne iigu jawaabay…”The Somaliland trip, wow” yacni wax caajib ah ayey ahayd. Markii ay Djibouti ku noqdeen waxay casuumad gaar ah u sameeyeen Safirka Fransiska iyo General-ka ciidamada oo ay uga warameen waxay Somaliland ku soo arkeen. Donald Payne maanta  isa ga ayaa GUDDIDAA ka madaxa halka TOM CAMPELL uu u tartamayo jagada Guddoomiyaha GOBOLKA Maraykakanka ugu wayn uguna lacag badan ee California.


Sanadkii 2002, Hayada wadaniga ee IPRT ee aan maamulo ayaa magaalada Washington ku qabanqaabisay bandhig lagu soo bandhigayo Somaliland. Bandhigaa oo salkiisu ahaa buug sawirro ah oo ay IPRT daabacday. Waxaanu doonayaynay in aanu fursad u helno inaanu Somaliland u soo bandhigno siyaasiyiinta Maraykanka. Waxaanu la gaashannay isla Donald Payne oo noo suurageliyey inaanu bandhigaa ka dhigno Congresska maryakanka gudaheeda aqalka loo yaqaan Cannon House.

Bandhigaa oo qayb libaax ay ka qaateen jaaliyadda joogta Washington DC sida Ahmed Madhi Hussein, Qaaniya Ismaaciil Adan, Hibaaq Basbaas, Rashiid Gaaruf, Moxamed Xuseen Ciise, Moxamed Xasan iyo in kale oo badan waxay ahayd meel si fiican la isugu arkay. Waxa isugu yimid dad ka socda qaybaha Washington eek ala duwan…waayo casuumadda waxa toos u fidiyey Congressman Donald Payne oo isagu isku saxeexay. Qayb ka mid warqadii halkan  ho os baan ku soo daabacnay.

Hadaba maxaa keenay imika inuu noqdo Donald Payne nin mucaaridka iyo muxaafidka  Somal iland ku dhex lumay? Midna yidhaa waa cadow, midna la kulmo? Waxa dhab ah in xurgufto ka timid markii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland marna oggolaaday inuu ka qaybgalo  s hir uu soo abaabulay, haddana ka noqday saacadihii u dambeeyey, Donald Payne-na ka  xan aaqay. Shirkaa goobjoog baan ka ahaa wax Somaliland xumaynayna laguma hayn. Xurgufta noocaas ah si diblomaasiyadeed baa lagu dhameeyaa.


Waxase iyana meesha soo gashay in mucaaridku is yidhaado xurguftaa xukuumadda iyo  nin kaa soo dhexgashay ka faaiidaysta….xildhibaankuna noqday nin la isku tuur tuuro.

Rayiga maanta uu ka qabo Somaliland siday doonto ha ahaato, waase nin culus, mansab  mu hiim ah ku fadhiya. Waa nin African-American ah oo u dhow madaxweynaha madow ee  Oba ma iyo xoghayahiisa Afrika u qaabilsan oo isna ah African-American.

Weli waxaanse filayaa inaanay wax wayni iska bedelen, waayo markaan xafiiskiisa la  xidhii dhay shalay waxay ii sheegeen inaanay Somaliland cidla kaga tageen “We will never turn our back on Somaliland” ayey ahayd siday hadalka u dhigeen.

Gunaanad: Marna siyaasad fiican maaha in madaxda dalalka kale si toos ah jaraaiidka iyo  wa rbaahinta lagaga hadlo. Khaas ahaan Donald Payne inagama gayo xumayn habayaraatee.