Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalimiga Somaliland oo soo gaadhay London




London (TNN):-Waxa caawa Gegida caalamiga ah ee Heathrow (London) ee caasimadda da lka Britain soo gaadhay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga Somaliland mu dane Mohamed Bihi Yonis. Wasiirka waxa madaarka ku soo dhoweeyey Safiirka Som aliland u fadhiya waddanka Britain mudane Cali Aadan Cawaale, Guddoomiyaha UK ee xisbiga tala da dalka haya ee KULMIYE mudane Xariir Xirsi Adar iyo xubno ka tirsan jaalliyada Somalilan d eek u dhaqan magaalada London. Waxa iyana halkaa ku sugnaa hawl-wadeen no ka tirs an TV-ga qaranka iyo Saxaafadda kale ee Somaliland.

Wasiirka oo wax laga weydiiyey safarka uu ku yimid UK ayaa sheegay inuu wada hadallo la yeelan doono wasiirka arrimaha Africa u qaabbilsan dawladda Britain iyo masuuliin kale oo ka tirsan fawladda Britain. Waxa kale oo uu sheegay wasiirku inu sidoo kale la kulmi doono mudaneyaal ka tirsan goleyaasha Baarlaanka

Mar wax laga weydiiyey wasiirka safarkii ay ku tegeen dalka Masar isaga iyo wasiirka wax barashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Adan ayaa wuxu ku jawaabay inu socdaalkoo du la xidhiidhay casuumad ay ka heleen dawladda Masar, kulamo wax ku ool ahna la qaate en Wasiirrada Tacliinta sare, Tacliinta hoose iyo Arrimaha Dibedda Masar iyo weliba masuu liin sare oo ka tirsan Jaamicadda Carabta. Dhammaan masuuliinta ay la kulmeenna ay si cad ugu sheegeen inu gooni isu taagga Somaliland yahay go’aan shacab oo aan sina ba gorgor tan u gelin, kana dalbadeen in shicibka Somaliland laga taageero dhinaca horum arinta ade egyada bulshada kala duwan.


Wasiirku waxa uu sheegay inu uga sii gudbi doono dalka Jabouti oo uu Madaxda sare ee dal kaasi kulamo la qaadan doono inta aanu dalkii hooyo ku laaban.

 



Wa Billaahi Tawfiiq

Safaaradda Somaliland ee UK