Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Oo Si Habsamile Uga Socota Degmooyinka Salaxley Iyo Sabowanaag

 


Howsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami ah uga socota deegaanada degmooyinka Salaxley iyo Sabowanaag, waxaaney dadku safaf ugu jiraan si ay isu diiwaangelin lahaayeen una qaadan lahaayeen kaadhadhka codbixinta iyo aqoonsiga muwaadinimo.


Wasiirka beeraha Somaliland Aadan Axmed Dhoolayare oo kormeer ku soo marey maanta deeganadaasi ayaa sheegey in dadku si fiican isu diiwaangelinayaan, haseyyeeshee waxa uu walaac ka muujiyay xaalad abaareed oo ka jirta deeganadaasi oo aan helin sanadka roobab fiican, sidaa awgeed dadkii u hayaameen xagga Itoobiya.


Mudane Dhoolayare waxa kale oo uu sheegay in arrintaa awgeed dadka loo direy gaaadiid soo daadgureeya oo keena agoobaha doorashada iyo in dadka goobahaasi loogu diyaariyay raashin ay quutaan inta diiwaangelintu socoto. Wasiirku waxa uu intaa ku darey in goobaha dadku ka hayaameen ay komishanka doorashooyinku oggolaadeen in hadba loo raro meelaha lagu badaan yahay. Isaga oo xusey goobha ku yaala xuduuda oo kale dadku ku badan yihiin oo ay safaf dhaadheer ugu jiraan diiwaangelinta.


Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo maalintii saddexaad mareysa gobolka Hargeysa waxa la sheegayaa in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan dadka isdiiwaangelinaya maalinba.

 

 



Faysal Cabdilaahi.
Hargeysa/Hormoodnews