‘Aad Baan ugu
Qushuucay Waxa Somaliland ka Socda’ Mr. Mark Bowden'
Washington (TNN)-Xidhiidhiyaha dhinaca gargaarka u qaabilsan
Qaramada Midoobay Mr. Mark Bow den, ayaa sheegay inuu aad ugu
qushuucay waxqabadka Somaliland ka socda, isaga oo xusay in s
annadka soo socda ee 2011 la laban-laabi doono taageerada dhaqaale
ee beesha caalamku u fidi so Somaliland.
Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo shalay lagu baahiyey bogga
Internet-ka wargeyska Wall Streer Journal, ayuu Mr. Mark Bowden ku
sheegay in caawimooyinka sannadkasta Somaliland la sii yo oo
gaadhaya ilaa $100 milyan oo dollar la laban laabi doono sannadka
soo socda.
Waxa warbixinta wargeyska lagu daabacay lagu sheegay in aqoonsi
la’aantu sababtay in Somalila nd aanay bangiyada caalamiga ah
ammaaho ka qaadan karin, isla markaana aanay heshiisyo la geli karin
dawladdaha kale, iyada oo aanay maalgashiga shisheeyaha siin karin
dammaanadda dhinaca xasiloonida ay ka dalbadaan. Waxaanna warbixinta
lagu xusay in Somaliland ku tiirsan tahay gana csi ga gaarka
ah oo dad badan shaqaalaysiiya, qalabka dibadaha laga soo waaridu,
maalgelinta dh aqaalaha iyo deeqaha dawladda la siiyo.
Degennaanshaha Somaliland ka jira wuxuu deeq-bixiyeyaasha ku
dhiirigeliyey inay la yimaadaan f ikir cusub oo lagu
taageerayo. “Aad baan ugu qushuucay waxa Somaliland ka socda.” Sidaa
waxa yidhi xidhiidhiyaha gargaarka bani’aadanimo ee Qaramada
Midoobay Mr. Mark Bowden, isaga oo xusay in caawimooyinka sannad
kasta Somaliland la siiyo oo gaadhaysa $100 millyan oo doollar la
laban laabi doono sannadka soo socda.
Sida lagu faafiyey Wall Street Journal
kaalmada Maraylanku siiyo Somaliland oo ahayd sannadkii
2009 ahayd $7 milyan oo dollar, waxa
hadda la gaadhsiiyey $26 milyan oo dollar,
iyada oo arrintaa sina uu caddeeyey diblomaasiga ugu sareeya
Maraykanka ee Afrika qaabilsan Mr. Johnnie Carson. Waxayna dawladda
Maraykanku ballanqaaday inay Somaliland ula shaqayn doonto si ka
meeqaam sareeya sidii ay hore ula macaamili jirtay.
Sida warbintaasi lagu sheegay waxa bulshadda caalamku ka cabsi
qabtaa in aqoonsiga Somaliland horeseedi doono murrano ka dhasha
dhinaca xuduudaha Afrika, balse maadaama xuduudaha dawladda
Soomaaliya ee dhinaca Koonfurtu ay burburayaan, fikirkaasi waxa uu
hadda u muuqdaa mid bilaabay inuu isbeddelo.
“Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Midawga Afrika,
ayaa aamisan in kooxda Al-shab aab joogto Somaliland, waxayna
dawladda Somaliland si feejigan ula socotaa illaalinta
maleeshiya adka, iyada oo la kaashanaysa qaybo badan oo shacabka ka
mid ah oo iskaashi ka dhexeeyo, laak iin kooxda Al-shabaab iyo
kooxaha kale ee mitidka ahiba waxay weli awoodaan inay khalkhaliyaan
xasiloonida gobolka,” ayaa lagu yidhi warbixinta lagu baahiyey
wargeyska Wall Street Journal.
“Shirkaddo waaweyn ayaa xarrumo ku leh waddooyinka boodhka miidhan
ah ee gaadhi dameerad aha iyo baabuurtu isdhex yaacayaan,
iyada oo dumar masaro midabo qurux badani leh xidhana ay hareeraha
jidadka ku haystaan goodhiyo yaryar oo lagu iibiyo allaabooyin
yaryar.” Ayaa lagu soo koobay warbixinta Somaliland laga qoray ee
shalay lagu baahiyey wargayska Maraykanka ah ee Wall Street Journal.
Source: Jamhuuriya Online
|