ABDILAAHI DARAWAL OO GUURTIDA UGA DIGAY IN AY MUDO KORDHIN DAMBE SAMEEYAAN

 

Hogaamiyaha garabka isbeddel doonka xisbiga UDUB isla markaana ahaa wasiirkii hore ee caafimaadka Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) ayaa golaha guurtida uga digay in muddo kodhin dambe ay u sameeyaan  mada xweyne Rayaale, isla markaana haddii ay ku kacaan in dalka ay burbur u horseedayaan, waxaanu madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa ku  eede eyey inay ka shaqaynayaan sidii doorashada madaxtooyadu dib ugu dhici lahayd, kadibna muddo kordhin loogu samayn lahaa isaga oo safarkii mdaxweyne Rayaale ee dalka Kuwait-na uu ku tilmaamay socdaal maxaafsi lacageeda uu ku raadsaday.

Cabdillaahi Dirawal waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay  warge yska Haatuf la yeeshay, waxaanu sidoo kalana Ciidamada iyo  saraakiisho odaba uga digey in loo adeegsado cabudhinta shicibka.

Cabdilaahi Dirawal waraysigaas oo uu kaga hadlay arrimo ku saabsan komishanka doorashooyinka iyo marxalada uu dalku marayo wakhtigan iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan.

S: Sideed u aragtaa marxlada uu dalku wakhtigan marayo oo ay taagan yihiin khilaafaad la xidhiidha qabsoomida doorashooyinku?

J: Dalku marxalado doorasho oo hore ayuu soo maray, khilaaf kasta oo yimaadana waxa lagu xalin jiray oo lagaga gudbi jiray isku tanaasul iyo wada tashi intii uu madaxweyne Rayaale dalka hogaaminayey is bedel baa ku dhacay wada tashigii lagu soo caano maalay oo waxa dhacay in Rayaale arrinkasta oo wax lagu xalinayaba uu diido arina keeni waayo aqbalna keeni waayo halkii uu doorasho inay qabsoonta ka hawlgeli lahaa waxaad aragtaa in laba xubnood oo komishanka doorashooyinka ka tirsan oo ay u arkaan inay ka aragti duwan yihiin ay gooni ula baxaan, iyaga oo xubnaha kale ee komishankana heshiis kula ah in la eryo ay u gudbiyaan golaha Wakiilada si maamuska looga xayuubiyo, waxaanay doonaysaa in sidoodii hore ay golaha Guurtida u dhaqaajiyaan si ay muddada xilka ugu  kordhiy aan iyada oo saddex jeer oo hore ay Guurtidu muddo kordhin u samaysay xukuumadan ayaa maantana mar afraad waxay diyaar u tahay in muddo kordhin loo sameeyo, iyada oo marmarsiiyo korodhsiimo lagu doonayo la aloosayo, waxaan leeyahay umadani xamil bay leedahay aanay qaadi Karin qaladaad sharci oo dhaca, Guurtidana waxaan leeyahay hadaad u diyaar garowdaan inaydin cashuurta dalka masaakiinta ah laga qaado muddo kordhin ku samaysaan ummaddu idin ogaatay inaydaan lexjeclo ka qabin qarankan iyo sharciyadiisa waxaan ku talin lahaa marxalada taagan intii hadhow la dhaqdhaqaajin lahaa dad yidhaahda waa in talo qaran laga yeesho wixii lagaga bixi lahaa dib u dhac doorasho haddii ay timaado, shicibkana waxaan leeyahay Rayaale wuxuu marayaa inaanu waxba idin kala xishoon oo wuxu ogaaday inaydaan dareen siyaasadeedba lahayn, waxaana dhici karta inuu beritana idin yidhaahdo Somalia ma kala maarantee aynu taladooda dhexalno. ciidanada qalabka sida iyo saraakiisha hogaamisana waxaan leeyahay qarankan laydinkuma dhaarin in aydin shakhsiyaad difaacdaan oo aydin cid gaara ummada u abudhisaan,balse waxaan idiinku baaqyaa garta waajibaadkina diinka saaran ummadiina, dalkan sharciyadiisiii wayburburaysaa madaxweynihii cusbaa e doorasho ku iman lahaana madaxweynahan jooga ayaa muddo laba sanadood yo dheeraada wakhtigiisii kasii cunay.

Asxaabta siyaasadana waxaan leeyahay doorasho uun ha ku sii  mashqu ulinee, waxaan idinkula talinayaa inaad u sii diyaargardaan taladii lagaga bixilahaa marxlada inagu so fool leh.

S: Muddadii doorashada madaxtooyada loo cayimay ee 27 ka September,2009 inay ku qabsoonto waxa ka hadhsan muddo kooban, mana muuqato wax laga qabtay qabyadii doorashada dib u dhigtay, maadaama aanay jirin wixii suurtagelin lahaa muddadaa kooban ee hadhay miyaanay kuu muuqan inay taasi doorashada ay ka been sheegayso?

J:taasi waa iska cadaan, doqon guulwade ah loo sheegi maayee laguma hawlana in doorasho dhacdo ee shaqo kale ayey Xukuumadani ku jirtaa.

S:waxay dad badani rumaysan yihiin maadaama golaha Guurtidu muddo afar sanadooda ay isku kordhiyeen xilligii sharciyadoodu dhamaatay, saddex jeer oo horana ay madaxweyne Rayaale muddo kordhin u sameeyeen in mar afraadkana ay isku sii diyaariyaan in muddo kordhin kale ay u samayn doonaan arrimahaasi sideed u aragtaa?

J:waxaan u arkaa haddii ay Guurtidu ku kacaan go’aan muddo kordhina inay dalka burbur hor seedayaan waxaanse kula talin lahaa Guurtida inay ka waantoobaan muddo kordhinta xukuumada ee ay caadaysteen.

S:Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay in sharciyada dalka la raaci doono haddii doorashadu qabsoomi waydo asxaabta mucaaridkana waxa uu ku eedeeyey in aqoon la’aani ka hayso sharciyada iyo distoorka arrimahaa sideed u aragtaa?

J:horta Rayaale isagaan sharciyada aqoon sharcigana waxa Uu u yaaqaanaa kolba waxa u doonayo, waana kii hore BBC-da uga yidhi kolba qodobada distoorka aan u arko inaanay waxba dhimayn waan iska jidhaa, qoonta Rayaale ee sharcigana waxa inagaga filan inuu sida uu doono u jiidhjiidho.

S: Komishanka doorashooyinka khilaafka ka dhex oogan karti darada ka muuqata iyo wada shaqay la’aantooda ayaa daliil looga dhigayaa dib u dhac ku yimaada doorashada madaxtooyada, ma aaminsan tahay in komishankani doorasho suurtagalin karaan?

J:Horta waxa nasiib daro ah in komishankii doorashada loo soo doortay ay dhexdoodii wada shaqayn kari wayaan, wakhtigi doorashada lagu qaban lahaana uu gabaabsi soo noqday, markii laysla ogolaaday in afar xubnood lagu kordhiyo komishankana UDUB baa diiday waxaana haboon in xubnaha komishanka xubno kale lagu kaabo.

S:Safarkii uu madaxweyne Rayale kaga soo laabtay dalka Kuwait sideed u aragtaa?

J: Anigu safarkiisa Rayaale ee Kuwait waxaan u haystaa mid maxaafsi  sha xaad aan ka fogayn, wiil yar oo nin amiir ahi dhalay ayaa safarkiisa soo qaban qaabiyey, iyadoo balanqaado hore oo badan oo u dhagax ku dhigay warshado ay wada beenowdeen, iyadoo laba bilood oo kaliyi xilkaygii ka hadhay anigu balan kale oo dhagax dhiga ummadan kulamaan dhaceen.
 


Haatuf