Abuu Mansuur oo lagu dilay Soomaaliya

 

 


Laba hoggaamiye oo kooxaha Islaamiyiinta ah oo ka kala yimid dalalka Mareykanka iyo Britai n ayaa lagu dilay Soomaaliya sida ay sheegeen dad goobjoog ah.


Gedo (TNN):-Dad deggan gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar ay al-Shabaab ku qaadda y ay ku dileen Abu Mansuur al Amriki ama Omar Hammami oo Mareykan ah iyo Usama al-Brita ni, oo ah British asalkiisu Pakistan ka yimid, kuwaasi oo horey ay isugu dhaceen hoggaamiy aha al-Shabaab.Waxaa kale oo lagu soo warramay in isna dagaalkaasi ay al-Shabaab ku qab teen nin u dhashay Masar.

Kooxda al-Shabaab ayaa bilihiigu danbeeyay waxa soo kala dhexgalay kala qeybsanaan, iya da oo dagaalyahaniinta ajnabiga ah iyo kuwo kaleba uu bartilmaameedsanayay hoggaamiya ha xagjirka ah ee al-Shabaab Ahmed Abdi Godane oo u dagaallamaya in dowlad islaami ah laga dhiso gobolka.

Shalay ayaa shir maalmahan uga socday culamaa'uddiinka Soomaalida magaalada Muqdisho waxaa uu gababadii ku soo saaray ururka al-Shabaab Fatwa uu ku tilmaanatay in ururkaasi uu yahay mid xagjir ah oo diinta si khalad ah u adeegsanaya, isla markaasina ayna bannaan ayn in la taageero, ama laga mid noqdo.
 


Source: BBC