Abwaan Gaarriye, Kumu Ahaa: Faylasuuf Iyo Siyaasi Aan Damac Lahayn
Ugu horray Somali-bu ahaa, Somalinimadiisuna waxay ahayd mid uu ku
canqartay, waxayna uga dhinayd sidii hooyadii dhashay oo kale. Maxaa
yeelay Somalinimada waxaa sal u ah af Somaliga iyo dhaqanka la
xidhiidha.Hooyadii ayaa afkeeda bartay, sidaas owgeedbay Abwaan
Gaarriye Somalinimadu uga dhignayd hooyadii. Afsomaliligaana
Ugu horray Somali-bu ahaa, Somalinimadiisuna waxay ahayd mid uu ku
canqartay, waxayna uga dhinayd sidii hooyadii dhashay oo kale. Maxaa
yeelay Somalinimada waxaa sal u ah af Somaliga iyo dhaqanka la
xidhiidha. Hooyadii ayaa afkeeda bartay, sidaas owgeedbay Abwaan
Gaarriye Somalinimadu uga dhignayd hooyadii. Afsomaliligaana ahaa
midka uu ku fekero, iskuna cabiro. Sidaas oo kalena suugaanta
somalida ayaa uga dhignayd huga uu huwan yahay, asaga oo aha afka
keliya ee uu ku qoro suugaantiisa hodanka ah. Taas oo isla markaas
ahayd badaacadda qaaliga ah ee uu asagu soo saari jirey, oo ahayd
shayga keli ah ee mulkiga u leehay.
Abwaan Gaarriye, waxuu soo saari jirey suugaan hodan ah,taas oo
ahayd badeecad qaali ah, hase ahaatee suuqa keliya oo sida toos
looga iibsadaa ahaa suuqa dadka ku hadla af Somaliga. Madama uu ahaa
Abwaan si toos dadweynaha ugu caddeeya waxa uu aaminsan yahay oo aan
leex-leexad lagu oqoon ayaa dadweyna Somalidu guud ahaan toos ula
jaan qaadi jireen; Gogol dhigiisa, godol dhiciisa iyo gunanadkiisa
suugaanta. Gaarriye waxuu ahaa, sida Abwaan kasta yahay, nooca loo
yaqaan shacbi (populist) oo aan dan iyo muraad toona ka lahayn waxa
ay siyaasiintu jeclahan lahaayeen in uu ku sargooyo Hal-abuurka
maansadiisa, in kasta oo dhamaan waxa-soo-saarkiisa maansadu ahaa
mid u taagan mecnaynta xaaladaha ka taagan dunida, geeska afrika,
iyo carriga Somalida nafteedaba.
Sidaas darteed, marka aynu ka hadalayno adduun-aragiisa Somalinimo
iyo falsafada uu ka lahaa, waxaynu odhan karraa; Gaarriye weligii
hor iyo dambayso, wuxuu Somalinimada u arkaayey dadweynaha ama
Sacbiga, halka uu madaxda dawladda u arki jirey kuwo u taagan
cadaadinta dadkood. Qaabkaas adduun-araga ah waxaa looyaqaan
falsafad ahaan kacaanyahan ama dulmi diid. Taasaana keentay in 1982
uu ka goosto taliskii Siyaad Barre oo uu ku biiro halgankii
hubaysnaa ee debedda, Maxaa yeelay waxaan suuro gal ahayn in
halgganka isbeddel doonka gudaha dalka laga wado Keli talisnimadii
markaas dalka ka talinaayey darteed.
Waxuu isla markaas ahaa Dimoqoraadinimada, taas oo salka ku haysay
waayihii ka dhashay markii dawladihii Somaliyeed ee kala dambeeyey
ay ku guuldarraysteen hanashada caddaladda. Markii hal-ku-dhegyada
lixdanaadkii ee la xidhiidhey gobanimada, sida Midnimo, caddalad,
horumar, iyo sinaantii daaqadda laga tuuray. Markii Musuqa, eexda,
iyo qabiilaysigu uu nuxur-siibey, waddaniyadii, meeshana laga saaray
wax kasta oo Somalilada ka dhexeeyey, macnihii qaranimadana uu asal
ahaaba meesha ka baxday.
Gaarriye iyo Somaliland: Haddaba maxaa Abwaan Gaarriye iyo
Somalilandnima ka dhexeeyey? waxa laf-dhabarka ah ee ka dhexeeyey
waxuu ahaa dulmi diidnimo, caddalad jeceel, iyo u hiilinta xaq kasta
oo qof bani aaddam ahi leeyahay oo laga duudsiyo. waxaa laga yaaba
in dadka qaarkii u haystaan in Somalinimada iyo Somalilandnimu isku
lid yihiin, laakiin Gaarriye mar aan su碼ashan weydiiyey bal ila
arka waxa uu iigu jawaabay, waqtigu wuxuu ahaa markii labaabulayey
shirkii Carta ee Djbouti, oo dad badani u haysteen in uu mudho dal
noqon doono, aniga iyo asaguse markii aan wada jir u faallaynay aanu
isla qaadanay in uu ma-dhalays noqon doono, wuxuu yidhi 创
Somalilandnimadaydu maaha mid Somalinimo diid ah ee waa mid dulmi
diid ah创.. waa mid dimoqoradi doona, waa mid caddaalad doona..
waxaan kale oo u arkaa in Somalia soo raaci doonto dhabada ay
Somaliland qaaday sida Puntland ba ay u soo higsanayso oo ay
maalinba hal tallabo ugu soo qaadayso dhabbaha dawlad diska ee
Somaliland qaaday创. Gaarriye, waxaan kale oo sii weydiiyey bal sida
uu arko laba muqaddas, tan Midnimada Somaliweyn iyo tan
muqaddasnimada Gooni-isu-taagga Somaliland, wuxuu yidhi 创Aftidii
laga qaaday dadka reer Somaliland 2001 ee ay ku doorteen
madax-bannanida ayaa ahayd muqaddas.. maxaa yeelay waxaa jira gabay
Carbeed oo odhanaya 创Iradatu shacab min Iraatatu Allahi创 ama
doonista dadweynahu waxay ka mid doonista Ilaahay.
Hadalkan Abwaan Gaarriye waxuu inoo sheegayaa falsafad siyaasadeed
oo qoto dheer. wuxuu inoo sheegayaa in waqtigan aynu ku noolahay uu
yahay qatigii dimoqraadiyada, dimoqoraadyaduna tahay gogosha nabadda,
degenaanshaha, horumarka iyo caddaladda. Sidaas darteena ay
Somaliland hormood u tahay Somalida kale iyo dadyaega geeska Africa
ba.
Faylasuufnimada Gaarriye waxay ku jirtaa laba arrimood oo kala ah 1)
in uu sii arkayey sawirka guud ee xaaladaha markaas ka taagan dunida,
iyo 2) in uu iftiimin karey dhinaca taariikhda adduunku u socoto.
Qoraa Sare Aadan Muuse Jibriil
Email:
adamjibril@hotmail.com
|