Abwaan Gaarriye oo Caddeeyey Sababta uu u Galay Dhexdhexaadinta Khilaafka KULMIYE

 

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa shaaca ka qaaday in aannu habayaraatee ka tirsanayn saddex xisbi qaran ee dalka ka jira , balse sababta uu u galay dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga KULMIYE ay tahay sidii xal loogu heli lahaa muranka siyaasadeed ee ka dhexjira xisbiga KULMIYE, kaas oo uu ku tilmaamay haddii uu sii socdo cawaaqibxumo ku keeni kara xisbiga iyo guud ahaanba hawlaha horumar ee qarannimada Somaliland.

Abwaan Gaarriye oo hadalkiisan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay guddi uu hoggaaminayey kaga warramayeen xalay go’aan ay ka soo saareen khilaafka labada garab ee xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in isaga iyo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) aanay ka mid ahayn xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, haseyeeshee uu mamda’ooda koowaad yahay sidii ay mar walba ugu gurman lahaayeen hadba halkii uu khilaaf iyo muran cakirani ka jiro.

“Gaarriye ma KULMIYE ayuu galay baa laga yaabaa inaad ka hadashaan, horta aniga iyo Hadraawi xisbina kuma jiro, laakiin anigu meeshii gurmad la iiga baahdo ee ummadda la isku soo dhowaynayaba waan tagayaa, xisbi aan ku jiraase ma jiro, balse xisbiyada oo dhammi wixii ay gurmad iiga baahdaan waan gelayaa,” ayuu yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).

 

 



Togdheernews