Abwaan Hadraawi Oo Sheegay Xukuumadda Madaxweyne Siila anyo Hadday Fulin-waydo Wixii Ummaddu U Dooratay In Kal-Soonida Lagala Noqonayo

 

Hargeysa (TNN) - Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), oo ka mid ah Sugan-yahannada Soomaalida ugu caansan, ayaa si weyn u ammaanay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo uu sheegay inuu go'aankiisii ugu dambeeyey is-maydhay. Isla markaana, waxa uu daboolka ka qaaday in Madaxweynaha hadda talada haya Md. Axmed Maxamed Maxamuud  (Siil aanyo), ay horyaallaan inuu dhismaha ku hoggaamiyo Jamhuuriyad curdin ah, hase ahaatee, haddii laga waayo fulinta ammuurihii loo doortay ay bulshadu kalsoonida kala noqon doonto.

Abwaan Hadraawi oo shalay Madaarka Hargeysa ka dhoofay, una kicitimay dalka Ingiriiska, waxa uu waraysi khaasa siiyey Wargeyska HargeisaStar iyo Shabakadda Hadhwanaagnews intii aanu  dhoo fin, waxaanu waraysigaa Abwaanku kagaga hadlay sida dunidu isu beddashay, sida Somaliland  ind haha caalamka u soo jiidan karto, waxyaabaha looga baahan yahay, dhibaatooyinka Soomaaliya, iskaashi iyo midaw ay wada yeeshaan dawladaha Afrikaanku iyo qodobbo kale oo aad u xiiso badan. Abwaan Maxamed. Haddaba, waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa, waxa uu u dhacay sidan:-

S: Abwaan Hadraawi waxaad ka qaybgalaysaa shir ka dhacaya dalka Ingiriiska oo Soomaalida u  ga ar ah, bal shirkaas, waxa uu ku saabsan yahay iyo tirada Abwaaniinta aad kaga qaybgalaysaan bal nooga warran?

J: Shirkaasi intaan ka warqabo waa Shir sannad kasta lagu qabto Carriga Ingiriiska, waxa uu ku  ma gac-dheer yahay Toddobaadka Soomaaliyada, marka ugu horreysa dad baa lagu marti-qaadaa ka jawaabi kara ama aqoon u leh Soomaalida iyo waayeheeda, dhaqankeeda iyo taariikhdeeda, dad aqoon u leh oo maanso, hadal ama hawraarba kaga hadla. Inta badan waxa uu shirkaasi ku saabsan yahay soo noolaynta ummadda dhaqanka iyo soo noolaynta barbaarta wakhtigani inay wax ka ogaadaan ummaddan, shalay iyo waayeheedii, aqoonteedii, aftahannimadeedii iyo wixii la mid ah.

Markaa toddobaadkiibaa la qabtay oo qodobbo kala duwan oo kuwaa la mid ah oo dhaqanka iyo  ta ariikhda u badan ayaa lagaga hadlaa, dad fara badan oo waxyaabahaa aqoon u leh ayaa isugu  yim aadda, nin waliba qayb ayuu qaataa dadka Fanka ku shaqada leh ayaa ka soo qaybgala, dadka  Sug aanta ayaa ku badan, dadka taariikhda ayaa iyaguna qayb ka ah arrimahaa isbuuxinaya ayaa shirka lagu qabtaa, dhinaca kalena dadka Jooga dibadda waxbay u biirinaysaa. Geesta kalena waa u madaddaalo, maadaama oo ay dadku Qurbo joogaan, waayo? Wakhti ka wakhti loot ago waxay ku noqotaa dadkii nooga warrama, dalkii nooga warrama, hawlaha jira nooga warrama. Markaa waxa weeye in iyaga la guubaabiyo oo raadraaca ummadda ay ka soo jeedaan la fahan-siiyo oo lagu shubo, si aanay u lumin.

Anigu intaan ogahay, Shalay waxa ka duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Gabadhii la odhan jiray Aammina Cabdillaahi ee heesi jirtay, Ninkii la odhan jiray Axmed Saleebaan Biddie, iyo Ninkii la odhan jiray Boon Xirsi, kuwaasi shalay ayey tageen, dhinacyo kale oo sida Jabuuti, Muqdis ho dad baa looga yeedhayaa, aniguna waan ku biirayaa insha Allaah oo shirkaasaan ku qornahay. Toddobaad ayuu shirkaasi socdaa, toddobaadkaa uu socdo waxa loogu talagalay inay dadka kulanka imanayaa iyaga oo wax sita shirku dhammaado, iyaga oo dalkii looga warramay, oo la guubaabiyey, la baraarujiyey, oo wax lagu kordhiyey, xadhig ay cuskadaan oo adagna loo yeelay ayuu shirkaasi dhammaadaa. Markaa shirkaan ka qaybgalayaa kaa weeyaan, 23-ka October buu furmayaa toddobaad buu soconayaa, waa ii markii saddexaad ee aan shirkaa ka qaybgalo, labadii sano ee ugu dambeeyey maantagin, laakiin waxaan kaga qaybgalay labadiiba Hargeysa, October waxa lagu qabtaa shirkaa London, bisha July-na Hargeysa.

S: Hadraawi ahaan maxaa kuu qorshaysan oo aad isleedahay kaga qayb-qaado shirkaas?

J: Dee waxaan u sidaa, Aniga hadyaddeydu waa wixii la igu yaqaannay, markaa adeer Hadyad baan u sidaa Maanso ahoo, kala duwanoo, kala waayo ahoo, aqoon iyo taariikh xambaarsan, dhinacna u madadaalo ah oo u wanaagsan ummadda halkaas joogto, oo ah ummad duni kale ku nool oo u baahan habeennadaa in dhaxanta laga kiciyo, wahabka laga kiciyo oo Gabayo, Maansooyin iyo Heeso loo tiriyo, ujeeddadooda loo sharxo, la nooleeyo oo dhiig cusub lagu shubo. Markaa, Maansooyinkaana waan sidaa oo dhinacyo kala duwan ku saabsan, hadday kuwii jacaylka tahay, kuwii diiniga ahaa, kuwii siyaasiga ahaa tahayba waan sidaa, hadalna waan raacinayaa, Af-Soomaaligu hadal iyo hawraar buu u qaybsamaayoo labadaba waan ku talagalayaa, kuwa had iyo goor afku ku adag-yahay Af-Soomaaliga fudud ee ay garanayaan in casharka lagu siiyo, waxan kalena madaddaalo looga dhigo, intaasi markay dhammaatana waxan kale iyaga ayaa lagu wareejinayaa, nin waliba waxa uu tabayo su'aal ka dhibanayaa, oo looga jawaabayaa.

S: Abwaan, dalkeenna Somaliland waad la socotaa oo is-beddal weyn baa ka dhacay, dhinaca siyaasadda, sida indhaha Caalamku Somaliland ugu soo jeedaan iyo hawlka wakhtigan wax marayaan maxaad ka odhan lahayd.

J: Taasi way iska fududdahayoo, dalkan is-beddal baa ka dhacay wakhti aan fogeyn, is beddalkaa ka dhacay ummaddu ujeeddo ayey kala haayeen, intaasoo goor oo hore ayaa la hungoobay ee inaan doorashadaa lagu hungoobin ayey ahayd, laakiin aan mid kuu sheegee weli wakhtigii wax laga sheegi lahaa ma joogno'e, waa halkaynu u soconno inaynu is cabbirno oo caalamka soo jeedinno, caalamku iska iman maayo'e waa inuu raganimo aynu samaynay iyo dedaal aynu samaynay tusnaa iyo in dad wax la gashan karo, dad la caawin karo, dad la xoojin karo inaynu nahay waa inaynu is-caddeynaa, oo ficil isku caddeynaa. Markaa, khasab bay ku tahay caalamka inay innoo soo jeestaan, Beesha caalamku waxay eegtaa had iyo goor halka dhaqdhaqaaq iyo raganimo ka jiraan. Nidaamka cusub ee dawladdan imaka dhalatay anigu waxba ka odhan maayo oo wakhtigii wax laga odhan lahaa may gaadhin, ee iyadu ha is-caddeyso oo xaggaa ha marto ama xaggan ha marto. Markaasaynu qalabkii u haynaayoo haddii Illaahay ka dhigo sheegaynaa miyey ka baydhay waddadii tii hore mise waxbay kaga duwan tahay kuwii hore? Waa yar sugaynaa inta ay is-caddeynayso. Laakiin calaaya kulli-xaal waxaan ku soo koobayaa dawladda maanta dhalatay waa rejadii ugu dambaysay ee ummaddu leedahay, hadday sidaa u garato oo waddada toosan Illaahay waafajiyo iyada ayey sharaf iyo maamuus u tahay iyo ragannimo, haddii kalena, haddii Illaahay ka dhigo dadku way kala noqonayaan kalsoonidii hadday is-caddeyn waydo oo muraaddadii loo doortay fulin waydo, dee xaggana mushkilad baa imanaysa.

S: Abwaan Hadraawi, Xaaladda Geeska Afrika oo wejiyo kala duwan leh wakhtigan, markaa maxaad ka odhan lahayd, maadaama oo aad tahay qof dhaqan ahaan iyo duruuf ahaanba la socda?

J: Geeska Afrika aan ku idhaahdo ummamki waa is urursanayaanoo, reer Galbeedkii iyo nimankii reer Yurub waakuwan midoobayoo, Afrikadaa shishe shan lix dawladood uun baa isutagayoo samaystay lacag shantaa dal ka dhaxaysa, isku soo dhawaaday oo midoobay. Maantana ku dayashadaa reer Galbeedka uun maaha'e xataa Afrikadii inay isu yimaaddaan dawlado oo wax wada qabsadaan, illeen dadku markay is urursadaan waa quwad isku tagtay oo aan la riixi karine. Taasaan u rejaynayaa dawladahan Kenya, Uganda, Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya iyo dawladahaasina isu yimaaddaan oo is urursibaa caalamka ka jire aynu ku dayanno oo taa la nimaadno.

S: Abwaan, Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo adiga (Hadraawi) xidhiidhkiinnu muu fiicnayn muddooyinkii u dambeeyey, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo taariikh weyn ku leh Somaliland ayaa la doortay oo maanta talada haya, labadaa Mudane hab-maamulkooda maxaad ka odhan lahayd?

J: Waxba ha I qodqodine, Daahir Rayaale markii go'aankii lagu dhawaaqay ee uu yidhi Somaliland gacanta ku burburi mayso, wax noo dhexeeyey-ba markaasaan cafiyey, oo aan idhi qofku mar hadduu qaldamo oo uu ka noqdo ammaan buu leeyahay. Daahir Rayaale fikrad kasta oo laga qabay iyo wax kasta oo loo tirinayey-ba markii dambuu ismaydhay, waa intii ragannimadu ku dhammayd, waa intii looga baahnaa. Maanta Daahir Rayaale marka la eego fikraddiisa iyo aragtidiisa si wanaagsan baa loo arkayaa, waana go'aankii u dambeeyey ee uu qaatay maalintaas oo la kala dhaqaaqay. Markaa, Ninkii wuu ismaydhay Daahir, maantana sawirkuu lahaan jiray sawir ka duwan ayuu ummadda u leeyahay Daahir. Axmed waannu is-naqaannay oo Jabhaddii-baannu wada joognayoo uu Guddoomiye ka ahaayoo, waxay ahayd-ba Jabhadihiina doorkiisa soo qaaday, maantana Jamhuuriyad da'yar ay oo dhalatay ayaa laga rabaa inuu dadka ku hoggaamiyo inay dhisaan oo uu is-dhisidda, ragannimada iyo horumarka ku hoggaamiyo, dee taana kama rejo-li'in, laakiin Axmed maalintii arrintiisa laga hadlayey maynaan gaadhine Insha Allaahu maalinta ay gaadho ayey innoo ahaanaysaa..

S: Xaaladda Soomaaliya 20 sano wakhti ka sii socda ayaa dhibaatooyin iyo dagaallo aan kala joogsi lahayni ka socdaan, Ra'iisal-wasaare cusub ayaa dhawaan loo magacaabay, maxaad isleedahay wuu ku soo kordhin karaa, rejo intee le'eg baad ka qabtaa.

Qoladaa koonfurta ee aad sheegaysana Illaahay sida roon baan uga baryeyaa, muddo dheer ayaa Baaxaa deg iyo kacaakuf ka jiray, 20 sano ayaa dhiig daadanayey, ummaddii dalkii way ka qaxday oo maanta cidla ayey fadhidaa oo Roobka, Dhaxanta iyo Dugaaggu ka guranayaa. Horto waxaa dhacay iyo ayaan-darradaa ummadda ku dhacaysa inay marba ciddii joogtaa ay Masuul ka tahay oo jabkaa dhacay Aakhiro Illaahay iyaga ayuu weydiinayaa oo Adduunka iyaga ayaa la waydiinayaa, imakana Illaahay waxaan uga baryayaa inuu dhibka ka saaro. Imakana Madaxda meesha joogta waxaan ugu baaqayaa inay wax saxaan. Dee xagna waxay ka doonayaan in la midoobo oo Soomaali-weyntii la isugu yeedho, haddana waxa hortaagan in Muqdisho hagaajinteedii laga adkaan waayey, markaa waxaan leeyahay intay taasi jirto cid kale yey u hanqal-taagin, in magacoodu fido iyo in cidi u soo hilawdo dee taa yey sugin. Ninka Ra'iisal-wasaaraha laga dhigayna aqoon uma lihi ee waxa uu soo kordhiyaa ficilladiisa ayey ka muuqan doonaan

Source: Hargysastar