Adduunka ama Kownka(Qaybtii 35aad)

 


Dabeecadda Insaanka iyo marxaladihiisa


Insaanku waxa uu ka mid yahay makhluuqaadka Alle abuuray,waana ugu sarreeyaa, oo Illaahay ayaa siiyey,fadli uu kaga sarreeyo khalqiga kaloo dhan:
ولقد كرمنا بني آدم وحملناهم في البر والبحر ورزقناهم من الطّيبات وفضلناهم على كثير ممن خلقنا تفضيلا ( الاسراء)
Aayadda:xaqiiqa'e waxannu karaamaynay,oo mid sare ka dhignay,Bini'aadamka,oo Berriga iyo baddaba,u suuragelinnay inuu ku noolaado,oo ku irsaaqnay dayibaad wanaaqsan,oo ka fadilnay,in badan oo ka mid ah,makhluuqa aanu abuurnay.
Alle subxaana watacaalaa,waxa uu u doortay Insanku inuu maamulo Adduunkan,oo isagu ahaado,ka ay saaran tahay,masuuliyadda tooska ah,ee Adduunkani:
وإذ قال ربّك للملائكة انّي جاعل في الأرض خليفة(البقرة)
Aayadda:waqti xus(Nebi Allow)Rabigaa ku yidhi Malaa'igta waxa aan dhulka u samaynayaa khaliif maamula.
Alle waxa uu abuuray Aadan,oo ah aabbihii ay ka tafiirmeen Insaanku,ee durriyadiisa yihiin,waxana Aadan laga abuuray dhoobo,Xaawona isga ayaa laga abuuray,waa awoodda Illaahay,iyo xikmadiisee,wixii danbe waxa Alle ka abuuray candhuuf yar, oo ka kooban biyaha ragga iyo ugxanta dumarka,ka dib ayuu marxaladaha kala geddisan maraa,qofku ilaa laga oofsanayo,oo ciiddii laga abuuray asalkiisii hore,dib loogu celinayo:
ولقد خلقنا الإنسان من سلالة من طين ثمّ جعلناه نطفة في قرار مّكين ثمّ خلقنا النّطفة علقة فخلقنا العلقة مضغة فخلقنا المضغة عطامًا فكسون العطام لحمًا ثمّ أنشأناه خلقًا ءاخر فتبارك الله أحسن الخالقين ثمّ إنّكم بعد ذالك لميّتون ثمّ إنّكم يوم القيامة تبعثون (المؤمنون)
Aayadda:xaqiiqa'e waxannu insaanka ka abuurnay dhoobo is jiidanaysa,dabadeed waxan ka dhignay candhuuf(mani),ku sugan meel loo diyaariyey,ka dib waxannu candhuufadii ka abuurnay,xinjir yar,ka dib xinjirtii ayaannu ka abuurnay waslad,ka dib wasladdii ayaannu ka abuurnay lafo,ka dib lafihii ayaannu huwinnay,oo ku dedney jiidh,ama hilib,ka dib ayaannu abuurnay khalqi kale,Alle ayaa sarreeya,oo ugu wanaagsan cid wax abuurta,ka dib waad dhiman doontaan,oo dabadeed la idin soo saari doonaa,maalinta qiyaamaha.
Waxa Insaanka col la ah,oo cadaawad aan qarsoonayn kula jira Shaydaanka,waxana mar kasta Insaanka iyo Shaydaanka dhex yaalla,loollan ah weerar iyo difaac,waxana arrinkaasi bilawday markii la Abuuray Nebi Aadan calayhi salaam,oo Shaydaanku diiday,in uu u sujuudo markii Alle amarkaa bixiyey,isagoo Ibliis kibraya ayuu ka faanayaa,basharka oo odhanayaa ma waxa aan u sujuudaa,cid aad ka abuurtay ciid, iyadoo aad aniga iga abuurtay naar:
ولقد خلقناكم ثمّ صورناكم ثمّ قلنا للملائكة اسجدوا لأدم فسجدوا إلا إبليس لم يكن من السّاجدين قال ما منعك إذ أمرتك قال أنا خير منه خلقتني من نار وخلقته من طين (ألأعراف)
Aayadda:xaqiiqa'e waannu idin abuurnay,dabadeed suuradda iyo qaabka ayaan idiin samaynay,oo ku nidhi Malaa'igta u sujuuda Aadam,way sujuudeen Ibliis mooyee,oo kama mid ahayn inta sujuuddey,waxa Alle ku yidhi;maxaa kaa manciyey,oo kuu diidey in aad u sujuuddo,haddaan ku amray,wuxu Ibliis yidhi;aniga ayaa ka khayr badan,oo waxa aad iga abuurtay naar,isagana waxad ka abuurtay dhoobo.
Halkaa waxa ka bilaabantay,colaadda Insaanka iyo Shaydaanka wayna soconaysaa,ilaa qiyaamaha,oo qofkii Shaydaanka iska ilaaliya,ee ka guulaystaa waa badbaadayaa,kii uu ku guulaysto in uu duufsadona,cadaab ayuu u horseedayaa:
ولقد ذرأنا لجهنّم كثيرًا من الجنّ والإنس لهم قلوبٌ لا يفقهون بها ولهم أعينٌ لا يبصرون بها ولهم ءاذانٌ لا يسمعون بها أولئك كالأنعام بل هم أضل أولئك هم الغافلون(ألأعراف)
Aayadda:xaqiiqa'e waxannu Jahanama u samaynay,kuwo badan oo Jinka,iyo Insiga ah,oo waxay leeyihiin qalbiyo aanay waxba ku fahmaynin,iyo indho aanay waxba ku arkaynin,iyo dhego aanay wacba ku maqlaynin,kuwaasi waa sida xoolaha,iska daa xoolaha'e,way ka sii daran yihiin,oo ka sii baadiyaysan yihiin,waana kuwo qaafiliin ah,oo warmoog ah.
Alle subxaana watacaalaa,Insaanka marxalado kala duwan,ayuu mariyaa,oo isaga ayuu,ka abuuray,oo ka dhigay lab,iyo dheddigii,waxyaalihii uu u baahnaana,u abuuray,oo u sakhiray:
خلقكم من نفس واحدة ثمّ جعل منها زوجها وأنزل لكم من الأنعام ثمانية أزواج يخلقكم في بطون أمهاتكم خلقًا من بعد خلق في ظلمات ثلاث ذالكم الله ربّكم له الملك لا إلـه إلا هو فأنّى تصرفون(الزمر)
Aayadda:(Alle)wuxu idinka abuuray naf keliya,oo ka sameeyey sawjaddeeda,oo waxa Alle idiin soo dejiyey,sideed qaybood oo xoolaha ah(geela 2 awr & hal, Idaha 2 wan & lax,Riyaha 2 Ri' & Orgi,Lo'da 2 dibi&sac),waxa Alle idinku abuuray caloosha hooyooyinkiin,abuuritaan ka danbeeya abuuritaan kale, idinka oo ku jira saddex mugdi(caloosha,ilma galeenka iyo xuubka qofka ku sii dahaadhan),sidaasi waxa ay ka sugnaatay xagga Rabbigiin,Isaga ayaa iska leh mulkiga,Isaga mooyee Alle kalena ma jiro,waar xaggee ayay u leexanayaan.
Alle isagaa korreeyee,waxa uu Insaanka siiyey,dariiq sharci ah,oo ay ku tarmaan,oo isagaa,ugu deeqa qof kasta ubad,hadduu doono,iyo sida uu u doono:
لله ملك السّماوات والأرض يخلق ما يشاء يهب لمن يشاء إناثًا ويهب لمن يشاء الذّكور أو يزوجهم ذكرانًا وإناثًا ويجعل من يشاء عقيمًا إنّه عليمٌ قدير(الشورى)
Aayadda:Alle waxa u sugnaaday,oo uu leeyahay samooyinka iyo arlada,oo waxa uu doono ayuu abuuraa,qofkuu doono wuxu u hibeeyaa,oo siiyaa hablo,oo kuu doonona waxa uu u hibeeyaa,oo siiyaa wiilal,kuu doonona wuu isugu daraa hablaha iyo wiilasha,kuu doonona Alle wuxu ka dhigaa ma dhalays,Alle waa ka cilmiga badan,ee awoodda leh,oo kara waxa uu doono.
Qof kasta noloshiisu way xaddidan tahay,oo Alle ayaa u dhigay nidaamkeeda,oo waxa qofka looga baahan yahay,in uu Alle talasaarto oo u tabcado sida Alle banneeyey,ee sharciga looga dhigay,kuna qanco,oo ogolaado qadarka Eebbe:
عن أبي عبد الرّحمن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال:حدثنا رسول الله صلى الله عليه وسلّم وهو الصّادق المصدوق:"إنّ أحدكم يجمع خلقه في بطن أمّه أربعين يومًا نطفة،ثمّ يكون علقة مثل ذالك،ثمّ يكون مضغة مثل ذالك،ثمّ يرسل إليه الملك فينفخ فيه الرّوح،ويؤمر بأربع الكلمات :بكتب رزقه،وأجله،وعمله،وشقيٌّ أو سعيد،فوالله الّذي لا إلـه غيره،إنّ أحدكم ليعمل عمل أهل الجنّة إلا ما يكون بينه وبين الجنّة إلا ذراعٌ فيسبق عليه الكتاب فيعمل بعمل أهل النّار فيدخلها، إنّ أحدكم ليعمل عمل أهل النّار إلا ما يكون بينه وبين النّار إلا ذراعٌ فيسبق عليه الكتاب فيعمل بعمل أهل الجنّة فيدخلها"رواه البخاريّ ومسلمٌ.
Xadiiska:waxa laga weriyey,Abi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ibnu Mascuud Alle ha ka raalli ahaadee,in uu yidhi;Rasuulka nabadgelyo,iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,ayaa noo sheegay,waana runsheege,la rumaysto;qof kasta,oo idinka mid ah,waxa abuuriddiisa uu uurka hooyadii ku jiraa afartan maalmood,isagoo candhuufo ah,ka dib waxa laga dhigaa xinjir yar,oo uu ahaadaa afartan maalmood,oo kale,ka dib waxa laga dhigaa waslad yar,oo uu ahaadaa afartan maalmood,oo kale,markaas ayaa malag,loo diraa,ku afuufa nafta,oo la amraa afar kelmedood:in uu qoro risiqiisa,iyo cimrigiisa,ama ajashiisa,iyo camalkiisa, iyo shiqi iyo siciid kuu noqon doono,Allaha aan Isaga mooyee,Alle kale jirin ayaan ku dhaartee;midkiin ayaa samaynaya,camalka ehlu Jannada,ilaa ay Jannada uga hadhsan yihiin,in dhudhun le'egi,markaasaa kitaabkiisii soo hormarayaa,markaasuu samaynayaa camalka ehlu Naarka,markaas ayuu gelayaa Naarta, midkiinna waxa uu samaynaya,camalka ehlu Naarka,ilaa ay Naarta uga hadhsan yihiin,in dhudhun le'egi,markaasaa kitaabkiisii soo hormarayaa,markaasuu samaynayaa camalka ehlu Jannada,markaas ayuu gelayaa Jannada.
Alle subxaana watacaalaa,wuxu Insaanka siiyey,oo u abuuray muuqaal,iyo suurad wanaagsan,oo uu makhluuqaadka kale dheer yahay:
ألله الّذي جعل لكم الأرض قرارًا والسّماء بناءً وصوركم فأحسن صوركم ورزقكم من الطيّبات ذالكم الله ربّكم فتبارك الله ربّ العالمين(غافر)
Aayadda:Alle waa ka idiinka yeelay dhulka mid deggan,samadana mid dhisan,ee idiin sameeyey muuqaalkan,oo wanaajiyey muuqaalkiinna,oo idinku arsaaqay dayibaadka iyo waxyaalaha wanaagsan,kaasi waa Rabbigiin,waxa nasahan,oo sarreeya Alle,ee ah caalamiinta Rabbigooda.
Ujeeddada keliya,ee loo abuuray Insaanka,waa in ay Alle caabudaan:
وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون ما اريد منهم من رزق وما اريد ان يطعمون ان الله الرزاق ذو القوة المتين...(ءاية في سورة الذاريات)
Aayadda:uma aan abuurin Jinka iyo Insiga,inay i caabudaan mooyaane,kama rabo risiq,iyo inay i quudiyaan,illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.
Anbiyadii iyo Rusushii Alle soo diray,si ay dadka Jin iyo Insiba,diinta u baraan,waxay wada ahaayeen,Bini-aadan,oo Insaan bay ahaayeen:
فأرسلنا فيهم رسولا منهم أن اعبد الله ما لكم من إلـه غيره أفلا تتّقون(المؤمنون)
Aayadda:waxa aannu u dirnay Rasuul ka mid ah(Insaan ah),in ay Alle caabudaan,idiinma uu sugnaan Alle kale'e,waar miyaydinaan baqaynin.
Insaanka Allihii abuuray ayaa u doortay,in ay Arlada maamulaan,oo hoggaankeeda, iyagu qabtaan,Illaahayna si fiican ayuu u yaqaannaa,Insaanka iyo dabeecadihiisa,iyo waxa ka guuxaya,ama uu iskula sheekaysanayo,ee maskaxdiisa ku jira:
ولقد خلقنا الإنسان ونعلم ما توسوس به نفسه ونحن أقرب إليه من حبل الوريد(ق)
Aayadda:xaqiiqa'e waxannu abuurnay Insaanka,oo cilmi ayaannu u leenahay,waxa ku samaynaya naftiisa wiswis,ama dareenkiisa hoose,oo annagu waxa aannu uga dhow nahay xawlal mariidkiisa.
Illaahay wuu inooga warramay,dabeecada Insaanka,oo sifooyin badan ayuu Quraanku ku tilmaamay Insaanka,sida:dulmi badnaanta,jaahilnimada,daciifnimada,degdegga,iyo salfudaydka,gacan adayga,kufri jacaylka,maal jacaylka,amaan iyo faan jacaylka,sida oo kale canaan iyo walaac badnaanta,iyo qalbi adkaanta qaar lagu metelan sida dhagaxa,iyo caqli darraanta,oo la tilmaamayo in xoolaha ay la mid yihiin,kana sii liitaan.
Insaanku mar waa dulmi badane,ah jaahil:
قال تعالى (إنا عرضنا الأمانة على السّماوات والأرض والجبال فأبين أن يحملنها وأشفقن منها وحملها الإنسان إنه كان ظلوما جهولا)( الأحزاب)
Aayadda:waxanu u bandhignay amaanada samooyinka iyo arlada iyo buuraha, dabadeed way diideen in ay qaadaan,oo culayskeeda ayay dhibsadeen,waxase qaaday Insaanka waa dulmi badane jaahil ah.
Insaanku waa mid dood,iyo muran aan xikmad ku salaysnayn gala,oo illaawa xaqiiqooyinka,iyo runta:
أولم ير الإنسان أنّا خلقناه من نطفة فإذا هو خصيم مّبينٌ وضرب لنا مثلا ونسي خلقه قال من يحيي العظام وهي رميم قل يحيها الّذي أنشأها أوّل مرّة وهو بكلّ خلق عليم(يس)
Aayadda:miyaanu Insaanku arkin,oo ogayn,in aannu ka abuurnay,candhuuf yar(mani) haddana waaba isagii oo dood cad la imanaya,oo tusaale noo soo qaadanaya,oo odhanaya,isagoo illaawaya abuuritaankiisa,sidee ayaa lafahan,loo soo noolaynayaa,ka dib markay noqdeen wax burburay,waxad ku tidhaahdaa(Nebi Allow)waxa noolaynaya,kii abuuray,markii horeba,iyagoo aan jirin,khalqi kasta,iyo abuur kastana cilmi buu u leeyahay.
Insaanku waa mid gacan adag,oo daba ka werwer lagu salliday:
قل لو أنتم تملكون خزائن رحمة ربّي إذًا لأمسكتم خشية الإنفاق وكان الإنسان قتورًا(الإسراء)
Aayadda:dheh(Nebi Allow)haddii la idin siiyo,oo mulkigaasa gacanta la idiin geliyo,khasnadaha Raxmadda Eebbe,waad ceshan lahaydeen,oo ma aydin bixiseen, idinkoo ka baqaya bixinta(oo daba kawerwer qaba),Insaanku waa mid quturasho badan,oo aad u gacan adag.
Insaanku aad ayuu u jecel yahay maalka,oo ugu ba'an yahay:
إنّ الإنسان لربّه لكنودٌ وإنّه على ذالك لشهيدٌ وإنّه لحبّ الخير لشديد أفلا يعلم إذا بعثر ما في القبور وحصل ما في الصّدور إنّ ربّهم بهم يومئذ لخبير(العاديات)
Aayadda:Insaanku waa mid Rabbigii ku kufriyid badan,isagoo arrinkaa,u warqaba,oo og,waana mid aad xoolaha,iyo maalka u jecel,miyaanu ogeyn marka la iska soo saaro qabuuraha,oo waxa sadriyada,iyo laabaha ku jira debeda la soo dhigo,oo la caddeeyo,maalintaas Alle waa ka khabiirka ah.
Insaanku waa mid maalkaa uu jecelyahay,ka werwera,oo ka cabsada,in uu waayo,ama uu ka dhamaado,ama ka yaraado,oo wuu ku dhegsan yahay,ka iimaanka leh mooyee:
إنّ الإنسان خلق هلوعًا إذا مسّه الشّر جزوعًا وإذا مسّه الخير منوعًا إلا المصلّين الّذين هم على صلاتهم دائمون والّذين في أموالهم حقّ معلومٌ للسّائل والمحروم والّذين يصدّقون بيوم الدّين والّذين هم من عذاب ربّهم مشفقون إنّ عذاب ربّهم غير مأمون والّذين لفروجهم حافظون إلا على أزواجهم أو ما ملكت أيمانهم فإنّهم غير ملومين(المعارج)
Aayadda:Insaanku waa mid laga abuuray walaac iyo baqasho,oo haddii uu taabto shar,wuu ka xumaanayaa,oo cabanayaa,haddii khayr la siiyona,wuu mancinayaa,oo waxba ka bixin mayo,kuwa tukada mooyaane,kuwaasoo joogtaysta salaadooda,oo maalkooda ka siiya xaqa go'an dadka weydiisanaya,ama dewersanaya,iyo kuwa maxruumiinta ah,ee aan waxba haysan,kuwa u sadaqaysanaya,maalinta qiyaame,ee ah kuwa,ka cabsanaya cadaabka Rabbigood,Cadaabka Rabbigood waa mid aan laga aamin qabine,kuwa ilaalinaya,ee xifdiyaya farjiyadooda,cidda ay is qabaan mooyee,ama gacantoodu mulkiday,kuwaasi waa kuwo aan la canaananayn.
Alle isagaa abuuray,oo cilmi u leh addoomadiisa,oo u qiyaasa maalka:
ولو بسط الله الرّزق لعباده لبغوا في الأرض ولكـن ينزّل بقدر ما يشاء إنّه بعباده خبير بصير(الشورى)
Aayadda:Haddii Alle Addoomadiisa u badiyo oo u waasiciyo arsaaqda way xadgubi lahaayeen oo kibri lahaayeen,laakiin Alle wuxu u soo dejiyaa,hadba qiyaas iyo qaddar go'an,ee uu isagu doono,Alle Addoomadiisa isagaa khibiir u ah oo arkaya.
Insaanka dabeecaddiisa,waxa ka mid ah,in uu markuu dhibban yahay Alle xusuusto, oo baryo,oo si niyad ah,wax u weydiisto,marka dhibtii Alle ka qaadona xumihii miista,oo aan shukri niqin:
وإذا مسّكم الضّرّ في البحر ضلّ من تدعون إلا إيّاه فلمّا نجاكم إلى البرّ أعرضتم وكان الإنسان كفورًا(الإسراء)
Aayadda:haddii dhibi idinkula kulanto badda,waxa u qaylinaysaan,oo baryaysaan Alle keliya,marka uu idiin badbaadiyo berrigana waad jeesanaysaan,oo caasiyaysaan,Insaanku waa kufri badane,gaalooba.
وإذا مس الإنسان ضرّ دعا ربّه منيبًا إليه ثمّ إذا خوّله نعمة منه نسي ما كان يدعوا إليه من قبل وجعل لله أندادًا ليضلّ عن سبيله قل تمتّع بكفرك قليلا إنّك من أصحاب النّار (الزمر)
Aayadda:haddii Insaanka,ay taabato dhibaato,Rabbigiis ayuu baryayaa,isagoo iyadoo ay ka niyad tahay,dabadeed marka aannu nimco ugu beddelno,wuxu illaawaa,wixii uu hore u soo maray,iyo baryadii,oo Alle ayuu u shariig yeelaa,si uu waddada uga lumo,ku dheh(Nebi Allow)iskaga raaxayso kufrinimadaada in yar,waxad ka mid tahay asxaabta Naarta'e.
Insaanku waa mid markiiba quusta,oo laga yaabo,in haddii dhibi la kulanto,in uu gaaloobo,oo kufriyo:
ولئن أذقنا الإنسان منّا رحمة ثمّ نزّعنا منه إنّه ليئوس كفور(هود)
Aayadda:haddii aannu dhadhansiinno Insaanka raxmad,ka dibna ka siibno,oo ka qaadno,waaba kii oo quustay,oo gaaloobay.
Insaanku waa mid faan iyo rayrayn badan:
ولئن أذقناه نعماء بعد ضرّاء مسّته ليقولنّ ذهب السّياءات منّي إنّه لفرح فخور(هود)
Aayadda:haddii aanu Insaanka nimco dhadhansiinno,dhibaato soo martay ka dib,wuxu odhanayaa,xumihii way iga tageen,wuu farxad badane,faan badan.
Insaanku wuxu jecel yahay faanka,iyo amaanta,iyo waxa la midka ah:
لا تحسبن الّذين يفرحون بما أتوا ويحبّون أن يحمدوا بما لم يفعلوا فلا تحسبنّهم بمفازة من العذاب ولهم عذاب أليم(العمران)
Aayadda:ha u malaynin kuwa ku farxaya,waxa la siiyey,ee jecel in lagu mahadiyo,wax aanay samaynin,ha u malaynin kuwo ka fawsaya,oo ka badbaadaya cadaabka,waxa ay leeyihiin cadaab kulul.
Insaanku waxa uu la mid noqdaa xoolaha,marka uu caqligiisa,adeegsan waayo,oo waaba ka sii daran yahay,oo ka sii caqli xumaadaa xoolaha,mar haddaanu Allihii abuuray garanayn,oo keligii caabudayn,oo adeecaynin amarradiisa:
أم تحسب أنّ أكثرهم يسمعون أو يعقلون إن هم إلا كلأنعام بل هم أضلُّ سبيلا(الفرقان)
Aayadda:ma waxa aad u malaynaysaa(gaalada)in badankoodu wax maqlayaan,ama wax fahmayaan,oo caqliyaysanayaan,ma aha wax kale'e waa sida xoolaha,iska daaye way ka sii baadiyaysan yihiin,oo ka sii lunsan yihiin xoolaha.
Insaanka waxa sidoo kale,lagu tilmaamaa dhagaxa,in uu la mid yahay,oo dhagaxu ka fiican yahay waqtiyada qaar,Insaanka sifadaa lihi waa ka aan Alle garanayn,ee caasiyaya,ee aan qaadanayn waanada,iyo digniinta,oo iskaga sii indha cad,ee samaynaya,wixii cadaabka lagu gelayey:
ثمّ قست قلوبهم من بعد ذالك فهي كالحجارة أو أشدّ قسوة وإنّ من الحجارة لما يتفجّر منها الأنهار وإنّ منها لما يشّقّق فيخرج منه الماء وإنّ منها لما يهبط من خشية الله وما الله بغافل عمّا تعملون(البقرة)
Aayadda:ka dib waxa adkaaday,oo qallalay qalbiyadoodii,waa sida dhagaxa oo kale,ama kaba sii daran adayga,waayo dhagaxa,mar bay webiyo ka burqadaan,oo ka fatahaan,oo dhagaxu mar buu kala dillaacaa,oo ay biyo ka soo dhex baxaan,oo marmar buu dhagaxu cabsida Eebbe darteed,hoos ugu degaa,Allena ma aha,,mid ka qaafil ah,oo mooggan waxa aad samaynaysaan.
Waxa Insaanka loo sheegayaa,in Adduunku yahay goob shaqo,iyo goob imtixaan:
أم حسبتم أن تدخلوا الجنّة ولمّا يأتكم مثل الّذين خلوا من قبلكم مسّتهم البأساء والضّرّاء وزلزلوا حتّى يقول الرّسول والّذين ءامنوا معه متى نصر الله ألا إنّ نصر الله قريبٌ(البقرة)
Aayadda:ma waxa aad u malaynaysaan,in aad Jannada iska gelaysaan,iyadoo aanay idiin imanin,oo idinla kulmin,wixii dadkii idinka horreeyey ku dhacay,oo kale,waxa haleelay dhib,iyo ibtilo,oo aad bay u wareereen,oo la gilgilay,ilaa Rasuulkii iyo kuwii weheliyey,ee rumeeyey yidhaahdeen,goorma ayuu gargaarka Alle imanayaa,waar hooy,gargaarka Alle,waa mid dhow.
Waxa Insaanka loogu yeedhayaa,in ay Jannada iyo Aakhiro u shaqaystaan:
وسارعوا إلى مغفرة من ربّكم وجنّة عرضها السّماوات والأرض أُعدّت للمتقين الّذين ينفقون في السّراء والضّرّاء والكاطمين الغيط والعافين عن النّاس والله يحب المحسنين(العمران)
Aayadda:u degdega maqfirada,iyo denbi dhaafka Rabiigiin,iyo Jannada ballaadhkeedu le'eg yahay Samooyinka,iyo Arlada oo loo diyaariyey dadka mutaqiinta ah,ee cabsada kuwa u bixiya sadaqada markay ladan yihiin,iyo markay waxyar haystaanba,ee laqa,oo qarsada cadhada,ee dadka cafiya,Alle waa jecel yahay ku muxsiniinta ah,ee sameeya ixsaanka.
Insaanka waxa laga rabaa,in mar kasta uu denbi dhaaf dalbado,oo nafta xakameeyo:
قالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم " كل ابن آدم خطاء وخير الخطائين التوابون "
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi; Bini-aadamka oo dhami wuu denbaabaa,waxana kuwa denbaaba ugu khayr badan, kuwa toobad keena,ee denbi dhaafka dalbada.
"human is to err Allah to forgive"
Insaanka wanaagsan,ee Alla ka cabsada,marka uu geeriyoodo waa la soo dhoweeyaa:
يا أيّتها النّفس المطمئنّة إرجعي إلي ربّك راضية مرضيّة فادخلي في عبادي وادخلي جنّتي(الفجر)
Aayadda:nafyahay xasilloon,ee deggani u noqo Rabbigaa,adigoo raalli ah,oo lagaa raalli yahay,oo dhexgal Addoomadayda,oo gal Jannadayda.
Waxa Insaanka lagu celinayaa,ciiddii laga abuuray,oo lagu aasayaa,lagana soo saari:
مِنْهَا خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَى(طه)
Aayadda:(Ciidda)iyada ayaannu idinka abuurnay,oo iyada ayaannu idinku celin doonnaa,oo iyada ayaannu idinka soo saari doonnaa,mar kale.
thou man is dust unto dust thou shall return"."
Waxa aynu Alle ka baryaynaa in uu khaatumada khayr inooga dhigo,oo If iyo Aakhiroba ixsaan ina siiyo.



Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w