Adduunka ama Kownka(Qaybtii 42aad)

 

 


Riddada ama Riddoobista:
Riddadu waa ka bixista diinta Islaamka,ama diin kale gal,ama ha geline,waana gaaloobid,waxa diinta Islaamku ka dhigtay sharci,iyo qaanuun adag,oo ah in qofka riddooba la dilo,wax arxana looma geli karo,waa waajib Alle dhigay,oo diinta ku sugan,qofka haddii aanu waalli ku sugnayn,oo caqligiisu dhan yahay,oo uu diinta Islaamka ka baxo,sharcigiisu waa dil,qofkii dilaana waa ku Janno tegayaa:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم-:"من بدّل دينه فاقتلوه"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: kii beddela diintiisa dila,oo ha la dilo.
Dadka awilba markoodii hore gaalo ahaa,Alle waa u kala caddeeyey dariiqa saxa ah,iyo ka kale,iyagaa leh ikhtiyaarka dariiqa ay qaadayaan,oo hadhow abaalkiisa ay helayaan,laakiin qof asalkiisa muslin ahaa,lagama aqbalayo,ma aha calaa keefu,waxa loo dheeraynayaa qoorta,oo looma arxamayo,ee waa la dilayaa,Islaamku waa diin cadaaladeed,oo saddex jeer ayaa qofka la ogol yahay,in sharci ahaan la dilo,saddexdaa waxa ka mid ah qof muslin ahaa,oo ka baxay diinta,oo riddoobey:
عن ابن مسعود رضيّ الله عنه قال:قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"لا يحل دم امرئ مسلم إلا بإحدى ثلاث:الثيّب الزاني،والنفس بالنّفس،والتارك لدينه المفارقة للجماعة"رواه البخاري ومسلم.
Xadiiska:Abi Mascuud Alle ha ka raalli noqdee,ayaa sheegay in,Rasuulku Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,yidhi;xalaal ma aha,dhiigga qofka muslinka ahi,saddex arrimood mooyaane:qof guri leh,oo sinaysta,iyo naf loo dilayo naf kale,oo ay dishay,iyo qof diinta ka baxa,oo ka riddooba,oo ka baxa jamaacada muslinka.
Xaqu waa cad yahay,laakiin ogow Shaydaanku waxa uu wadaa mashaariicdiisa,iyo hawlihiisa uu ku luminayo dadka waddada toosan haysta,oo Shaydaanku taas hore ayuu u ballan qaaday,waxana uu adeegsadaa dad uu hore u lumiyey,waa gaalada'e,oo gaaladu marna kaama raalli aha,ilaa aad sidooda gaalowdo:
وَلَنْ تَرْضَى عَنْكَ الْيَهُودُ وَلا النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ (البقرة)
Aayadda:idinkama raalli noqonayaan Yuhuudda iyo Nasaaridu(Kiristanku),ilaa aad raacdaan milladooda mooyee.
Gaaladu waxay beenaysay Aayadaha Alle,oo Alle iyo Rasuulkiisa iyo diintiisa way diideen,cid kasta oo Alle iyo Rasuulkiisa aaminsanna way collaystaan,oo way neceb yihiin,oo waxay ku dadaalaan,in dadku sidooda wada gaaloobaan,oo mar kasta
Gaaladu waxay u taagan tahay,sidii dadka ay uga hor istaagi lahaayeen khayrka,iyo cibaadada Alle keligii,waxana ay falawgeed mar kasta ku jiraan siday dadkoo dhan, sidooda gaalo uga dhigi lahaayeen:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ تُطِيعُوا الَّذِينَ كَفَرُوا يَرُدُّوكُمْ عَلَى أَعْقَابِكُمْ فَتَنْقَلِبُوا خَاسِرِينَ (آل عمران)
Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,haddii aad adeecdaan kuwa gaalobey, diintay idinka saarayaan,markaas ayaad isu rogaysaan kuwo khasaara.
Dariiq kasta isagoo Shaydaanku adeegsanaya,oo dabada ka wado,ayay u taagan yihiin,sidii ay dadkoo dhan u lumin lahaayeen,qofka oo ay khaldaan,ama aqoon la'aantiisa,ama baahidiisa hadba meesha ay uga soo dhici karaan,kuwana dagaal bay la gelayaan,ama iyagay dhexdooda fidno iyo dagaalo ka abuurayaan,si ay u helaan fursad ay dadka ugu helaan,sabab ay ku dagaan,oo u lumiyaan,diintana uga saaraan:
ولا يزالون يقاتلونكم حتّى يردّون عن دينكم إن استطاعوا ومن يرتدد منكم عن دينه فيمت وهو كافر فأولئك حبطت أعمالهم في الدّنيا والأخرة وأولئك أصحاب النّار هم فيها خالدون (البقرة)
Aayadda:kama suulayaan(gaaladu),oo kama waantoobayaan,in ay idinla dagaalamaan,ilaa ay idinka saaraan diintiinna,haddii ay awoodaan,oo kiinnii ka baxa diinta,ee riddooba,oo ku dhinta gaalnimadaas,waxa uu ka mid yahay kuwa camalkoodu baaba'ay,ee buray,Adduunka iyo Aakhiroba,oo kuwaasi waxa ay ka mid yihiin Asxaabta naarta,wayna ku waarayaan weligood.
Diin kale oo aan Islaamka ahayni ma jirto,oo diinta keliya ee Alle ogol yahay waa ta Islaamka,kuwa diinaha kale sheeganayaa,waa wada gaalo,waana ehlu naar:
(ومن يبتغ غير إلإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الأخرة لمن الخاسرين) (العمران)
Aayadda:ciddii raadsata ama qaadata Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo,
Aakhirona waa kuwa khasaaray
Gaaladu waa dhamaan ciddii aan haysan Diinta Islaamka,oo isugu jira;dadka loo yaqaan Ehlu kitaabka,oo ah Kiristaanka iyo Yuhuudda,waxa kale oo gaalada ka mid ah Mushrikiinta,ee sanamada iyo naarta iyo wixii la mid ah caabuda,iyo Cawaanka ama Mulxidiinta aan Alleba aaminsanayn,ilaa intay ka qaadanayaan Islaamka,oo Alle iyo Nebiga rumaynayaan,waa gaalo,oo dhamaan waa ehlu naar :
إنّ الذين كفروا من أهل الكتاب والمشرلين في نار جهنّم خالدين فيها أولئك هم شرّ البريّة(البيّنة)
Aayadda:kuwa gaaloobay ee isugu jira Ehlu kitaabka(Kiristanka & Yuhuudda) iyo Mushrikiintu,waxay gelayaan Naarta Jahannama,oo ay ku waarayan,waana kuwa ugu shar badan,wax la abuuray oo dhan.
Haddaba qofka ay ku dhacdo seefta Shaydaanku,ee gaaladu u hesho goldaloolo,ay ku gaalaysiiso,waa la dilayaa,loomana arxamayo,Aakhirona cadaab kulul ayuu leeyahay, haddii aanu inta goorigoor tahay,xaqa ku soo noqon,waana xad iyo Qaanuun diineed:
تلك حدود الله ومن يطع الله ورسوله يدخله جنّات تجري من تحتها الأنهار خالدين فيها وذالك الفوز العظيم(النساء)
Aayadda:arrinkaasi waa xuduudda Alle,oo kii adeeca Alle iyo Rasuulkiisu,waxa uu gelayaa Jannooyin,ay hoos marayaan webiyo,oo uu ku waarayaa,oo arrinkaasi waa guul aad u weyn.
Qofka gaalooba,ee riddooba,ogow Alle waxba ugama baahna,isaga ayaa u baahan Alle,oo u baahan Jannadiisa iyo naxariistiisa,Alle waa ka maarmaa,oo siduu u abuuray,ayuu abuuran karaa kuwo kale,oo adeeca,oo jecel isaguna jecel yahay:
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا مَنْ يَرْتَدَّ مِنْكُمْ عَنْ دِينِهِ فَسَوْفَ يَأْتِي اللَّهُ بِقَوْمٍ يُحِبُّهُمْ وَيُحِبُّونَهُ أَذِلَّةٍ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ أَعِزَّةٍ عَلَى الْكَافِرِين)(المائدة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,kiinna ka riddooba diintiisa,waxa Alle keeni doonaa,oo ku bedeli doonaa,kuwo Alle jecel,Allena jecel yahay,oo u dhibirsan muuminiinta,kuna adadag gaalada.
Alle dadka waxa uu uga digayaa riddada,iyo gaalowga,waxana Alle u sheegayaa in ay ku khasaraayaan arrinkaa,oo cadaab ku mudanayaan:
((وَلا تَرْتَدُّوا عَلَى أَدْبَارِكُمْ فَتَنْقَلِبُوا خَاسِرِينَ)) [المائدة]
Aayadda:ha ka noqonina cidhbihiinna,oo ha riddoobina,oo ha isu rogina kuwo khasaaray.
Alle subxaana watacaalaa,waxa uu inoo caddaynayaa,in aanu Isagu dadka waxba uga baahnayn,oo qani ka yahay,kii gaalooba,ee riddoobana isaga u xun tahay,waayo nafna naf kama masuul aha,oo Joonkii ama Joorjkii afka kuu macaaneeyey,ee ku duufsaday Aakhiro waxba kuuma tarayo,naf kasti waxa ay iyadu kasbato bay leedahay:
إن تكفروا فإنّ الله غنيّ عنكم ولا يرضى لعباده الكفر وإن تشكروا يرضه لكم ولا تزر وزارة وزر أخرى ثمّ إلى ربّكم مّرجعكم فينبئكم بما كنتم تعملون إنّه عليمٌ بذات الصّدور(الزمر)
Aayadda:haddii aad kufridaan,oo gaalowdaan,Alle wuxu idinka yahay qani,oo waa idinka maarmaa,idiinma baahna,oo Addoomadiisa ugama raalli aha gaalnimada iyo kufrinimada,oo haddii aad u shukri naqdaan,wuu idinka raalli noqonayaa,nafina ma qaaddo,oo ma xambaarto denbiga naf kale,oo ka dib waxa u noqonaysaan,xagga Rabbigiin,markaas ayaa la idiinka warramayaa,waxa aad ahaydeen kuwo sameeya, Alle waa mid og,oo u cilmi badan waxa laabaha ku jira,ee qarsoon.
Diinta Islaamku waa diintii ugu danbeysey,diinaha Alle soo dejiyey,wayna wada nasakhday diinihii ka horreeyey,oo ciddii sheegata diin kale,way gaaloobeen,oo
Alle subxaana watacaalaa,wuxu Gaalada iyo Munaafiqiinta,ugu ballan qaaday inuu gelin doono,naarta Jahannama ee kulul:
وعد الله المنافقين والمنافقات والكفّار نار جهنّم(التوبة)
Aayadda:Alle wuxu ugu ballan qaaday Munaafiqiinta,rag iyo dumarba,iyo Gaalada naarta jahannama.
Dadka gaalada ah,Alle Isagaa korreeyee,wuu u seeta dheereeyey,oo Adduunka oo ayaamo ah,waa la iska daayey caasinimadooda,iyo Adduun daba orodkooda,oo waxa lagu siiyey maal iyo carruur,illeyn Aakhiro nasiib kuma lahaye,markaa dadka muslimiinta ah,waxa loo sheegayaa in dhaldhalaalkooda maalmaha ah,aanay ku dagmin,oo jeclaysan cadaab baa u dambeeya'e.
Qofka Muslinka ahi waa inuu ku kalsoonaadaa waxa Alle nasiibka u siiyey,oo uu u dadaalaa,inuu liibaanta Ifka iyo Aakhiro helo,taas oo ah,in Alle ka raalli noqdo,waa in uu ka maarmo cid kale,oo aanu waxba ka sugin,waayo Alle ayaa qoray wuxuu la kulmayo,oo helayo,intuu noolaanayo,meeshuu ku dhimanayo,iyo wax kasta,markaa waa in aanu qofna Gaalada dhaldhalaalkooda,iyo waxa Adduunka Illaahay ku siiyey is raacin,oo u hanqal taagin,waa wax Gaalada lagu luminayo oo ay isa siiyeene:
فلا تعجبك أموالهم ولا أولادهم إنّما يريد الله ليعذبهم بها في الحياة الدّنيا وتزهق أنفسهم وهم كافرون (التوبة)
Aayadda:ha la yaabin,oo yaanay ku cajeb gelin,Maalka iyo Carruurtoodu,Alle wuxu doonayaa,inuu ku cadaabo dunida,oo ay naftoodu ku taraarto,oo ku fogaato iyagoo gaalo ah.
Qofka Muslinka ahi,waa inaanu isagu ku dayan gaal lunsan,sidoo kale waa inaanu ka yeelan gacal,uu ku tiirsado,oo yaanu jaal ka dhigan,haddii kale wuu gaalaysiinayaa:
( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللَّهَ لا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ ) المائدة
Aayadda:kuwii Alle iyo Nebiga rumeeyow,ha ka yeelanina Yuhuudda iyo Nasaarida(Kiristaanka)Awliyo(kuwo aad ku tiirsataan oo jaal ka dhigataan),iyaga ayaa badhba badhka kale jaal u yahaye,qofka ka yeesha jaal,uu ku tiirsado,waa ka mid iyaga,Alle ma hadeeyo Qowm daalimiin ah.
Waxa Alle inoo caddeeyey,dadka gaalada ah,in ay ka mid yihiin,kuwa ku sheegaya Nebi Ciise calayhi salaam,inuu Alle yahay,oo samaynaya wax Alle ka nasahan yahay:
لقد كفر الّذين قالوا إنّ الله هو المسيح ابن مريم قل فمن يملك من الله شيئًا إن أراد أن يهلك المسيح ابن مريم وأُمّه ومن في الأرض جميعًا ولله ملك السّماوات والأرض وما بينهما يخلق ما يشاء والله على كلّ شيء قدير(المائدة)
Aayadda:xaqiiqa'e way gaaloobeen,kuwa yidhi Alle waa Ciise ina Maryama,waxad ku tidhaahdaa(Nebi Allow);yaa Alle shey la wadaaga,haddii uu doono,in uu halaago (Ciise)Masiix ina Maryama,iyo Hooyadii,iyo waxa dhulka guudkiisa saaran oo dhan, Alle waxa uu leeyahay,Samooyinka iyo Arlada iyo inta u dhexaysa,waxa uu abuuraa waxa uu Isagu doono,oo Alle wax kasta waa awoodaa.
Waxa sidoo kale gaalnimadooda,la inoo caddeeyey kuwa odhanaya Alle waa saddex, kuwaas oo dhami kiristan bay sheegtaan,Alle waa keligii diinta keliya ee Adduunka hadda ka jirta,ee xaqa ah,ee Alle ka raalli yahay,waa Islaam,wixii kale waa ehlu naar:
لقد كفر الّذين قالوا إنّ الله ثالث ثلاثة وما من إلـه إلا اله واحدٌ وإن لم ينتهوا عمّا يقولون ليمسنّ الّذين كفروا منهم عذاب أليم(المائدة)
Aayadda:xaqiiqa'e way gaaloobeen,kuwa yidhi;Alle waa mid saddexda Illaah ah, mana jiro Alle kiliya mooyee Alle kale,oo haddaanay ka waantoobin,waxa ay leeyihiin,waxa haleeli doona kuwaas,gaalada ah cadaab kulul.
Waxa qofka muslinka ah,laga rabaa,inuu ilaashado iimaankiisa,oo aanu u dayicin gaal,uu is leeyahay,wax buu kuu tarayaa,waa inuu Alle keliya wax ka sugaa,oo uu ka maarmo ciddii kale,ee aan Alle ahayn,oo aanu adeecin gaalada,oo raacin baadidooda:
ولا تطع الكافرين والمنافقين ودع أذاهم وتوكّل على الله وكفى بالله وكيلا(ألأحزاب)
Aayadda:ha adeecin Gaalada iyo Munaafiqiinta,oo iska dhaaf dhibtooda,waxad talosaarataa Alle,isaagaa talosaarasho kuugu filane.
Diinta Islaamku,waxay u dhigtay,xad iyo sharci,qofka riddooba,oo ah in la dilo,qofka riddooba lama dhaxli karo maalkiisa,isaguna cid ma dhaxli karo,oo haddii la dilo maalkiisa waxa lagu shubayaa beeytul maalka.
Shaydaanku waa heegan,oo mar kasta,wuxu u taagan yahay,ballantii uu qaaday,in uu fuliyo,oo inuu dadka caqliga iyo aqoonta yar hufiyo waa suurtagal,laakiin qofka caqliga qaba,ee fekeraya waa iska garan karaa,Adduunkana wuu qiimayn karaa,oo in ujeeddo Alle u keenay buu garanayaa,in laga wada tegayo,oo qofka iyo camalkiisu isu soo hadhayaan ayuu og yahay,haddaba Aakhiro waa meesha lagu waarayo,abaalkuna waa ama Janno ama Naar,caqliga waxa Alle inoo siiyey inaan wax ku kala garano,bal yaa geerida iyo dhimashada ka badbaadi kara,waa cidna Alle mooyee Ummiyaha kale waa wada dhimanayaan,Alle ayaa inooga warramay,oo Nebigiisa inoogu soo dejiyey, wax kasta,haddaba waxa loo shaqaysanayaa,waa Aakhiro'e,yaan dhaldhalaal aan Adduunka dhaafsiisnayn ina hodin.
Alle waa Qani dadku iyagaa u baahan,kii kufriya mid adeeca buu ku bedeli:
والله الغنيّ وأنتم الفقراء وإن تتولّوا يستبدل قومًا غيركم ثمّ لا يكونوا أمثالكم(محمد)
Aayadda:Alle waa Qani,idinkuna fuquro ayaad tihiin,oo haddaad jeesataan(gaalowdaan),Alle wuxu idinku bedelayaa,kuwo kale,oo aan idinka ahayn,oo ka dib aan sidiinna noqon doonin gaalo.
Dadka qof kastaa,waxa uu shaqaystay,ayuu leeyahay,nafna naf kale wax uma hayso:
فمن يعمل مثقال ذرّة خيراً يره ومن يعمل مثقال ذرّة شرّاً يره(الزلزلة)
Aayadda:kii sameeyaa,wax aad u yar oo khayr ah,wuu arkayaa,oo helayaa,kii isna sameeya,wax yar oo shar ahi,wuu arkayaa oo wuu helayaa.
Abaal marinta dadka Alle siinayaa waa ama ciqaab,iyo cadaab,uu ku kasbaday caasinimadiisa,ama Janno uu kasbado adeecidda iyo raacista amarrada Alle,oo dadka gaalooba waxa Alle gelinayaa Cadaab daran,oo mar kasta oo jidhkooda cadaabku laasto,waxa dib loogu cusboonaysiinayaa jidhkii,waa sidaas oo joogto ah:
إنّ الّذين كفروا سوف نسصليهم ناراً كلّما نضجت جلودهم بدلناهم جلوداً غيرها ليذوقوا العذاب إنّ الله كان عزيزاً حكيماً(النسّاء)
Aayadda:kuwa gaaloobey,waxa la gelin doonaa Naar,mar kasta oo uu bislaado jidhkoodu,oo Naartu dhamayso,waxanu ugu bedelaynaa jidh kale,si ay u dhadhamiyaan cadaabka,Alle waa ka casiiska ah,ee awoodda leh,ee xakiimka ah.
إنّ الله يدخل الّذين ءامنوا وعملوا الصّالحات جنّات تجري من تحتها الأنهار والّذين كفروا يتمتعون ويأكلون كما تأكلوا الأنعام والنّار مثوى لهم(محمد)
Aayadda:Alle waxa uu gelinayaa,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,ee camalka saalixa la yimi,Jannooyin ay hoos soconayaan webiyo,kuwa gaaloobeyna ha iska raaxaysteen,oo ha isaga cuneen sida xooluhu wax u cunaan,naar ayaa hooy u ahe.
Gaaladu way isla baxsan yihiin,oo Shaydaankaa u qurxiyey camalkooda,waxa la odhanyaa iska qosla,oo iska farxa,idinkoo is moodaya,saadanbaad garan doontaane:
فليضحكوا قليلا وليبكوا كثيراً جزاءً بما كانوا يكسبون(التّوبة)
Aayadda:ha qosleen in yar,waxay ooyi doonaan in badane,waa abaalkooda waxa ay kasbadeen.
Waxay gaaladu jeclaanayaan,hadday mar keliya noqon lahaayeen,oo Alle u saamixi lahaa in Aduunkii lagu celiyo,oo ay muslin soo noqdaan,si ay cadaabka uga baxaan:
فلوا أنّ لنا كرّة لنكوننّ من المؤمنين(الشعراء)
Aayadda:haddii aannu heli lahayn fursad noqosho,waxa aannu noqon lahayn muslimiin.
Xaalka gaaladu sidee noqonayaa,Aakhiro iyo qiyaamaha,waxa imanaysa runta iyo xaqiiqada,taas oo uu diidanaa,oo uu dhaafsaday nolosha adduunka iyo hawadiisa:
إنَّ الَّذِينَ كَفَرُواْ وَمَاتُواْ وَهُمْ كُفَّارٌ فَلَن يُقْبَلَ مِنْ أَحَدِهِم مِّلْءُ الأرْضِ ذَهَباً وَلَوِ افْتَدَى بِهِ أُوْلَـئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ وَمَا لَهُم مِّن نَّاصِرِينَ)أل عمران)
Aayadda:kuwa gaaloobey,ee ku dhintay gaalnimada,laga aqbali mayo,hadday keenaan dhulka muggiis,oo dahab ah,si ay isugu furtaan,kuwaasi waxay gelayaan cadaab kulul,mana helayaan cid u gargaarta.
Gaalku wuxu jeclaysanayaa in uu helo wax uu isku furto,si uu u badbaadao:
يبصرونهم يودّ المجرم لو يفتدي من عذاب يومئذ ببنيه وصاحبته وأخيه وفصيلته الّتي تؤيه ومن في الأرض جميعًا ثمّ ينجيه (المعارج)
Aayadda:waxay arkayaan naarta,markaasaa mujrimku jeclaysanayaa,hadduu iskaga furan lahaa maalintaa cadaabka,ilmihiisa,iyo qofkay is qabaan,iyo walaalkiis,iyo xigtadiisa(tolkiisa/qabiilkiisa)garab siinaysey,iyo waxa dhulka jooga dhamidood, dabadeed uu badbaado.
Marka qiyaamuhu dhaco,ee runtu run geydo,waxa gaaladu jeclaanaysaa,haddii ay muslin ahaan lahaayeen.
وَلَوْ تَرَى إِذْ وُقِفُوا عَلَى النَّارِ فَقَالُوا يَا لَيْتَنَا نُرَدُّ وَلا نُكَذِّبَ بِآيَاتِ رَبِّنَا وَنَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ (الأنعام)
Aayadda:haddaad arki lahayd,iyagoo taagan naarta,oo leh hoogayaga'e,haddii nala celin lahaa,oo aanaanu Aayadaha Alle beenayn,oo muslimiin noqonno.
ما أرادوا أن يخرجوامنها أُعيدوا فيها وقيل لهم ذوقوا عذاب النّار الّذي كنتم به تكذبون (السّجدة)
Aayadda:markasta oo ay doonaan,in ay naarta ka baxaan waa lagu celiyaa,oo la yidhaahdaa;dhadhamiya cadaabka naarta,aad ahaydeen kuwo beeniya.

Nin riddoobey raad beel
Rabbigiis nin caasiyey
Oo runtii hareer maray
Isagay riyada baas
Cadaab ugu rumoobiye
Ku rayray dheh naartiyo
Raranka aan qaboobeyn
Waa raasamaaloo
Reerkaaga weeyaan
Wallee waad ku raran tahay
Rakaadkeeda joogtada
Adigaa u rooroo
Kaba raysan waayee
Raxmad miyaad ka filaysaa
Ha ku raabsatee daa
Waadigii riddoobeye
Riboodhada caddeeyee
Raadraaca Shaydaan
U rixleeyey gaalo'e
Adna raalli geli tidhi
Oo riisalkii cadaab noqey
Iyo raaf dillaacaa
Riyo iyo ciyaar bay
Runtu kula ahaydoo
Dhigi weydey raafkee
Ku raaxayso Jahanama
Rimoodhkaa aad jiiday
Baa rarka kugu cusleeyoo
Ragaad baad u dhimatee
Ku rogrogo nasiibkaa
Adigaa u riyaaqoo
Rafaad raaxo moodee
Ka ridrido bisaylkii
Rafiiq waxad la tahay kii
Kugu riday jabkoo dhane
Ku rayraya naaraha
Adigaa u rixiyoo
Ruufiyaan ibliyiisiyo
Gaalo raaf ku saartee
Riyaaqdee aqoon li'i
Sow raysan weydee
Jidhku goortu rooroo
Ay naartu ruustoba
Dib baa loo rakibayaa
Oo naartaad u risiq tahay
Raashin aan dhamaanayn
Rajo kuuma taallee
Adiga ayaan isu roonayn
Oo rafaadkaa adays baday
Rayi goortu beegnaa
Xaajadu raasiin iyo
Ay lahad rogrogashada
Adigaa ka rooroo
Raaxo mooday maalmaha
Rabbi uu xaddiday ee
Reebmaaya goor dhow
Haddaad raaci layd xaqa
Hadaad raysan laydoo
Aad raaxo heli layd
Adigaa rarka is baday
Ramaaskii cadaabkiyo
Waa raranka naartee
Rufiyaanka rabbi nacay
Rasuulkii ka tala go'ay
Rafiiqsaday ibliisyada
Raka sare is geeyee
Rayigiisa kaashaday
Rug miyaad u noqotoo
Raaskuu ku degayee
Rabshadiisa ku fidsado
Rati baad u noqoteen
Rarka waad u qaadeen
Runtii waad u rixiseen
Rafiiq baad u noqoteen
Raaf meeshuu dhigayoba
Reer baad wadaagtaan
Rarankaad gelaysaan
Raaxaad ka gadateen
Rabbi waad ku kufrideen
Riddaa isku habayseen
Roonow illaahay
Cidna riixi maysoo
Runta dhaafi maysee
Rooroo is raacoo
Raaxaysta beenoo
Reeba oo bal geerida
Rubada yaan la jarinoo
Ragganimadad filaysaan
Rabbigiin ku caasiya
Runtu berri ayay iman
Oo risboons ayaad heli(response)
Iska riddaysta hootada
Iska riyaaqa waallida
Risiqsada aqoontaad
Raadkeeda tebaysaan
Rugtaad deggi rafaad badan
Haddaad reebay khaladdada(if u repent)
Rakibayso waxa jabay
Raadraaca xaqa iyo
Rabbigaa ka cabsanay
Roog baa laguu dhigi
Rabbi waa aqbalayaa
Riddada haddaad ka soo noqon
Riddada haddaad ka soo noqon
Riddada haddaad ka soo noqon
Waxa aan Allaha weyn ka baryaynaa;in uu innagu sugo iimanka,oo innaga dhigo kuwo ku toosan,adeecidda amarradiisa,oo uu raalli ka noqdo,Aamiin,Aamiin,Aamiin.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w