Adduunka ama Kownka(Qaybtii 36aad)

 


Risaaladda iyo Rususha Alle


Risaaladdu waa diinta Alle,oo magacyo badan,ayaa diinta Alle,loogu yeedhaa,sida Risaalad,Waxyi,Kelmed,Aayad(o),Manhaj,Digri…iwm.


Risaaladdu waa diinta Alle u soo dejiyey dadka,si ay ugu dhaqmaan,ee uu ugu soo dhiibay Rususha,waana manhajka,ay dadku raacayaan,ee noloshooda oo dhan,ay ku dabbaqayaan,Alle subxaana watacaalaa,markii uu abuuray Adduunkan,waxa uu ku dul abuuray,makhluuqaad farabadan,waxana makhluuqaas oo u qaybsan qaybo kala geddisan,waxa Alle fadilay,oo siiyey hoggaanka Adduunkan Insaanka,oo waxa uu u sameeyey,oo u dejiyey manhaj,iyo dariiqo ay noloshooda u maareeyaan,oo ah,mid ku habboon,oo Allihii abuurey u diyaariyey,waxa dhexdooda Alle ka doortay Rusul,uu ugu soo dhiibo Risaaladaas,oo u soo diro,si ay u baraan waxyaalaha ay diintu koobsanayso,oo ugu caddeeyaan waxyaalaha la iska rabo,in la sameeyo,ee abaalmarintoodu tahay ajarka iyo Jannada,iyo waxyaalaha la iska reebayo,ee abaalkoodu yahay ciqaabta,iyo Naarta,haddii la sameeyo:


يا أيّها النّاس قد جاءكم الرّسول بالحقّ من ربّكم فأمنوا خيرًا لكم وإن تكفروا فإنّ لله ما في السّماوات والأرض وكان الله عليمًا حكيمًا(النساء)
Aayadda:dadyohow xaqiiqa'e,waxa xaq idiinku yimi Rasuul,ka sugnaaday,Xagga Alle,ee rumeeya,sidaas ayaa idiin khayr badane,oo haddaad ku gaalowdaan(diiddaan), Alle waxa uu leeyahay Samooyinka,iyo Arlada,iyo waxa ku suganba,waana cilmi badane,xakiim ah.


Rususha waxa korkooda ah,gaadhsiin cad,ciddii hadoobaysa,iyo ciddii kale iyaga ma saarna masuuliyaddoodu,kamana wakiil aha:
"إنا أنزلنا عليك الكتاب للناس بالحق فمن اهتدى فلنفسه ومن ضل فانّما يضل عليها ومآأنت عليهم بوكيل"(الزمر)


Aayadda:waxa aannu dadka kuugu soo dejinnay,kitaab xaq ah,kii hanuunayaa,naftiisa ayuu hanuuniyey,kii baadiyobana,isagaa naftiisa baadiyeeyey,oo lumiyey,oo adigu wakiil kama tihid.
Rususha Alle,waxa la amrayaa,in ay Risaaladda gudbiyaan,oo Alle keliya ka baqaan:
الّذين يبلغون رسالات الله ويخشونه ولا يخشون أحدًا إلا الله وكفى بالله حسيبًا(ألأحزاب)
Aayadda:kuwa gaadhsiinaya,ee tebinaya Risaaladaha Alle,ee Isaga ka baqaya,oo aan cid kale,ka baqaynin,aan Alle ahayn,Alle ayaana ku filan,fillaansho dhamideed.
Rususha Alle soo diray,waxa ay dadka barayeen,oo u dhigayeen waxa waajibaad ah,ee ay diintu xambaarsan tahay,oo waxay u iftiiminayeen xaqa:
كما أرسلنا فيكم رسولا منكم يتلوا عليكم ءاياتنا ويزكيكم ويعلمكم الكتاب والحكمة ويعلمكم ما لم تكونوا تعلمون(البقرة)


Aayadda:sida aannu idiinku soo dirnay Rasuul idinka mid ah,oo idiin akhriya Aayadahayaga,oo idin dahira,oo idin bara kitaabka iyo xikmadda,oo idin bara wax aydinaan hore u aqoonin.


Rasuullada Alle soo diray,waxay dhamaantood,dadka ugu yeedhayeen,in Alle keli yahay,oo keligiis la caabudo:


فأرسلنا فيهم رسولا منهم أن اعبد الله ما لكم من إلـه غيره أفلا تتّقون(المؤمنون)
Aayadda:waxa aannu u dirnay,Rasuul iyaga ka mid ah,in ay Alle caabudaan,ma jiro Illaah kale,oo aan isaga ahayni,waar miyaydaan cabsanaynin.
Risaalada iyo manhajka Alle,waa mid keliya,oo Rususha oo dhami,iskaga mid ahaayeen,waxay keliyoo ay ku kala geddisnaayeen,sharciyada diin kasti leedahay,oo waxa la yidhaahdaa Rususha diintoodu waa mid keliya,laakiin hooyooyin kala geddisan baa kala dhalay:


وما أرسلنا من قبلك من رسول إلا نوحي إليه أنّه لا إلـه إلا أنا فاعبدون(ألأنبياء)
Aayadda:ma aannu dirin adiga hortaa,Rasuul aannaan u waxyoonin in Aniga mooyee,aan Alle kale jirin,oo aad i caabuddaan.


Rususha Alle way wadaageen diinta,oo diin keliya,ayaa Alle u soo diray,fidinteeda, laakiin sharciyada,way ku kala geddisnaayeen qaarkood,tusaale ahaan,Nebi Aadan waqtigiisii sharcigu waa bannaynayey,in laba walaalo ahi, is guursadaan,waa in aanay mataano ahaan keliya,laakiin markii Nebi Aadan geeriyooday,dadkiina batay,diinihii danbe ma ay bannaanayn,in walaaluhu is guursadaan,ama mataano ha ahaadeen,ama yay ahaane,sidoo kale waqtigii Nebi Yacquub,sharcigu waa bannaynayey,in ninku kulmiyo,oo wada guursan karo,laba hablood oo walaalo ah,sharciyadii ka danbeeyey, ma ogolayn,Nebi Muuse waqtigiisii,waxa dadka ku waajib ahaa,laba salaadood,in ay tukadaan habeenkii,iyo maalintiiba,Ummadda Nebi Maxamedna,waxa ku waajib ah, shan salaadood,habeenkii,iyo maalintiiba,sidaas ayaa sharciyadu u kala geddisnayeen, laakiin diin keliya,oo tawxiidka,iyo kelinimada Alle,iyo in keligii la caabudo dhigaysa,oo la adeeco,lana qaato amarradiisa,oo lala yimaaddo,waxa diinta Alle farayso,lagana dheeraado,waxa diinta Alle,dadka ka reebtay,ayay kulligood ahaayeen.


Ummad kasta,oo Alle abuuray,waxa uu u soo diray Rasuul,bara oo sheega xaqa:
إنّا أرسلناك بالحقّ بشيرًا ونذيرًا وإن من أُمّة إلا خلا فيها نذير(فاطر)
Aayadda:(Nebi Allow)waxa aannu kuu dirnay,si xaq ah,adigoo ah,bushaareeye,iyo dige,mana jirto ummad,aannaan u dirin dige,u diga.


Rasuulku waxa uu dadka gaadhsiiyaa diinta,iyo risaaladda loo soo dhiibay,ee Alle u doortay,ma jiro Rasuul dadka lacag,ama xoolo waydiiya,Illaahay ayaa ajar,iyo maal ugu filan,isaga waajibkiisu waa,inuu gaadhsiiyo dadka,waxa loo soo dejiyey,ciddii raacda,ee aqbasha amarrada Eebbe wanaag ayaa,Alle ugu ballan qaaday,ciddii beenisa,ee Rasuulka loo soo diray,adeeci wayda,waxa ay abaal u helayaan Naar:
قل يا أيّها النّاس إنّما أنا لكم نذيرٌ مّبين فالّذين ءامنوا وعملوا الصّالحات لهم مغفرة ورزق كريم والّذين سعوا في ءاياتنا معاجزين أولئك أصحاب الجحيم(الحج)
Aayadda:dheh(Nebi Allow)dadyohow waxa aan anigu ahay dige cad,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,ee camalka wanaagsan,ee saalixa ah,sameeyey,waxa ay leeyihiin,denbi dhaaf,iyo risiq wanaagsan,kuwa Aayadahayaga ka caajisaya,ee aan danaynaynin,kuwaasi waa asxaabta naarta Jaxiima.
فاتّقوا الله وأطيعون وما أسئلكم عليه من أجر إن أجري إلا على ربّ العالمين(الشعراء)
Aayadda:Alle ka cabsada,oo i adeeca,idinma weydiinayo ajar,ama maal,oo ajarkaygu xagga Rabbiga caalamiinta ayuu iiga sugnaaday.
Rususha Alle,ee uu dadka u soo diraa,waxa ay dadka u iftiimiyaan xaqa,iyo manhajka Alle,oo waxay dadka ka saaraan,mugdiga iyo jahliga,waxana ay u saaraan nuurka:


ألر كتابٌ أنزلناه إليك لتخرج النّاس من الظلمات إلى النّور بإذن ربّهم إلى صراط العزيز الحميد(ابراهيم)
Aayadda: Alif laam ra(Alle ayaa muraadkooda iyo macnohooda xarfahan og)waa Kitaab,aannu kugu soo dejinney,si aad dadka uga saarto mugdiga,oo ugu saarto nuurka,idamka Rabbigood,ee jidka siraad,ee Allaha casiiska ah,ee mahadda leh.
Alle subxaana watacaalaa,waxa uu soo diray Rusul badan,in ka mid ah,Illaahay waa inoo sheegay,oo inooga warramay,in ka mid ahna,All keliya ayaa garanaya:
ولقد أرسلنا رسلا من قبلك منهم من قصصنا عليك ومنهم من لم نقصص عليك وما كان لرسول أن يأتي بأية إلا بإذن الله فإذا جاء أمر الله قضي بالحقّ وخسر هنالك المبطلون(غافر)


Aayadda:xaqiiqa'e waxa aannu dirnay hortaa Rusul,waxa ka mid ah,kuwo aannu kaaga warrannay,qisooyinkooda,iyo kuwo aannaan kaaga warramin,uma sugnaanin Rasuulna in uu la yimaaddo,Aayad qudha,idinkayaga mooyee,haddii uu yimaaddo amarka Alle(Qiyaamuhu)waxa xukunku u dhacayaa,si xaq ah,oo waxa halkaa ku khasaaraya,kuwa baadilka,iyo lumitaanka ku jira.
Waxa Alle innooga warramay,qowmam badan oo Rasuulladii loo soo diray,beeniyey, oo ku gaaloobey:


ألم يأتكم نبؤا الّذين من قبلكم قوم نوح وعاد وثمود والّذين من بعدهم لا يعلمهم إلا الله جاءتهم رسلهم بالبيّنات فردّوا أيديهم في أفواههم وقالوا إنّا كفرنا بما أرسلتم به وإنّا لفي شك ممّا تدعوننا إليه مريب (إبراهيم)


Aayadda:miyaanuu idiin iman,warkii kuwii idinka horreeyey,ee Qowmu Nuux,iyo Caad,iyo Samuud,iyo kuwii ka danbeeyey,ee Alle mooyee,aan cid kale ogayn,waxa ay Rusushayadu la yimaaddeen,xujooyin cadcad,markaas ayay gacmohooda afka ku dabooleen,oo yidhaahdeen,waannu ku kufrinay,oo ku gaalowney,waxa aad la timaaddeen,ee la idiin soo diray,oo shaki ayaannu ka qabnaa,waxa aad noogu yeedhaysaan.


Rususha Alle,iyaga waxa saran waajib,ah in ay gudbiyaan,oo dadka gaadhsiiyaan Risaaladda Eebbe,oo u caddeeyaan,si fiicanna ugu fasiraan,oo uga digaan dadka Qiyaamaha,iyo xisaabta danbaysa,ciddii diidda,ee madax adaygta iyagay u xun tahay:
وقال الّذين كفروا لرسلهم لنخرجنّكم من أرضينا أو لتعودنّ في ملّتنا فأوحى إليهم ربّهم لنهلكنّ الظالمين ولنسكننّكم الأرض من بعدهم ذالك لمن خاف مقامي وخاف وعيد(إبراهيم)
Aayadda:waxa ay odhanayaan,kuwii ku gaaloobey Rusushoodii,waannu idinka saari doonnaa dhulkayaga,ama milladayada ayaad dib ugu soo noqonaysaan,waxa Alle u waxyooday;waannu halligi doonnaa daalimiinta,oo iyaga ka dib ayaannu dhulka idin dejin doonnaa,arrinkaasi waxa uu u sugnaaday,kuwa iga baqa,ee ka baqa maalinta la isu yaboohayo(Qiyaamaha).
Rusushii Illaahay soo diray,waxay ahaayeen,kuwo laga soo dhex doortay,dadka loo soo diray,oo la dabeecad iyo dhaqan ah,oo sidooda wax cuna,waxna cabba,una nool sidooda oo kale,laakiin Alle u doortay,in ay masuuliyaddan Risaalada qaadaan:


وما أرسلنا قبلك من المرسلين إلا أنّهم ليأكلون الطّعام ويمشون في الأسواق وجعلنا بعضكم لبعض فتنة أتصبرون وكان ربّك بصيرًا(الفرقان)
Aayadda:adiga hortaa,ma aannu dirin Rusul,aan ahayn kuwo cuntada cuna,oo suuqyada socda,oo waxanu ka yeelnay,badhkiinba badhka,kele kuwo fidno u ah,waar ma yeelaynaysaan sabir,Rabbigiin waa mid arkaya,oo arag badane ahe.
Inta badan waxa dadka Rasullada diiday,ay la yaabbanaayeen,in qof iyaga ka mid ah,oo bashar ah,uu Rasuul noqdo:


وما منع النّاس أن يؤمنوا إذ جاءهم الهدى إلا أن قالوا أبعث الله بشرًا رسولا قل لو كان في الأرض ملائكة يمشون مطمئنين لنزلنا عليهم من السّماء ملكًا رسولا قل كفى بالله شهيدًا بيني وبينكم إنّه كان بعباده خبيرًا بصيرًا (الإسراء)


Aayadda:kama manciyin,oo uma diidin dadka in ay Alle iyo Nebigiisa rumeyaan,markii hanuunku u yimi,ma aha wax kale,oo aan ahayn,in ay yidhaahdaan;Alle ma waxa uu soo diray bashar,Rasuul ah,ku dheh(Nebi Allow)haddii dhulka ay Malaa'igi joogi lahayd,iyagoo si deggan isaga soconaya,waxa aannu Samada ka soo dejin lahayn,Malag Rasuul ah,Alle ayaa iigu filan marag dhexdeenna,Isagu Addoomadiisa wuxu u yahay khabiir,arkaya oo basiir u ah.
Dadkaa Rususha ku diiday,ee ku adeeci waayey basharnimada,waxa ay ka dalbeen Rususha xujooyin,iyagoo leh,bashar nala mid ah,ayaad tihiine anagaad rabtaan,in aad naga hor istaagtaan wixii ay Aabbayaashayo caabudi jireen:
قالت رسلهم أفي الله شكّ فاطر السّماوات والأرض يدعوكم ليغفر لكم من ذنوبكم ويؤخركم إلى أجل مسمًّى قالوا إن أنتم إلا بشر مثلنا تريدون أن تصدّونا عمّا كان يعبد ءاباءنا فأتونا بسلطان مبين (إبراهيم)


Aayadda:waxa ay ku tidhi Rusushoodii Alle ma shaki ayaa ka jira,ka abuuray Samooyinka,iyo Arlada,waxa uu idiinku yeedhayaa,in uu idiin denbi dhaafo,oo idiin dib dhigo,ilaa ajal go'an,waxa ay yidhaahdeen;waxa aad tihiin bashar,annaga nala mid ah,waxa aad doonaysaan,in aad naga hor istaagtaan, wixii ay Aabbayaashayo caabudi jireen,ee noo keena xujo cad.
Rusushu waxa ay mar kasta,caddaynayeen in waxa,Alle u waxyoodey keliya,ay gudbinayaan,oo aanay iyagu naftooda,waxba ka keeni karin:


قالت رسلهم إن نحن إلا بشر مثلكم ولكنّ الله يمنّ على من يشاء من عباده وما كان لنا أن نأتيكم بسلطان إلا بإذن الله وعلى الله فليتوكل المؤمنون (إبراهيم)
Aayadda:waxa ay Rusushoodii yidhaahdeen;ma nihin bashar idinka idinla mid ah mooyee,laakiin Illaahay ayaa ku mannaysta cidduu doono,ee Addoomadiisa ka mid ah,oo doorta,oo nooma sugnaan,in aannu xujo idiin keenno,Alle idinkiisa mooyee, Allena ha tala saarteen,muuminiintu.


Waxa Alle ka dhex doortaa Rasuulka,dadka uu u dirayo,Alle xikmadiisa waxa uu u dooray,in uu mid iyaga ka mid ah,ka dhigo Rasuul,oo masuuliyadda gudbinta,iyo gaadhsiinta xaqa,loo xilsaaro,waxase la yaab leh,in dadkii qof iyagii ka mid ah,u arkaan,in aanu Rasuul noqon karin:


َأكَانَ لِلنَّاسِ عَجَباً أَنْ أَوْحَيْنَا إِلَى رَجُلٍ مِّنْهُمْ أَنْ أَنذِرِ النَّاسَ وَبَشِّرِ الَّذِينَ آمَنُوا أنّ لهم قدم صدق عند ربّهم (يونس)


Aayadda:ma waxay dadka ku ahayd,wax cajab ku ah,oo ay la yaabaan,in aannu u waxyoonno,nin iyaga ka mid ah,si uu dadka ugu digo,oo ugu bushaareeyo,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,oo u sheego in ay Alle agtiisa ku leeyihiin ballan qaad run ah.
أو عجبتم أن جاءكم ذكر من ربّكم على رجل منكم لينذركم ولتتّقوا ولعلكم ترحمون(الأعراف)


Aayadda:ma waxa aad la yaabban tihiin,in uu idiinka yimaaddo digri ama kitaab Rabbigiin,oo uu idiin keeno,nin idinka mid ah,si uu idiinku digo,oo aad cabsataan, waxa la arkaa in la idiin naxariisto'e.


Rasuulka Alle soo dirayaa,marna kama masuul aha,in dadku adeecan,iyo in kale,ee isaga waajibkiisu,waa gaadhsiin cad,oo uu Risaaladda Alle dadka gaadhsiiyo:
قد جاءكم بصائر من ربّكم فمن أبصر فلنفسه ومن عمي فعليها وما أنا عليكم بحفيظ(الأنعام)


Aayadda:xaqiiqa'e waxa xagga Rabbigiinna,idiinka yimi nuur iyo aragtiyo cadcad,kii qaata,ee indhihiisa u furaa,isagaa naftiisa u muujiyey,kii iska indha tira,isna isaga ayay jirtaa,oo anigu idiinma ihi mid idin xifdiyaya,oo idin ilaalinaya.
Farqiqa u dhexeeya Rasuul,iyo Nebi waxa weeye Nebiga Alle waa u waxyoodey,ee lama farin,in uu masuuliyadda gudbinta xambaaro,halka Rasuulka lagu waajibiyey,in uu gaadhsiiyo dadka,waana jiraa Nebi,aan Rasuul ahayn,ama Rasuul aan Nebi ahayn, sidoo kale waxa jira Rasuul Nebi ah.


Rusushu Alle,waxa ay noqon karaan,Malaa'ig ama Insaan,oo Malaggu Alle iyo Rasuulkiisa,ayuu u kala dhexaynayaa,sida Malakul Jibriil,Insaankuna dadkii:
ألله يصطفي من الملائكة رسلا ومن الناس إنّ الله سميع بصير(الحج)
Aayadda:Alle waxa uu Malaa'igta iyo dadka ka doortaa Rusul,Alle waa ka maqla,ee arka wax kasta.


Waxa Rususha Alle ugu fadilay,iyadoo mid kasta Alle siiyey khayr uu kaga doortay dadka kale,haddana waxa ugu sii fadilan,shanta Rasuul ee uulu casmiga la yidhaahdo, oo kala ah: Nebi Nuux,Nebi Ibraahim,Nebi Muuse,Nebi Ciise(calayhimu salaam),iyo Nebi Maxamed calayhi salaatu wasalaame:


شرع لكم من الدّين ما وصّى به نوحًا والّذي أوحينا إليك وما وصّينا به إبراهيم وموسى وعيسى وأن أقيموا الدّين ولا تتفرّقوا فيه كبر على المشركين ما تدعوهم إليه الله يجتبي إليه من يشاء ويهدي إليه من ينيب(الشورى)


Aayadda:Alle wuxuu idiinka dhigay sharci diinta,wixii uu Alle u dardaarmay Nuux, oo kale,iyo waxa aannu kuu waxyooney,iyo waxa aannu u dardaaranay Ibraahin,iyo Muuse,iyo Ciise,oo ah in diinta la oogo,oo aan la kala tafaraaruqin,waxa Mushrikiinta ku weyn,oo dhib ku ah,xaqa aad ku baaqaysaane,Alle ciddii uu doono,ayuu doortaa,oo waxa uu hanuuniyaa,kii la yimaadda qalbi u debecsan xaqa,oo soo noqosho badan.


Rususha mid kasta,waxa Alle u diri jirey qowm gaar ah,oo keliya,laakiin Nebi Maxamed callayhi salaatu wasalaam,waxa loo diray,dadka caalamkoo dhan:
وما أرسلناك إلا كافة للنّاس بشيرًا ونذيرًا ولكن أكثر النّاس لا يعلمون(سبا)
Aayadda:kuuma aannu dirin,dadkoo dhan mooyee,adigoo ah bushaareeye,oo ah dige,laakiin dadka intiisa badani ma garanayaan.


وقل يا أيّها النّاس إنّي رسول الله إليكم جميعاً (ألأعراف)
Aayadda:dheh(Rasuul Allow)dadyohow anigu waxa aan ahay Rasuulkii Alle,ee loo soo diray dhamaantiin.


Rusushii hore dhamaantood,Alle waxa ay waydiisteen ducooyin,intii ay Adduunka joogeen,Allena waa u yeelay,laakiin Nebi Maxamed Nabadgelyo iyo naxariisi, korkiisa ha ahaatee,waa dib dhigtay,oo Qiyaamaha,iyo maalinta adag,ayuu u dib dhigtay,si uu ummaddiisa ugu shafeeco,oo ugu gargaaro,waana Rasuulka keliya,ee Qiyaamaha dadkiisa u shafeeco qaadi doona.
Nebi Maxamed nabadgelyo,iyo naxariisi korkisa ha ahaatee,waxa uu u ahaa,dadka caalamkoo dhan,raxmad Alle u soo diray:


(وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلاَّ رَحْمَةً لِّلْعَالَمِيْنَ) سورة الأنبياء
Aayadda:kuuma aannu soo dirin raxmad aad u tahay caalamiinta(dadka) mooyee.
لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُوْلٌ مِّنْ أَنْفُسِكُمْ غَزِيْزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيْصٌ عَلَيْكُمْ بِالْمُؤْمِنِيْنَ رَؤُوْفٌ رَّحِيْمٌ) سورة التوبة)


Aayadda:waxa xaqiiqa'e la idiin soo diray Rasuul idinka mid ah,oo ka xanuunsanaya hadday dhib idin taabato,oo idiin dadaalaya,oo u ah Muuminiinta mid dhibirsan oo u naxariis badan.


قال صلى الله عليه وسلم (إنّما أنا رحمة مهداه)
Xadiiska:waxa Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam yidhi:waxkale ma ahee,waxan ahay raxmad lagu hanuunayo oo lagu hadoobayo.
Alle subxaana watacaalaa xikmaddiisa,waxa uu Nebi Maxamed ka dhigay mid aan durriyad ku abtirsata ka hadhin,wuxuna Nebigu ahaa kii ugu dambeeyey Nebiyada,iyo Rususha Alle soo diray,ee lagu khatimay:


ما كان محمد أبا أحدٍ من رجالكم ولكن رسول الله وخاتم النّبيين وكان الله بكلّ شيء عليمًا(الأحزاب)


Aayadda:ma ahay Maxamed Aabbaha mid idinka mid ah,laakiinse waa Rasuulkii Alle,waana khaatimu nebiyiin(Nebiyada kii ugu danbeyey),oo Alle wax kasta cilmi buu u leeyahay.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"إنّ الرسالة والنّبوة قد انقطعت فلا رسول بعدى ولا نبيّ"
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadelyo,iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi; Risaaladdii iyo Nebinimadii way joogsatey,oo way go'day,oo ma jiro Rasuul,iyo Nebi aniga iga danbeeyaa.


Waxa ka mid ah arkaanta Iimaanka in la rumeeyo,wax Alle wixii Rusul Alle,soo diray,oo dhamaantood la rumeeyo,waa sida diinteennu dhigayso:
ءامن الرسول بما أنزل إليـه من ربّه والمؤمنون كلّّ ءامن بالله وملآئكة وكتبه ورسله لانفرّق بين أحد من رسله وقالوا سمعنا وأطعنا غفرانك ربّنا وإليك المصير(البقرة)


Aayadda:way rumeeyeen Rusushu wixii Alle ku soo dejiyey,Muuminiintuna dhamaantood way rumeeyeen,Alle iyo Malaa'igyiisa iyo Kutubtisa iyo Rusushisa, mana kala soocayno,Rususha dhexdooda,waxanay yidhaahdeen;waannu maqalnay oo adeecnay,Allow denbi dhaafkaagaan dalabnay,oo xaggaagaan u noqonaynaa.


Alle subxaana watacaalaa,waxa uu diintiisa inoogu caddeeyey,in Rusushii,iyo Nebiyadii Nebi Maxamed sallallaahu calyhi wasalame,ugu danbeeyey,oo aanu jirin Nebi iyo Rasuul,ka dambeeya,diimahana lagu khatimay diinta Islaamka,ee isaga lagu soo dejiyey,cid diin kale,laga aqbalayaana aanay jirin,habayaraatee:
(ومن يبتغ غير إلإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الأخرة لمن الخاسرين) (العمران)
Aayadda:ciddii radsata ama qaadata Diin aan Islaamka ahay laga aqbali maayo,oo Aakhirona,waa kuwa khasaaray.


Alle waxaynu ka baryaynaa,in uu inaga dhigo kuwa raaca amarkiisa,ee guulaysta.
 

 


Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w