Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban!!!!

 

 


Magaalada Tog-wajaale, Somaliland, waxay lahayd magacyo hore oo qadiimi ah sida:-
Laanta curdinka, Garoon iyo Tog-wajaale. haatan waxa u raacay kuwo kale oo casri ah
Magaalo ganacsi iyo Dakada Qalalan. Magaaladani waxay leedahay taariikho kala duwan
oo la yaab leh. Waxan xasuus yaraanteydii in dhulka lala simay dagaalkii Somalia/ Ethio pia.

Mudu yar ka hor dagaalkaas ayaa nin xayraan ah oo magaalada ku noolaa wuxuu odhan jiray baa la yidhi:- Ilaahii wala-weyn wabiga ku rogoo Wajaalana waayirka u goo, Hargey sana soo wilaawili oo Wasiirul daakhilga wadnaha goo. Dhamaantood waa la aqbalay.

Dagaalkii kale ee 1977 wuxuu ku lahaa saameyn laxaad leh oo ilaa sagaashamaadkii, daba ysha ayaa foodhyeysay.Markii madax-weyne Rayaale ku jiray ololihiisii ugu horeeyey wu xuu meel fagaara ah kala hadlay shacabka magaaladaas, kuna yidhi:- " Reer-Wajaalow noloshiinii aan isriix-riixa lahayn, Allaha idiin soo celiyo". Wuxuuna u jeeday inaanay Qaby aalada iyo Qudhunkeeda midna aqoonin.

Bari-samaadkii la isma tooyan jirin, reer hebelna maanaan aqoonin ee waxa kaliya ee nag a dhexeeyey wuxuu ahaa Reer-Wajaale. Soomaali cid aan joogina ma jirin. Hadaba, Waja le dibay u camirantay ka dib markii Xabashidu albaabada u laabtay Harta-Sheekha. Wax ay dhamaan kulmisay baayac-mushtarigii Xamar,Boosaaso, S/L iyo kii Ethiopia.

Dulucdaydu waxay tahay, idinkoo reer- wajaaloo boqcadaa barakaysan Eebe idinku mana ystay miyaad isku eryanaysaan wax qiimo iyo qaayo midnaba lahayn. Naf Ilaahay karaam eeyey miyaa dheel-dheel ku dhimatay. Ceeb iyo cay baan mari laanahay suuqyadii waa waynaa ee dunida. Ilaahay intaad ka yaabtaan, kuna shukridaan nimcada aad ku jirtaan.

Gabo-gabadii iyo gunaanadkii waxan leeyahay:-

Hadii deeq Ilaah ku siiyoo, daruuraha haduu ku geeyoo, dushuu kaa eegayaa ,ducaa la yaboohsadeeye,kibirka waa lagu duma.



Jibriil Cali Caqli (London)